11/10/2017
Warmurtiyeedka madaxda maamul goboleedyada Kismaayo, waxaa ka mida:
- In la aasaaso Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada - Taa macneheedu waa: Farmaajo iyo Kheyre wanaag waad keeni waydeen annagaa tashanayna. Waxaa laga garab dhisayaa Dawlad kale.
- In la xusuusiyo Horjoogayaasha Villa Soomaaliya, 90% waxaa ka taliya madaxda maamul goboleedyada - haddaad wanaaga ka shaqayn waydaanna Muqdishaad maxbuus ku ahaanaysaan.
- Farmaajo iyo Kheyre waxay diideen inay maamul goboleedyada la wadaagaan deeqda shisheeyaha sida 10,000 ee guri ee Turkigu ku deeqeen. Waxay tilmaamaysaa musuqmaasuq.
- Maamulka Muqdisho waxay iska indha tireen Al-Shabaab, kuna mashquuleen inay afgambiyaan madaxda maamul goboleedyada. Sidaa daraadeed shacabka dhimanaya waxaa mas'uul ka ah Farmaajo iyo Kheyre; waa hadday leeyihiin caqli iyo damiir ay ugu naxariisanayaan bulshada.
- Dhibka dagaallada 80% wuxuu ku dhacaa maamul goboleedyada, caawimaadda shisheeyuhu bixiyana waxaa kasoo gaadha 5%. Waxaa lagu eedaynayaa Farmaajo iyo Kheyre inay lunsadaan wixii yaraa ee lagasoo dawarsaday shisheeyaha.
- Maamul Goboleedyadu waxay hakiyeen la shaqaynta Villa soomaaliya dhanka hawlaha la xiriira xeerarka iyo dib u eegista dastuurka. Tani waa digniin: Farmaajo iyo Kheyre idinlama shaqayn karno waa inaad is beddal la timaadaan.