
26/08/2025
Ra’iisul wasaaraha Australia ayaa ku eedeeyay Iiraan inay ka dambeysay weerarro ka dhacay gudaha dalka Australia. Dowladda Australia ayaa qorsheynaysa in ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan loo aqoonsado urur argagixiso. Dhanka kale, Iiraan ayaa ku hanjabtay in haddii arrintaasi dhacdo, ay urur argagixiso u aqoonsan doonto ciidanka milateriga Australia.