Arlaadi News

Arlaadi News Our dual focus is on amplifying the voices of ordinary Somalis enabling better communication with th ABOUT ARLAADI MEDIA NETWORK (AMN)

AMN is a local Somali news agency that has more commitment in the area of news programing, Producing Appeal video Clips, Producing advertisement videos, designing and editing documentray videos which has no traces in the area of corruption and misconduction and also producing community mobilization clips when in humanitarian objectives are there.

AMN ooerates across Somalia particularly in South West of somalia. AMN's main objectives are to display and deliver humanitarian news and information in Somali. The programming is based on local reporting gathered by our unique network of correspondents and material prepared by AMN’s staff producers.

Operating as usual

14/04/2021
Arlaadi News

Dhaqdhasqa Ciidan ee Magalada Muqdisho iyo Caawa

Xukuumadda Soomaaliya oo u jawaabaysa Waddamada Beesha Caalamka ee ka hadlay muddo kordhinta ayaa sheegtay in ay fulinay...
14/04/2021

Xukuumadda Soomaaliya oo u jawaabaysa Waddamada Beesha Caalamka ee ka hadlay muddo kordhinta ayaa sheegtay in ay fulinayso Qaraarkii Golaha Shacabka, iyadoo Beesha Caalamkana ugu baaqday in ay ixtiraamaan Madax bannaanida Soomaaliya.

14/04/2021

#Degdeg waxa magalada baydhaba laga maqlayaa Laba jug oo culculus lama garanayo ilaa hada qasaaraha
Si aad faahfaahin uhesho
#ishaiguhay

Dowlada Puntland ayaa kala soo degtay Dekeda Boosaaso gaadiid gaashaaman oo tiro badan kuwaas oo lagu qalabayn doono gaa...
14/04/2021

Dowlada Puntland ayaa kala soo degtay Dekeda Boosaaso gaadiid gaashaaman oo tiro badan kuwaas oo lagu qalabayn doono gaasas ka tirsan ciidanka xooga Puntland oo dhowaan tababaro loo soo xiray

14/04/2021

Deg Deg:

Qarax Xoogan Aya Duhurnimadi Maanta Kadhacay Duleedka Magaalada Balcad ee Gobalka Shabelaha Dhexe.

Qaraxan oo Ahaa Miinada Nooca Dhulka Lagu Aaso Waxa Ay Laqaraxday Gaari Caasi Rakaab Ah oo Ay Saarnayeen Dad Shacab Ah
Islamarkaana Marayay Beerya Maxamed mahdi oo Udexeysa Deegaanka Gololeey iyo Qalimow Ee Degmada Balcad Waxaana Dadkii Saarna Gariga Ay inta Badan Kugeeriyooden Qaraxa Halka Kuwa Kale uu Dhaawac Halis Ah Soo Gaaray.

Ilaa Iyo Hada Inta Laxaqiijiyay Qaraxa Lageliyay Wadada Ayaa Waxaa Kugeeriyooday 11 Qof Halka Tiro Kale Ay Kudhawacmeen

Dadkii Kudhawacmay Qaraxa Aya Waxa Gurmad Usameeyay Dad saarnaa Gawaarida Marayay Wadada

Dhowr Jeer oo Here Ayaa Sidan oo Kale Qaraxyo Uga dheceen Wadadan Xeriirisa Degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar Kuwaas oo Geystay Qasaare Kaladuwan

MADAXWEYNE LAFTAGAREEN OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKA GOLLAHA AMNIGA KOONFUR GALBEED.Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur G...
14/04/2021

MADAXWEYNE LAFTAGAREEN OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKA GOLLAHA AMNIGA KOONFUR GALBEED.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir Gudoomiyey shirka Gollaha Amniga Koonfur Galbeed oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Amniga,Saraakiisha laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan waxaana shirka warbixin looga dhagaystay Qaar kamid ah saraakiisha Laamaha Amniga waxaana ay sheegeen in Qeybaha kala Ciidanka Habeen iyo Maalin ay ku jiraan Howlgalo lagu Sugayo Amniga Deegnada Koonfur Galbeed lagagana hortago dhagarta Argigixisada Alshabaab ay doonayaan inay ku dhibaateyaan Shacabka ku nool Gobolada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Saraakiisha Laamaha Amniga uga Mahadceliyey Dadaalkooda ku aadan xaqiijinta Amniga waxaana uu kula Dardaarmay inay sii xoojiyaan Dadaalka lagu sugayo Amniga Deeganada Koonfur Galbeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in uu iska fujiyay boodhadhkii musharraxnimada ee uu ku dhejiyay waddooyinka Muqd...
14/04/2021

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in uu iska fujiyay boodhadhkii musharraxnimada ee uu ku dhejiyay waddooyinka Muqdisho.

''Boodhkaygii aan ku dhejiyay magaalada ee musharraxnimada waan ka fujiyay sababtoo ah doorasho ma jirto musharraxnimana ma jirto' ayuu yidhi.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonf...
14/04/2021

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Abuukar Cabdi ayaa Maanta gaarey Degmada Marka Cadeey ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana garoonka Degmada ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Gobolka Iyo guddoomiyaha Degmada Marka Cadeey,

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka: "Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamullada Xubnaha ka ah federaalka waa in ay...
13/04/2021

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka: "Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamullada Xubnaha ka ah federaalka waa in ay dib ugu noqdaan wada hadalka iskuna raacaan in horey loo socdo"

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa afurkii kaddib saxiixay S...
13/04/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa afurkii kaddib saxiixay Sharciga Gaarka ah ee Jihaynta Doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya aqlabiyad ku ansixiyey shalay oo taariikhdu ahayd 12.04.2021.

13/04/2021

Generaal Koronto oo ka tirsan Ciisan Xooga Dalka oo sheegay in ay la wareegi doonaan Dekada iyo Garoonka Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Xasan Cumar M...
13/04/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Xasan Cumar Mahadalle in uu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda. Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Dr. Mahadalle in uu xilkan culus u guto si xilkasnimo leh, kaalin mug lehna uu ka gaysto tayeynta tacliinta sare ee dalka.

13/04/2021
ARLAADI NEWS

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY BEELAHA HAWIYE IYO MUDO KORORSIGA OO TAAGEERAY

13/04/2021
ARLAADI News

Siyaasi Maxamed Xasan Afrah oo Beesha Caalamka u sheegay in Fara gelinta Soomaaliya ay ka daayaan

13/04/2021
ARLAADI NEWS

Garaad Cabdi Xirsi Ugaas oo ka hadlay Muda Kororsiga ayaa soo dhoweeyey

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goordhow ka ambabaxay Muqdisho, diyaaraddiisa ayaa daqiiqado ka hor ka duushay...
13/04/2021

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goordhow ka ambabaxay Muqdisho, diyaaraddiisa ayaa daqiiqado ka hor ka duushay dhabaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ay ku sii jeedaan Kismaayo

Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa daqiiqado isku dhow ay diyaaradooda uga kacday Garoonka diyaaradaha.

Bulshada rayidka ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan tallaabada uu qaaday Golaha Shacabka ee muddo kordhinta labada sano...
13/04/2021

Bulshada rayidka ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan tallaabada uu qaaday Golaha Shacabka ee muddo kordhinta labada sano, taasoo ay ku tilmaameen in go'aankaas yahay mid lagu degdegay caqabadna ku noqon kara geeddi socodka dowladnimada Soomaaliyeed, isla markaana dhaawici kara Midnimada shacabka.

Deg deg: Wasiir oo Oomaar Xilka iska casilay
12/04/2021

Deg deg: Wasiir oo Oomaar Xilka iska casilay

Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa kulan looga hadlayay adkeynta amniga la qaatay taliyaha cusub ee qeybta guud ee boolis...
12/04/2021

Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa kulan looga hadlayay adkeynta amniga la qaatay taliyaha cusub ee qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha qeybaha.

12/04/2021
Arlaadi News

Ra"iisul Wasaare Maxamed Cuseen Rooble oo maanta waqti kula qaatay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose
Ugu Hambalyeeyey 12 April

Go’aanka Gudoonka Aqalka Sare ee ku aadan Qaraarkii sharci darada ahaa ee maanta kasoo baxey Golaha Shacabka ee Waqtigii...
12/04/2021

Go’aanka Gudoonka Aqalka Sare ee ku aadan Qaraarkii sharci darada ahaa ee maanta kasoo baxey Golaha Shacabka ee Waqtigiisu Dhamaadey.

Raiisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga en Odaw...
12/04/2021

Raiisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga en Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho ku jooga Degmadda Awdheegle ee Shabeelaha Hoose.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriira munaasabadda Maalinta Ciidanka Xoogga la dabaaldagaya ciidanka Millatariga oo dhowaan ka Alshabaab oo isku dayday in ay soo weeraraan fariisimaha Ciidanka ee Bariire iyo Awdheegle khasaaro u geystay.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sidaan oo kale socdaal ugu tegay ciidamada xogga eek u sugan Awdheegle,kadib markii halkaasi ay weerar ku qaadeen Alshabaab.

Qoraal lagu daabacay Villa Soomaliya ayaa lagu yiri sida.Muqdisho, Abriil 12, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalk...
12/04/2021

Qoraal lagu daabacay Villa Soomaliya ayaa lagu yiri sida.

Muqdisho, Abriil 12, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Sharciga Gaarka ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaddib markii qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyadu ay curyaamiyeen Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee Doorashooyinka dalka oo 26kii Sebteembar 2020 uu ansixiyey Baarlaamnka JFS.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen fursaddan taariikhiga ah, ugana qeyb qaadan lahaayeen geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey saaxiibbada Soomaaliya ee dadaalka la garab taagan sidii loo sii xoojin lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka oo marxalado kala duwan soo maray.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in hay’adaha Dowladda oo ka duulaya Dastuurka dalka, waajibaadka qaran ee ay wakiilka ka yihiin, curfiga diblumaasiga iyo mabaadi’da caalamiga ah in aysan aqbaleyn faragelinta shisheeye ee arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashooyinka dalka oo ah arrimo ay u madaxbannaan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir Gudoomiyey shirka ...
12/04/2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir Gudoomiyey shirka Gollaha Amniga Koonfur Galbeed oo looga hadlay Xaalada Amniga Deeganada Koonfur Galbeed iyo sidii looga hortagi lahaa Dhagarta Argigixisada Alshabaab ay ku dhibaateeyan Shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-hishiisiinta XFS ayaa soo gabagabaysay aqoon isweedaarsi ku saabsan Dowl...
12/04/2021

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-hishiisiinta XFS ayaa soo gabagabaysay aqoon isweedaarsi ku saabsan Dowlaha Hoose iyo Maamul Daadajinta.

Aqoon isweedeersigaan oo soconayay muddo laba maalin ah, ayaa waxaa ka faaideystay Howlwadeenno laga soo xulay Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-hishiisiinta ee XFS.

12/04/2021

inta laxaqiijiyey 14 qof ayaa ku dhaawacantey qarax maanta kadhacey maqaaxi kutaala xaafada wadajir ee magaslada baydhabo

qaraxan ayaa ahaa mid lagu aasey dhulka hoostiisa oo lala bartilmaansadey dad shacab ah oo aan waxaba qalabsan oo maqaaxida fadhiyey.

dhawacyada waxaa ka mid ahaa 2 haween ah iyo gabar 1 sano iyo bar jirto

12/04/2021

Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John). Waxaana xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir loo magaacabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qarole) oo loo dallacsiiyey Derejads GS

12/04/2021

Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo si kullul uga hadlay Kulanka Baarlamaanka ee Maanta

Sharif Sheikh Ahmed , "Baarlamaanka iyo Madaxweynaha 2duba waatigooda waa dhamaadey mana la aqbali karo kudarsasho aan s...
11/04/2021

Sharif Sheikh Ahmed , "Baarlamaanka iyo Madaxweynaha 2duba waatigooda waa dhamaadey mana la aqbali karo kudarsasho aan sharci aheyn, mana rabno waana dhibaato horleh.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa kasaaran masuuliyad in ay difaacaan Sharciga ayna gacmaha is qabsadan.

Ciidanka Qaranka oo maanta tahay sanad guuradooda in larabo beri in ay lagu mashquuliyo Xildhibaanada in ay jidadka u istaagaan, waxaana leenahay kafogaada in la idin adeegsado siyaasada.

Qofkii rabo in uu dalkaan xukumo waa in uu doorasho galo, wixii aan intaas aheyn cidna lagama yeeli doono.

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed
Gud. Midowga Musharraxiinta

11/04/2021

Waxaa hada xubnaha Midowga Musharaxiinta ee Mucaaradka ah ay shir aan caadi aheyn uu uga socdaa Muqdisho.

Kulanka oo socda daqiiqado kadib waxaa la filayaa iney qabtaan shir jaraa'id oo kuwii hore ka kulul kuna saabsan shirka berri ee Xildhibaanadda golaha shacabka oo doorashadda looga hadlayo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gelinkii dambe Maanta dib ugu ...
11/04/2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gelinkii dambe Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka dib safar shaqo oo uu mudooyinkii dambe ku joogay Caasimada Dalka ee Magaalada Muqdisho.

Lama oga safarka Laftagareen waxa uu daaran yahay balse waxaa jiray shir u socday madaxda dowladda Dhexe ee Federaalka Iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada kaasi oo Khamiistii Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya sheegay inuu ka socon waayay Madaxda maamulada Puntland & Jubaland.

Goor hore war qoraal ah oo kasoo baxay beesha caalamka ee taageerta Soomaaliya ayaa loogu yeeray Madaxda shireysa inaysan Muqdisho ka bixi karin iyagoo aan heshiis rasmi ah ka gaarin arrimaha doorashada.

Horaan madaxda Dowlad goboleedyada Hir-shabelle & Galmudug ayaa safaro kala duwan uga baxay Muqdisho iyagoo gaaray deegaanada Maamuladooda.

Safarka maanta ee Laftagareen ayaa waxa uu ka dhigayaa in dhamaan madaxda dowlad goboleedyada ku aragtida ah DFS ay safaro kala duwan uga baxeen Muqdisho.

Beesha Caalamka weli kama aysan hadlin safarada madaxdan iyadoo ay xusid mudan tahay in madaxda Hir-shabelle & Galmudug ay waqti kooban dib ugu soo noqdeen magaalada Muqdisho.

Walal waxaan baadi goobaynaa Baasa boorkaan oo maanta ku dhacay Muqdisho.Fadlan hadii aad aragtay ama aragto baasaboorka...
11/04/2021

Walal waxaan baadi goobaynaa Baasa boorkaan oo maanta ku dhacay Muqdisho.

Fadlan hadii aad aragtay ama aragto baasaboorkaan walaal si naxariis leh ugu soo hagaaji lanbaradaan
0615532687
0615525034

Ama ku caawi Share si uu u helo qofka lahaa.

Mhdsnid

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fozia Abiikar Nuur ayaa safiirka Dalka China ee Muqdisho kala ...
11/04/2021

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fozia Abiikar Nuur ayaa safiirka Dalka China ee Muqdisho kala wareegatay 200.000 oo talaalka COVID19 ee loo yaqaano Sinopharm Vaccine, oo ay dowladda China soo saartay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  ayaa isku bedelay labo Wasiir oo kala ah hayay xilalka Wasaradaha Gadiidka iyo Duulista H...
11/04/2021

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isku bedelay labo Wasiir oo kala ah hayay xilalka Wasaradaha Gadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Duraan Axmed Faarax Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Maxamed C/llaahi Salaad Oomar Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliyeed “Waxaan maanta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho u soo wareejiney 14 maxbuus oo in mu...
11/04/2021

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliyeed “Waxaan maanta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho u soo wareejiney 14 maxbuus oo in mudo ah ku xirnaa xabsiga Garoowe si eheladooda loogu soo dhoweeyo.

Waxaan u mahad celinayaa Wasaaradda Cadaaladda dowlad goboleedka Puntland iyo dhamaan bahda Cadaaladda ee labada heer.

Wasaaradu waxay dadaal ugu jirtaa in adeega cadaaladda shacabka loo dhoweeyo.”

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Arlaadi News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Arlaadi News:

Videos

ARLAADI MEDIA NETWORK

Arlaadi News is a Somali-based Media organization that covers Breaking news on political and security issues in East Africa, Somalia in particular

Nearby media companies


Other Media/News Companies in Mogadishu

Show All

Comments

Dhalayarada buur hakaba 🇦🇿🇦🇿🇦🇿🇦🇿🇸🇴👈👈👈👈👈👈👈👈👈
Dalayarada buur hakaba🇦🇿🇦🇿🇦🇿🇦🇿🇦🇿👈👈👈👈😪👌👌👌👌
Wiilka sanatka
Reer buur
Dowladda Mareeykanka oo ku baaqaday Wada hadal Maamul goboleedyada iyo DFS
Muslim
Reer arlaadi hadalkaas koley waad fahmi doontan aniga runtii hadalkaas wa itaabtay waana sababta igu kaliftay inan so dajiyo soona gudbiyo qofkasta oo reer arlaadi maskaxdiisa ha galsho iney wax ka maqan yhn
Arlaadi Media Network -AMN- A Somali Local Broadcasting Network