16/08/2024
Shirka jaraa'id ee Enzo Maresca kahor kulanka furitaanka Premier League ee ay Chelsea la ciyaari doonto Manchester City Axada:
■ Enzo Maresca oo ka hadlaayey kooxda:
“Si fiican ayaan u shaqeyneynaa tan iyo maalintii koowaad, hormar ayaan sameyneynaa, hubaashii waxaan bilownay hal bil kahor, waana xilli h**e inaan kooxda ku aragno sida aan rabo, dhanka hanaanka waxaan u maleynaayaa in kooxda ay ka h**eyso sida aan filayo sidaa daraadeed taasi waa muhiim. Waxaan arki karaa kooxda oo hormarayso.
■ Enzo Maresca oo ka hadlaayey wararka kooxda:
"Hal dhaawac ayaa jiro waana Reece James, inta soo hartay dhamaantood waa taam."
■ Enzo Maresca oo ka hadlaayey Osimhen iyo Felix:
“Waxa kaliya ee aan dhihi karo, waa inaan si isku mid ah u dhahaa: maaha ciyaartoydeena, marka sax maaha in laga hadlo ciyaartoy Napoli ah ama ciyaartoy Atletico Madrid ah."
■ Enzo Maresca oo ka hadlaayey City iyo Pep:
"Mar walba waa waqti fiican, waaa fursad wanaagsan oo aan nafteena ku muujin karno marka aan kahor imaaneyno kooxda heysata horyaalka, marka aan kahor imaaneyno kooxda heysata horyaalka iyo koox la shaqeyneysa hal macalin sideeddii ama sagaalkii sano ee la soo dhaafay waa faa'iido weyn."
■ Enzo Maresca oo ka hadlaayey taageerayaasha:
"Waxaan u baahanahay taageeradooda, had iyo jeer waa taageero weyn markaad maqasho iyaga oo ka dambeeya kooxda siida ciyaaryahanka 12aad, waxaan dib ugu celin doonaa qaab ciyaareed wanaagsan iyo natiijooyin."
■ Enzo Maresca oo ka hadlaayey qaab ciyaareedka kooxda:
"Tan iyo markii aan bilownay, waxaan ku ciyaareynaa labo qaab oo kala duwan markaa kubada heysano, markaan kubada heysan waxaan h**eyba u cadaadineynaa kubada qaabab kala duwan, waxaan isku dayeynaa inaan la qabsano, waxay ku xirantahay kooxda kaasoo horjeedo."
■ Enzo Maresca oo ka hadlaayey Pedro Neto:
"Pedro xaaladiisa jireed waa wanaagsan tahay, kaliya labo ama seddex maalmood ayuu halkaan joogay, waan arki doonaa hadduu kusoo bilowan doono ciyaarta ama kursiga keydka kusoo bilowan doono."
♻️ Haddii aad akhrisatay shirka jaraa'id ee macalinka fikirkaaga nala wadaag.
Q