Saxafipress

Saxafipress Saxafipress Warbaahin Tebisa Warar Sugan iyo Hab Casriya

05/02/2024
06/12/2022

Cheif Caaqil Macow Caaqil Cumar oo ka hadlay awood qaybsiga Gobolka Banaadir, Baaqna ka soo saaray in la joojiyo Colaadaha Walaalaha ku dhaxmaray Deegaanadda Warshiikh ee Shabeella Dhexe.

AUN Weriye Maxamed Ciise Koonaa oo ku geeriyooday Qaraxyadi goor dhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho.Waa geeri Xanuun bada...
29/10/2022

AUN Weriye Maxamed Ciise Koonaa oo ku geeriyooday Qaraxyadi goor dhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waa geeri Xanuun badan

Maxakabada Gobolka Banaadir oo 45 cisho dib u dhigay Dhageysiga Dacwada Wariye Abdalle Ahmed Mumin  Xoghayihii Guud ee U...
16/10/2022

Maxakabada Gobolka Banaadir oo 45 cisho dib u dhigay Dhageysiga Dacwada Wariye Abdalle Ahmed Mumin Xoghayihii Guud ee Ururka Somali Journalists Syndicate - SJS Damaanadne ku siidaysay , kaasi oo Lix maalin u xirnaa Dowladda Federalka Soomaaliya , sidaa waxaa Saxafipress u xaqiijiyay Wariye Mohamed Ibrahim Bulbul oo ka tirsan Saraakiisha Sare ee SJS ..

Deg Deg :  Wariye Abdalle Ahmed Mumin    oo goor dhowr la hor keeni doono Maxkamadda Gobolka Banaadir Maxkamadda Gobolka...
16/10/2022

Deg Deg : Wariye Abdalle Ahmed Mumin oo goor dhowr la hor keeni doono Maxkamadda Gobolka Banaadir

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in goor dhow la soo taago Xoghayaha Ururka SJS Cabdalla Axmed Muumin

Muumin ayaa muddo Todobaad ah u xiray Dowladda Federaalka waxaa la sheegey in uu ku xannuunsadey xabsigii uu ku jirey todobaadkan .

Hanad Cali Guuleed oo ka tirsan SJS ayaa sheegey in uu aad uga xun yahay in dowlada isbedel ku sameeyey dhowr jeer Garsoorayaashii geli lahaa dacwada loo heysto Cabdala Muumin .

Saxafipress Mogadishu-Somalia.

Wararka aan helayno ayaa sheegayaa in Xoghayihii Guud ee Ururka Saxaafadda ee Somali Journalists Syndicate - SJS Abdalle...
11/10/2022

Wararka aan helayno ayaa sheegayaa in Xoghayihii Guud ee Ururka Saxaafadda ee Somali Journalists Syndicate - SJS Abdalle Ahmed Mumin laga qabtay garoonka diyaaradaha Aden Cabdulle Osman xilli uu ku sii jeeday magaalada Nairobi.

Xogta oo aan ka helay ilo wareedyo kala duwan oo ay ku jiraan madaxda sare ee ururka SJS waxa ay intaasi ku darayaan in saraakiisha xirtay oo NISA ah ka qabtaan VIP-da garoonka.

Muumin waxaa lagu haystaa war-saxaafad ay sii daayeen qaar ka mida ururada saxaafadeed oo ay ku cambaareeyeen go’aankii dowladda ee ay ku mamnuucday faafinta iyo tebinta wararka Al-Shabaab.

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda, Muhoozi Kainerugaba, ayaa laga qaaday xilkii taliyaha ciidamada dhulka ee dalkaasi...
04/10/2022

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda, Muhoozi Kainerugaba, ayaa laga qaaday xilkii taliyaha ciidamada dhulka ee dalkaasi.

Ma cadda in go’aankani uu wax lug ah ku leeyahay qoraaladiisa twitter-ka ee muranka dhaliyay labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Gen Kainerugaba ayaa horay u ahaa taliyaha ciidamada gaarka ah ee qaabilsan ilaalinta madaxweyne Yoweri Museveni.

Si kastaba ha ahaatee waxa loo dalacsiiyay darajada Jeneraal buuxa, oo ah darajada ugu sarreysa ee ciidanka. Waxa uu sii ahaanayaa la taliyaha madaxweynaha ee hawlaha gaarka ah.

Dowladda Uganda ayaa iska fogeysay dooda baraha bulshada ee ka dhalatay qoraalo is daba joog ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wiil uu dhalay madaxweynaha.

Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey) Maareeyihii Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (National...
04/10/2022

Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey) Maareeyihii Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (National Identification) kana soo jeeda Puntland ayaa Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi shaqo joojin ku sameeyay.

Duqeyn Xalay laga fuliyay Shabeelada hoose waxaa lagu dilay wiil uu dhalay Sh.Xassan Daahir Aweys (Ibraahim) oo Beero me...
02/10/2022

Duqeyn Xalay laga fuliyay Shabeelada hoose waxaa lagu dilay wiil uu dhalay Sh.Xassan Daahir Aweys (Ibraahim) oo Beero meesha ku lahaa.

DEGDEG:- Weriye Cabdullaahi Qoslaaye oo ka tirsan Bahda Astaan Sport ayaa la ii sheegay in lagu xirey xarunta Hay’ada CI...
01/10/2022

DEGDEG:- Weriye Cabdullaahi Qoslaaye oo ka tirsan Bahda Astaan Sport ayaa la ii sheegay in lagu xirey xarunta Hay’ada CID-da.

Weriyaha lama sheegin ilaa hada waxa loo xiray iyo sobobta keentay laakiin waxa ala xaqiijiyay in uu xiran yahay.

INQILAAB AYAA KA DHACAY BURKINAFASOKabtanka Ciidamada Burkina Faso ayaa ku dhawaaqay inuu afgambiyay dowladdii .Captain ...
30/09/2022

INQILAAB AYAA KA DHACAY BURKINAFASO

Kabtanka Ciidamada Burkina Faso ayaa ku dhawaaqay inuu afgambiyay dowladdii .

Captain Ibrahim Traoré ayaa lawareegay awoodii dalka BurkinaFaso,wuxuuna noqonayaa Hoggaamiyaha Milateriga la wareegay awoodii dalkaas.

Saaka ayay qabsadeen Tvga iyo warbaahinta dawladda, hadda ayayna shaaciyeen in ay dhameystireen qorshahooda, Hoggaankii h**e waxay ku eedeeyeen masuuliyad-darro iyo maamul xumo baahsan.

Alle ha u naxriisto Gen. Farxaan Maxamuud Aadan ( Qaroole), waxa uu ahaa Sarkaal da'yar oo howl nafhurnimo ah u hayay Qa...
30/09/2022

Alle ha u naxriisto Gen. Farxaan Maxamuud Aadan ( Qaroole), waxa uu ahaa Sarkaal da'yar oo howl nafhurnimo ah u hayay Qaranka Soomaaliyeed, waxa uuna hadda ahaa Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir.

Waxa uu sidoo kale horay usoo noqday Taliyaha gaarka ah ee Ciidanka Haramcad oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya, si gaar ahna ugu tababaran la dagaallanka AS.

Farxaan waxa uu muddadii uu Qaranka u adeegayay qabtay howl baaxad weyn oo lagu baacsanayay argagixisadda AS, isaga oo dhowr jeer ka qaybqaatay xorreeynta iyo difaaca goobo AS ay weerareen.

Maanta ayey xage Alle ka qorneed in uu Gen. Farxaan Qaroole uu ku shahiiddo gobolka Shabeellaha Dhexe, oo Qarax miino ah oo ay AS dhulka ku aaseen ay la kacday isaga iyo qaar ka mid ah istaafkiisa.

Address

Boondheere, Near Alta Jubba Street Mogadishu-Somalia
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saxafipress posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Saxafipress:

Share