02/09/2019
Dalku wuxuu ka soo kabanayaa bur burkii iyo kala qoqobkii ku dhacay muddooyinkii la soo dhaafay, waxaa muuqata Soomaalinimo iyo dawladnimo dalka lagu baahiyo, waxaase doonaya inay lugaha qabtaan oo la degaan shaqsiyaad kursi jaceyl madax maray oo ujeedda badan ah, qaar fashilmay oo xoolihii umadda dhacay doonayana inay mar kale farqaha ka buuxsadaan wixii masaakiinta iyo ciidamada wax loogu qaban lahaa.
Waxaa qaati laga taaqnaa maamul goboleedyada ay abaabulkeeda ka dambeysay Tigreegii dhacay iyagoo doonayay inay gogol gobol u gacma gacmeystaan, baruudo badanna ka soo gal galaan mid walbana dhegta ugu sheegaan adaan kaa dhigi doonnaa madaxweynaha Mustaqbalka, si colaadda iyo been beentu u sii socoto oo loo waayo xasilooni iyo dawladnima ka dhalata geyiga.
Beryahaan waxaa soo if baxaya kooxo abaabulan oo ku hadlaya magac qabiil doonayana in fawdada iyo kala qoqobku sii socdo dawladdana la mucaarado, laakiin waxaan u sheegeynaa qabiilku uma xilsaaran iyagaas fidnada iyo jaah wareerinta ay ku soo bandhigayaan baraha bulshada, dawladduna maaha mid qabiil gaar ahi lee yahay balse qabiilka ay sheegayaan cid uga toog rooni ma jirto.
Haddii qabiil wax tarayo 30 Sano dalkeennu saas ma ahaadeen dadkeenana dhibaatadaasi kuma heysateen dal iyo dibadba.