06/02/2026
Maalinta Jimcaha waa maalin aad u weyn oo fadli gaar ah ku leh umadda Islaamka. Waa ciidda Muslimiinta, waana maalin ay Muslimiintu ku kulmaan masaajidda, iyagoo ka imanaya xaafado iyo goobo kala duwan, si ay u dhageystaan xuska Alle iyo waanada Imaamka.
Qalbiga qofka Muslimka ah wuxuu u baahan yahay wacdi iyo waano joogto ah. Marka uu qofku ka maqnaado dhageysiga khudbadaha iyo xusuusinta, qalbigiisu wuu adkaadaa, kheyrkana wuu ka sii fogaadaa. Arrintaas darteed ayuu Nabigu (NNKH) si adag uga digay ka tegeidda salaadda Jimcaha, isagoo sheegay in dadka sidaas sameeya qalbiyadooda la daboolayo, ayna noqdaan kuwo qaflad ku dhaca.
Jimcaha sidoo kale waa maalin ka mid ah xilliyada ducada la aqbalo. Waxa ku jirta saacad gaar ah oo haddii addoon Muslim ah uu Alle baryo isagoo aan gafin, la aqbalo ducadiisa. Saacaddaas si cad looma cayimin, balse culimadu waxay sheegeen in ay u dhowdahay galabta Jimcaha, gaar ahaan inta u dhexeysa salaadda Casar iyo Maqrib. Waa fursad qaali ah oo lagu duceysto, lagu toobad keeno, laguna waydiisto Alle wax kasta oo kheyr ah, aduun iyo aakhiro labadaba. Sidaas darteed, Muslimku waa inuusan dayacin ducada maalintan sharafta leh.
Sidoo kale, Jimcaha waa maalin aad u sharfan oo dhacdooyin waaweyn ay ku beegan yihiin; waa maalintii Nabi Aadam (CS) la abuuray, maalintii jannada la geliyay, maalintii laga soo saaray, sidoo kalena Qiyaamadu ma dhici doonto maalin ka duwan Jimce.
Alle (SWT) wuxuu si cad ugu amray mu’miniinta in marka loogu yeero salaadda Jimcaha ay u degdegaan xuskiisa, kana tagaan ganacsiga iyo mashquulka kale, maadaama arrintaas ay u kheyr badan tahay qofka iimaanka leh hadduu fahmo.
Si loo weyneeyo maalintan, Muslimka waxaa laga doonayaa inuu si wanaagsan ugu diyaar garoobo: inuu qubeysto, weyso qaato, xirto dhar nadiif ah oo qurux badan, isla markaana iscarfiyo hadduu heli karo. Arrimahan oo dhan waxay ka mid yihiin sunnada Nabiga (NNKH), waxayna muujinayaan ixtiraamka iyo karaamaynta maalinta Jimcaha.
Maaddaama Jimcaha loo asteeyey wacdi iyo waano, waxaa waajib ah in si buuxda loo dhageysto khudbada Imaamka. Lama oggola in la hadlo, la buuqo ama xitaa qof kale lagu yiraahdo “aamus” inta khudbadu socoto, sababtoo ah arrintaas waxay meesha ka saareysaa ajarka Jimcaha. Haddii qof si khalad ah u hadlo, waa in laga aamuso, kadibna marka salaaddu dhammaato si xikmad iyo edeb leh loogu waaniyo.
Ugu dambayn, Jimcaha waa fursad weyn oo uu Alle inagu manaystay. Qofka caqliga lehna waa kan ka faa’iideysta, qalbigiisana ku xira xuska Alle, kana dhiga maalintaas mid uu iimaankiisa ku cusbooneysiiyo.
Wixii aan saxay waa Alle fadligiis, wixii aan qaldayna waa nafteyda iyo shaydaanka.