13/05/2025
Faham guud ahaan, Yaa ku dagaalamaya Caawa Caasimadda Dalka Liibiya ee Tripoli?
Dagaalka haatan ka soconaya dalka Liibiya gaar ahaan Caasimadda Tripoli, ayaa waxa uu salka ku hayaa loolan dhanka awoodda ah oo u dhaxeeya kooxo hubeysan oo xiriir la leh kuna xeran Xukuumadda Midnimo Qaran, taasoo ka dhisan dalka Liibiya iyo koox kale oo markii h**e ku biirtay Xukumadda balse markii dambe ka soo hor jeedsatay Xukuumadda Midnimo Qaran ee ka dhisan Liibiya.
Ciidamadda ku xeran Xukuumadda Midnimo Qaran ee dalka Liibiya, ayaa waxa ay kala yihiin laba guuto oo kal h**e ku biiray Ciidanka Xukuumadda Midnimo Qaran ee Liibiya, kuwaasoo kala ah guutadda 444-aad iyo guutadda 111-aad ee Ciidanka dalka Liibiya oo markii h**e ahaa Maleeshiyo beeleedyo hubaysan kuwaasoo hub faran badan ku haystay Caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli.
Sidoo kale, Xukuumadda Midnimo Qaran ee dalka Liibiya ka dhisan iyo Ciidamadda taabacsan ee kala ah Guutadda 444-aad iyo guutadda 111-aad ayaa waxa ay ka soo hor jeedaan Ciidamadda Taageeradda Xasilinta ee galbeedka Liibiya ee uu hoggaamiyo Korneyl Cabdi Qani Al-Kikli oo Caawa lagu dilay bartamaha Caasimadda Tripoli, kaasoo xiriir hoose la lahaa Jabhadda Janaraal Xaftar ee ka dagaalanta dalka Liibiya.
Dhanka kale, Ciidamadda Taageeradda Xasilinta ee Galbeedka Liibiya ee uu hoggaaminayay Korneyl Cabdi Qani Al-Kikli, ayaa maalmihii ugu dambeeyay Ciidamo fara badan oo kala duwan ku soo kurayay Caasimadda Tripoli taasoo Xukuumadda Midnimo Qaran ee ka talisa Liibiya ay u aragtay mid lagu afgambin karo xukunkeeda, islamarkaana ay halis ku jirto oo aysan sii eeggan karin Ciidamadda faraha badan ee lagu soo daabulaya Tripoli.
Iyadda oo ay sidaa tahay ayaa Ciidamadda Xukuumadda Midnimo Qaran oo kaashanaya guutadda 444-aad iyo guutadda 111-aad, ay weerar culus ku qaadeen Caawa Xarunta Ciidamadda Korneyl, Cabdi Qani Al-Kikli ee Abuu Saliim ee Tripoli, si ay ugala wareegaan goobaha istiraatiijiga ah ee ay maamulaan kooxda Al-Kikli, sida Mashruuca Hadbah ee koonfurta Caasimadda iyo goobo kale, taasoo tartan adag loogu jiro gacan ku haynta dhulalka muhiimka ah ee saameeynta togan ee siyaasadeed iyo mida ilaha dhaqaalaha leh ee Caasimadda Tripoli.
Dagaal socday ku dhawaad Seddex saac kadib ayay Xukuumadda Midnimo Qaran ee dalka Liibiya ku dhawaaqday in ay si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta deegaanka Abu Saliim iyo deegaanadda kale ee Magaaladda caasimadda ah ee Tripoli taasoo ay xarun u ahayd Ciidamadda Taageeradda Xasilinta ee Galbeedka Liibiya ee uu hoggaaminayay Korneyl Al-Kikli oo Caawa dagaalka ku dhintay.
Ciidamadda laga itaal roonaaday Caawa ee Korneyl Al-Kikli, ayaa waxa ay ka mid ahaayeen kooxaha ugu awooda badan ee hubka ugu badam haystay ee ugu caansan Caasimadda Tripoli kuwaasoo saameyntoodu ay jirtay muddo ka badan 14 sano.
Si walba ha'ahaate, dalka Liibiya ayaanay ka jirin xasillooni fadhisa oo la isku halayn karo oo aan cago badnayn ku taagnayn tan iyo markii Xukunka xoog looga tuuray Korneyl Macamar Al-qadaafi Sanaddii 2011kii kaasoo dalka Liibiya xukumayay in ka badan 55 Sano