Raad Press

Raad Press Madbacad howl hufan, qiima jaban oo waqti kooban kuugu soo saaraysa buuggaaga oo tayo leh.

"Wax akhris habqan ah oo aan nidaamsanayni waxa uu dhaamaa akhris habayac ah, balse haddii aanad ujeeddo ka lahayn akhir...
17/04/2025

"Wax akhris habqan ah oo aan nidaamsanayni waxa uu dhaamaa akhris habayac ah, balse haddii aanad ujeeddo ka lahayn akhirskaaga waxa aad ku dhacaysaa midho la'aan iyo in xogtaadu noqoto midh bariis ah oo ku dhacday dhul lamadegaan ah;
Bal kaalay adigu ka soo hel haddaba! Qofka aan wax akhriyin ama aanu akhirskiisu joogtada ahayni wax badan oo la sheego ma dhaantid oo " waad wada qabtaan daawashiyo ceeb!"

Ruushka iyo islaamka waxa soo dhex maray wadanoolaansho ku siman muddo kun sano ah . Xilli xaadirkan Ruushka waxa deggan...
17/04/2025

Ruushka iyo islaamka waxa soo dhex maray wadanoolaansho ku siman muddo kun sano ah . Xilli xaadirkan Ruushka waxa deggan muslimiinta ugu badan marka lala barbardhigo dawladaha kale ee reer Galbeedka. Muslimiinta ruushka waxa lagu qiyaasaa labaatan malyan oo u dhigma 12% ilaa 15% wadarta guud ee dadweynaha. Intaas waxaa dheer muslimiintani ma aha soogalooti sida yurubta galbeedka oo kale ee waa dadkii deegaanka asalka u ahaa kuwaas oo ku soo galay dalweeynaha ruushka duullaamadii Ruushku ku qabsaday deegaaannadooda ama ha ka mid ahaadaan midowga dawladaha federaalka ee Ruushka. Muslinka deggan Ruushka waxa lagu tiriyaa muslimiinta ugu badan ee laga tirada badan yahay caalamka, moosko kaliya waxa ku nool muslimiinta ugu badan ee ku nool magaalo qura caalamka. Sidaa darteed ayaa Ruushku u ordayaa
In uu noqdo xubin kormeer ah oo ka mid ah ururka iskaashiga Islaamka ee xaruntiisu tahay maka.

Waa hage aan afgobaadsi wax kuugu tilmaamayn ee farta kuugu fiiqaya, in nolosha toolmoon iyo badhaadhaha mararka qaar la...
17/04/2025

Waa hage aan afgobaadsi wax kuugu tilmaamayn ee farta kuugu fiiqaya, in nolosha toolmoon iyo badhaadhaha mararka qaar laga dheefi karo arrimo xanuun ba'an kugu reebaya. Waa dhigane gebigiisuba liddi ku ah fekradihii doqonigaratayga ahaa ee la isla yaqaannay, haddana si maangal ah oo la aqbali karo wax kuu tusinaya. Waa buug uu akhriskiisu nafta farxadgalinavo, marar kale in aad ku celceshatana ay kaa qabanaysa Waa halbeeg ku habboon in aad uga shidaal qaadato buugta horumarinta nafta ka faallooda ee kale.

Waxa uu buugga magaciisu ka kooban yahay laba eray. Arraweelo mooyee dhallaanku waa ayo? Dhallaanku waa dumarka inta kal...
17/04/2025

Waxa uu buugga magaciisu ka kooban yahay laba eray. Arraweelo mooyee dhallaanku waa ayo? Dhallaanku waa dumarka inta kale. Maxaan dumarka dhallaan ugu sheegay? Sidii aynnu horeba u soo sheegnay waxa ay dumarku Arraweelo ka dhigtaan hoggaamiye, sidaa darteed dumarka intoodii kalana xagga fikirka iyo habdhaqanka ayay Arraweelo dhallaan ugu yihiin.

Garo aqoonta, macluumaadka, iyo xirfadaha aad u baahan tahay1. Xirfadaha muhiimka ah: Si aad u gaarto yoolkaaga, waa muh...
16/04/2025

Garo aqoonta, macluumaadka, iyo xirfadaha aad u baahan tahay

1. Xirfadaha muhiimka ah:

Si aad u gaarto yoolkaaga, waa muhiim in aad aqoonsato xirfaddaha lagama maarmaanka u ah horumarkaaga. Gaar ahaan, waa in aad horumarisaa xirfaddaha kuu suurtaggelinaya in aad kamid noqoto 10% kuwa ugu sarreeya goobtaada.

2. Ogaanshaha ugu weyn :

Xirfaddaada ugu daciifsan ayaa go'aammisa heerka dakhligaaga iyo guushaada. Waxaad horumar badan ka samayn kartaa adigoo diirradda saaraya xirfaddaas kaliya. Tusaale ahaan, haddii aad tahay ganacsade, xirfaddaada ugu daciifsan waxa ay noqon kartaa suuqgeyn ama maaraynta macaamiisha. Haddii aad tahay shaqaale xirfadda aad u baahan tahay in aad horumariso waxa ay noqon kartaa maaraynta waqtiga ama xirfaddaha isgaarsiinta.

3. Su'aasha muhiimka ah:

"Waa maxay halka xirfad oo kaliya, taasoo haddii aad horumariso oo aad si heer sare ah u qabato, ay noloshaada saameyn badan ku yeelan lahayd?"
Qor xirfaddaas, samee qorshe kadibna si joogto ah ugu shaqee maalin kasta. Diiradda saar in aad si tartiib ah u haggaajiso xirfaddaada, adigoo adeegsanaya:
● Akhrinta buuggaagta iyo waxbarasho online ah
● Helitaanka tababaro la xiriira xirfaddaas
● Ku celcelinta iyo dhisidda waayo-aragnimo dhab ah
Markaad si joogto ah u horumariso xirfaddahaaga, waxaad heli doontaa fursado badan oo kuu suurtaggelinaya in aad si sahal ah u gaarto yoolkaaga.

_BUUGGA HAGAHA DEJINTA YOOLASHA

FADLAN KADALBO Raad Press
NAGALA SO XIRIIR 61 9555001

XEERKA 24AADU Ciyaar sida diblomaasi dhamaystiranDadka awoodda leh waa in si xeeladeysan loola macaamilo. Waa inaad bara...
16/04/2025

XEERKA 24AAD

U Ciyaar sida diblomaasi dhamaystiran

Dadka awoodda leh waa in si xeeladeysan loola macaamilo. Waa inaad barato sida loo kasbado dadka awoodda sare leh adigoon is-muuqin, hana noqon qof si toos ah u sheegta waxa uu doonayo.
Xeerkan wuxuu ku saabsan yahay sida looga dhex muuqdo meelaha ay siyaasadda, awoodda, iyo xafiiltanku ka jiraan, si aad u kasbato dadka sare ee haya talada. Wuxuu xoogga saarayaa:

●Dhaqan wanaagga & xushmadda_ sida loo dheelo doorka abacsanaanta, kaasoo la jaanqaadi kara madaxda iyo dadka awoodda leh.

●Diblomaasiyad & fogaan- arag_ inaad had iyo jeer taxaddar muujiso, aadan la doodin kuwa kaa sarreeya , oo aad si xikmad leh uga faa'idaysato fursadaha.

●Qarinta awooddaada dhabta ah _ inaad awooddaada aanad si toos ah u muujin, balse aad si tartiib taartiib ah uga hesho dadka sare taageero.

●Xirfadda dhismaha xiriirka _ inaad noqoto qof ay madaxdu jecel yihiin oo aan laga baqin, adigoo si xikmad leh u dhisaya kalsoonidaada.

In la qabsado waddamada muslimiintu waxay ahayd arrin socota oo Yurub iyo reer galbeed madaxa ku hayeen kana shaqaynayee...
16/04/2025

In la qabsado waddamada muslimiintu waxay ahayd arrin socota oo Yurub iyo reer galbeed madaxa ku hayeen kana shaqaynayeen muddadaa dheer ee toddobada qarni gaadhaysa. Falastiin in la qabsado oo laga saaro dawladdii Suldaan Cabdul-xamiid (Alle ha u naxariistee) ee ka hor taagnayd reer Yurub muddo dheer waxay ahayd wax la filayay, arrinka se yaabka lihi wuxuu noqday in afar-meelood oo saddex dalool ciidankii ingiriiska ee General Allenby ee qabsaday Falastiin iyo Qudud 1917-kii ay ahaayeen muslimiin, madaxna ka ahaa Amiir Faysal innu Xuseen.

14/04/2025
11/03/2025

Dhawaan bu so bixi doonaa insha'Allah
Waa sookoobidda xeerarka kaliya

23/02/2025

Cilmi-nafsiga wuxuu ku qeexayaa dib-u-dhigista inay tahay: ( guul darro ku dhacda habeynta nafta ), taas oo macnaheedu yahay in aan isu aragno kuwa aan awoodin nidaaminta hab-dhaqankooda, xitaa marka aan ognahay waxa nala gudboon inaan sameyno.
Ereyga (procrastination) oo ah laatiini, oo marka la kala jarjaro noqonayo (crastination) oo macnihiisu yahay berri. (Dib u dhigis) ama (madalayn)
Sababaha keena ? .....

Buugga- isla faqid gaar ah

24/12/2024

Maalintaada oo aad qorsheyso, waa noloshaada oo aad qorsheysay! Yoolkaaggu waa Yoolkeenna ee Fadlan si aad u rumeyso riyadaada Raad Press la soo xiriir.

0619555001

Dhammaan buugtan iyo kuwo kaleba waxa aad ka heli karaysaa maktabadda Raad press Noo kaalay, naga adeego.Wixii faahfaahi...
29/09/2024

Dhammaan buugtan iyo kuwo kaleba waxa aad ka heli karaysaa maktabadda Raad press

Noo kaalay, naga adeego.
Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh: +25261 9555001

Buugaggan dhammaantood hadda ka dalbo   , fadlan nagala soo xidhiidh: 61 9555001
24/09/2024

Buugaggan dhammaantood hadda ka dalbo , fadlan nagala soo xidhiidh: 61 9555001

Dhammaan buugtaWaa diyaar, nagu soo booqo xarunteena. Wixii faahfaahin dheeraad ah kala soo xiriir  📍 Baar Ubax, Suuqa X...
23/09/2024

Dhammaan buugta
Waa diyaar, nagu soo booqo xarunteena. Wixii faahfaahin dheeraad ah kala soo xiriir
📍 Baar Ubax, Suuqa Xareed, Muqdisho
📱 61 955500

Address

Baar Ubax, Xareed
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252615072145

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Raad Press posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Raad Press:

Share

Category