Ina Wabar

Ina Wabar Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ina Wabar, Digital creator, Waaberi Road, Mogadishu.

Guurka iyo nolosha addunyaba waxay sharaf leedahay markaad kulansto ku sifowga labadan xadiis ee hoose:‎١.الدنيا متاع وخ...
11/08/2025

Guurka iyo nolosha addunyaba waxay sharaf leedahay markaad kulansto ku sifowga labadan xadiis ee hoose:

‎١.الدنيا متاع وخير متاعها امرأة صالحة
Addunyo khayrkeedu waa xaas wanaagzan o hesho.

‎.٢.كلكم راع وكلكم مسؤول عن رعيته
Mid waloo idinka mid ahi waa horjooge lagala xisaabtami doono wixi lo igmaday.

Awladada tarbiyayntoodu waa masuuuliyada ugu wayn kana mid ah kuwa ugu khayr ka badan ee u alle qof saaray waayo geeridaada dabadeed arimaha booskaga akhiro kor u qaadaya waxa ka mida ah ilmo aad tarbiyadiisa so wanaajisay ka bacdina kuso duceeyey markad dhimatay ka dib.

Qoysaska Soomaliyeed waxay 100% xogga saaran siday u dhisi lahaayen muuqa caruurtooda iyago moogsan maan iyo maskax in lo dhiso caruurta.

Muuqa qurxooni wuxuu jiri doona maalmo kooban balse maanka oo laga dhiso caruurta waxay jiri kartaaba intu aadmigu jiro.

Arrinta cajiibka ah ee dhexmartay Achraf Hakimi iyo xaaskiisa h**e oo noqotay mid  baraha bulshada aad u qabsatay.Xaaska...
14/04/2023

Arrinta cajiibka ah ee dhexmartay Achraf Hakimi iyo xaaskiisa h**e oo noqotay mid baraha bulshada aad u qabsatay.

Xaaska Achraf Hakimi Hiba Aboukhris Benslimane oo ka soo jeeda dalka Spain ayaa ka dalbatay Achraf furiin ,waxay dooneysay in ay hesho kala bar hantida ciyaaryahanka xulka kubbadda cagta Morocco iyo kooxd PSG.
Waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan horyaalka France ee Ligue 1, wuxuu qaataa in ka badan hal milyan oo Yuuro bishii.

Xaaskii h**e ayaa sidaas darteed lahaan lahayd inta ugu badan hantidiisa, Laakiin markii ay yimaadeen maxkamadda, waxay ogaadeen in Achraf Hakimi aysan wax hanti ah ugu jirin bangiga.

Achraf Hakimi waxa uu hantidiisa oo dhan ku qoran magaca hooyadiis Saida Mouh.
Intaa kaddib xaaska Achraf Hiba Aboukhris Benslimane ayaa maxkamadda ka baxday, iyadoo aan wax hanti ah ka helin nikeedii h**e.
Xigasho Astaan Sports

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa saaka cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Hanti-dhawraha...
09/02/2023

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa saaka cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Avv: Ahmed Isse Gutale, kadib kulankii Golaha Wasiirrada ee toddobaadlaha oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre

Hanti-dhowrka cusub ayaa aqoon durugsan u leh arrimaha sharciga, waxuuna horay u soo noqday Lataliyaha arrimaha sharciga ee Madaxweynaha JFS iyo Lataliye Ra'iisul Wasaare, waxuuna sidoo kale ka soo shaqeeyey shirkado iyo Hay’ado warbaahineed oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo dalka laga leeyahay.

Xulka 17 Jirada dalkeena Soomaaliya ayaa ku guulaystay Koobkii Ciyaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika ee CAF, Ciyaar adag ...
15/10/2022

Xulka 17 Jirada dalkeena Soomaaliya ayaa ku guulaystay Koobkii Ciyaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika ee CAF, Ciyaar adag oo ka dhacday Garoonka Magaalada Addis Ababa ayey 3 iyo 1 ku garaaceen Kooxda South Sudan.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH  OO MAGACAABAY RA’IISUL WASAARAHA XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYAMuqdisho, Juun 15, 2022: Madax...
15/06/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY RA’IISUL WASAARAHA XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Muqdisho, Juun 15, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si waafaqsan qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ugu magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka in ay degdeg u ansixiyaan, si uu uga howl galo arrimaha hortabinta u leh dowladdnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ku takhasusay culuumta maamulka ayaa ka soo shaqeeyey arrimaha dastuurka, waxbarashada iyo dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo khibrad weyn u leh geeddi socodka siyaasadda dalka iyo dib u heshiisiinta, waxa uuna ka mid yahay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee u istaagay samatabixinta waxbarashada dalka, kaddib burburkii dowladdii dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre In uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa xoojinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dowladnimada dalka, sidoo kalena hagaajisa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday shacabka Soomaliyeed in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla, isaga oo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyadda culus ee lagu aaminay.

DHAMMAAD

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa balan qaaday in dalka oo dhan ay ka dhici doonto doorasho sanadka 2026. "Wacadkayga wuxuu y...
27/05/2022

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa balan qaaday in dalka oo dhan ay ka dhici doonto doorasho sanadka 2026. "Wacadkayga wuxuu yahay in aanu dib ugu laaban teendhada garoonka diyaaradaha ee doorasho sanadka 2026-ka," ayuu ka yiri xaflad ka dhacdey Muqdisho taasoo lagu abaalmariyey guddiga doorashooyinka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale adkeeyay in uu maamuladda kala shaqeyn doono hirgelinta qof iyo cod si shacabka ay fursad u heystaan ​​in ay soo doortaan hogaankoodda. Dhameystirka dastuurka ayuu xusay in ay fure u tahay in dib u heshiisiin siyaasadeed oo laga hirgeliyo guud ahaan waddanka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caawa loo doortay Madaxwaynaha 10-aad ee JFS.
15/05/2022

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caawa loo doortay Madaxwaynaha 10-aad ee JFS.

Doorashada Dalka
15/05/2022

Doorashada Dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba...
25/04/2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, ficilladaas oo uu ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu uga digayaa taliyeyaasha CIidammada Booliska iyo Nabad Sugidda in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa, shacabka Soomaaliyeedna waxa uu ka codsanayaa in ay isha ku hayaan dadka ka dambeeya abaabulka falalka lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka ayaa ku bogaadiyay sida geesinimada leh ee guddoonka KMG ee labada aqal u wadaan howsha doorashada,kuna dhiirrigeliyay in ay waajibaadkooda gutaan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusuusinayaa xildhibaannada BJFS inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka waxa uuna ku dhiirrigelinayaa in ay u miboobaan dhammeystirka doorashada dalka si looga gudbo marxaladdan adag.

25/04/2022

Guddoomiyaha Kumeel gaarka ee BFS, Xoghayaha BFS, Xildhibaannadii laga soo doortay Ceelwaaq iyo Xildhibaanno kale oo goobjoog u ahaa dhaarinta xildhibaanada cusub, iyo Xubno Guddiga FEIT ah ayaa ka badbaaday weerar ay ku soo qaadeen kooxo qaswadeyaal ah, xilli munaasabadda dhaarintu ka socotay Airport Hotel ee garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Kooxdan oo bastoolado ku hubaysnaa, kuna harqiyey xabbo xarunta ay ka socotay dhaarinta Xildhibaanadu, ayay ilaalada Guddoonka iyo kuwa Airport Hotel oo iskaashanaaya iska caabiyeen, gacantana ku dhigeen qaar kamid ah.

Rabbi baa mahad leh naga badbaadshay iskudaygaas khaarijinta ah ee naloo soo maleegay. Intii aan ku gudajirnay Doorashada Baarlamaanka, ku dhawaaqista Natiijada iyo dhaarinta Xildhibaanada guud ahaan ba waxaa in badan la soo maleegay qorshayaashan oo kale, waxayna kuwada dhamaadeen in Allah (SW) uu fashiliyo.

Bulshada Soomaaliyeed waxaan ku bogaadinaynaa sida ay noola garab istaageen dhammeystirka doorashada, waxaana Baarlamaanka cusub ku boorrinaynaa inay waddanka ka saaraan xaaladdan hubanti la’aanta ah si loo samata-bixiyo ummadda Soomaaliyeed oo aan u dulqaadan karin dhibaato hor leh iyo xasilooni la'aan sii jiitanta.

Address

Waaberi Road
Mogadishu

Opening Hours

Monday 07:00 - 23:00
Tuesday 07:00 - 23:00
Wednesday 07:00 - 23:00
Thursday 07:00 - 23:00
Friday 07:00 - 17:00
Saturday 07:00 - 23:00
Sunday 07:00 - 23:00

Telephone

+252615966400

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ina Wabar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share