Caddaawe for Hirshabeelle

Caddaawe for Hirshabeelle Hadafkaygu waa Hirshabeelle heshiis ah oo hormarsan

27/08/2026

Waxaa Xarunta Ololaha Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Mudane Cismaan Maxamuud Caddaawe, soo booqday qaar ka mid ah...
26/08/2026

Waxaa Xarunta Ololaha Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Mudane Cismaan Maxamuud Caddaawe, soo booqday qaar ka mid ah mas’uuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Hirshabeelle, oo ay kamid yihiin wasiiro h**e iyo xildhibaano. Mas’uuliyiintan ayaa kulan la yeeshay musharraxa, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed iyo mustaqbalka Hirshabeelle.

Mas’uuliyiinta ayaa hoosta ka xariiqay in Hirshabeelle ay u baahan tahay isbeddel dhab ah, iyagoo sheegay in maamulka hadda jira uu muddo soo shaqeynayay, waxqabadkiisana bulshadi ogtahay. Waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la helo hoggaan cusub oo keena aragti, qorshe iyo hannaan horseeda horumar iyo isbeddel muuqda.

Dhankooda, mas’uuliyiintu waxay si cad u muujiyeen garab istaag iyo taageero buuxda oo ay u hayaan Hogaamiye Cismaan Caddaawe, iyagoo ku tilmaamay musharrax leh aragti iyo karti uu ku hoggaamin karo Hirshabeelle.
Musharraxa ayaa uga mahadceliyey booqashada iyo kalsoonida ay u muujiyeen, isagoo adkeeyey in himiladiisu tahay dhismaha Hirshabeelle nabdoon, mideysan, caddaalad iyo horumar ku tallaabsata.

Kulan Haweenka Xisbiga JSP iyo Musharraxa Hoggaamiyaha HirshabeelleWaxaa Xarunta Ololaha Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshab...
26/08/2026

Kulan Haweenka Xisbiga JSP iyo Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Waxaa Xarunta Ololaha Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Mudane Cismaan Maxamuud Caddaawe, ka qabsoomay kulan ay la yeesheen qaar ka mid ah garabka haweenka Xisbiga JSP, kuwaas oo qeyb ka ah howlaha iyo abaabulka ololaha musharraxa. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha ololaha iyo xoojinta doorka haweenka.

Intii uu kulanku socday, haweenka ayaa Musharraxa la wadaagay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa abaabulka iyo wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhiirrigelinta ka qeybgalka haweenka ee geeddi-socodka siyaasadeed iyo doorashooyinka. Waxay sidoo kale muujiyeen garab istaag iyo taageero ay u hayaan Musharraxa Cismaan Maxamuud Caddaawe.

Dhankiisa, Musharraxa ayaa uga mahadceliyey haweenka dadaalka ay ku bixinayaan ololaha iyo taageerada ay u muujiyeen, isagoo ku boorriyey inay sii xoojiyaan abaabulka iyo wacyigelinta bulshada. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in haweenku yihiin qeyb muhiim ah oo ka mid ah guusha ololaha iyo dhismaha Hirshabeelle loo dhan yahay.

Mowliid Mubaarak dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka. 🌙🕌🤲
25/08/2026

Mowliid Mubaarak dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka. 🌙🕌🤲

25/08/2026

🌙 XUSKA MAWLIDKA NABIGA NNKH ﷺ

Munaasabadda barakaysan ee Mawlidka Nabigeenna Muxammad ﷺ, waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa xuskan qiimaha badan.

Waa munaasabad inoo xusuusinaysa naxariistii, akhlaaqdii wanaagsanayd, dulqaadkii, midnimadii iyo caddaaladdii uu ina baray Rasuulkeenna Muxammad ﷺ.

Aan raacno sunnadiisa, aan badinno saliga Nabiga ﷺ, kuna dadaalno wanaagga, nabadda, walaaltinimada iyo isu-naxariisashada.

Mawlid wanaagsan dhammaan ummadda Soomaaliyeed.
ﷺ اللهم صل وسلم وبارك على نبينا محمد ﷺ

24/08/2026

Qabiil k**a shaqeyn doono ee
Garsoorka ayaa ka shaqeyn doona IA.

22/08/2026

Qof Dila qof kale inuu iska joogo way dhamaatay maalinka aan hogaanka Hirshabeelle qabto Inshaa Allah.

Waxaa Xarunta Ololaha Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Mudane Cismaan Maxamuud Caddaawe, booqasho ku yimid qaar ka ...
22/08/2026

Waxaa Xarunta Ololaha Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Mudane Cismaan Maxamuud Caddaawe, booqasho ku yimid qaar ka mid ah siyaasiyiinta Beesha Gaaljecel, oo ay ka mid yihiin xubno dhowaan loo doortay Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir iyo siyaasiyiin u taagan xubinnimada Golaha Wakiillada Hirshabeelle.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Hirshabeelle, doorashooyinka socda, doorka siyaasiyiinta iyo bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-tashiga iyo iskaashiga. Siyaasiyiinta ayaa Musharraxa la wadaagay aragtiyo iyo talooyin ku saabsan mustaqbalka Hirshabeelle, iyagoo sidoo kale muujiyey garab istaag iyo taageero ay u hayaan himiladiisa siyaasadeed.

Dhankiisa, Musharraxa Cismaan Maxamuud Caddaawe ayaa uga mahadceliyey siyaasiyiinta Beesha Gaaljecel booqashadooda, talooyinkooda iyo taageerada ay u muujiyeen. Wuxuu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhismaha Hirshabeelle nabdoon, mideysan, caddaalad ah oo horumar leh.

Address

Abdiaziz
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Caddaawe for Hirshabeelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category