DAILY SAIM

DAILY SAIM Wacaalka aduunyada warsidaha haya !

18/03/2023

Germany ticket €49,

in mudda ah dowlada faderaalka jarmalka iyo maamul goboleedyadu waxa ay ka doodayeen sidii loo hirgalin lahaa ticket raqiis ah kaasoo dadwaynahu aad usoo dhoweeyen waloow qilaafku uu ahaa kaliya farqiga u dhaxeeya lacagta iyo xadidnaanta isticmaalka tigidhadaasi,

Tallaadadii aanu soo dhaafnay ayay xildhibaanada faderaalka baarlamanka jarmalka ansixiyeen hirgalinta tigidka €49 kaasoo dadwaynahu isaga gooshi doonaan dhamaan dalka jarmalka,

Tigidhkan oo ah bille ayaa lagu lagu raaci doonaa keliya gaadiidka kala ah egional rail, metro, trams iyo buska ka shaqeeya meel kasta oo kamida dalkan jarmalka marka laga reebo tariimada dheereeya IC.

Dowlada Jarmalka ayaa sheegtay in ay qorshahni ku kabi doonto dhaqaale gaaraya €3bn sadexda sano ee soo socata balsa dowladaha 16 ka ayaa bixin doona kala bar qiima lagu hirgalinayo tigidhadan qiimaha jaban ee dalkoo dhan ka shaqayn doona.


Sanadii h**e ayay ahay markii dowlada faderaalka hirgalisay €9 ticket kaasoo la isaga dhex gooshayay dhamaan dalka jarmalka iyadoo ay dadwaynahu istcimaalayeen gaadiid kasta oo dadwayanahu adeegsado marka laga reebo IC tariimada dheereeya
qorshahan ayaa dhaqan gal noqon doona hadii ay isku raacaan xildhibaanda aqalka sarre iyo dowlad goboleedyada dalka, faderaalku waxa suugaya kaliya jawaab celintooda ilaa iyo 31 bisha Maarso, waxana la dhaqan gelindoonaa 1 may sanadkaan ,

Wasiirka gaadiidka, Volker Wissing, ayaa amaanay barnaamijka tigidhada cusub oo ah "tusaale door ah oo yurub oo dhan" kaas oo kor u qaadi lahaa isticmaalka gaadiidka dadweynaha. Wissing, ee xisbiga xorta ah ee Dimuqraadiga ah ee Xorta ah.

Tigidhkan loogu magacdaray Germany ticket ayaa laga heli doonaa dhamaan mashiinada tigidhada laga goosto sidoo kale app mobile ku xiran karto ,

Nidaamka faderaalaynta jarmalka oo kala duwan darteed tigidhadan ayaa magaalooyinka qaar siyaaba kala duwan loogu isticmaali doonaa, wuqooyiga jarmalka gaar ahaan maamulka Schleswig-Holstein waxa uu dadwaynaha tigidhkaa isticmaalaya u ogolyahay in ay tariimada la raaci karaan baaskiil Ey iyo bisadaha si bilaash ah,

Magaalooyinka dhaca Koofurta jarmalka sida Stuttgart dadka tigidhkan Germany Ticket iibsada ayaa haysta fursat ah in ay la isticmaali karaan familkooda , saxiibada iyo qaraabada waa hadii ay markii h**e €9.90 ku daraan lacagta €49 ah,

Dhinaca kale maamulka Bayern ayaa isagana soo bandhigay qorsho ka duwan maamulada kale ku caawinayaan dadka degan, waxa ayna sheegeen in qiima dhimis loo sameyn doono ardayda macalimiinta iyo dadka goobaha adeegyada bulshada ka shaqeeya €29 ayay ku iibsan doonaan tigidhkan halka dadka kale €49 baxsan doonaan.

Waxan sugnaaba waa 31 maarso iyo jawaabta maamulada soo bixin doonaan,

Sidee u aragtaa Germany Ticket €49. ?

WQ Kamal

Shir lagu magac daray Gogosha dhaqanka iyo midnimada Beesha Murusade ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.Shirkan oo...
18/03/2023

Shir lagu magac daray Gogosha dhaqanka iyo midnimada Beesha Murusade ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo socon doono laba maalin waxa la sheegay in uu dhabar jabin ku yahay shirkii beesha murusade maalma kahor ku qabsatay Magaalada Muqdisho.

Arinkan ayaa loo sababeenaya qilaafka u dhaxeeya beesha Murusade iyo dowlada faderaalka soomaaliya.

Beesha murusade ayaa saluugsan sida dowlada Xasan sheekh u maaraysay dagaalka argagixisada lagula jiro iyo awood qaybsiga beelaha soomaaliyeed.

Baydhabo. casho sharaf isugu yimaadeen madaxda Gollaha wadatashiga qaranka kulankiisii 5-aad Baydhabo ku qabsoomay -15-1...
18/03/2023

Baydhabo. casho sharaf isugu yimaadeen madaxda Gollaha wadatashiga qaranka kulankiisii 5-aad Baydhabo ku qabsoomay -15-17 bishan,

Warmurtiyeed kasoo baxay shirkii Gollaha wadatashiga qaranka uga socday Baydho koofurgalbeed soomaaliya 15-17.03.2023.
17/03/2023

Warmurtiyeed kasoo baxay shirkii Gollaha wadatashiga qaranka uga socday Baydho koofurgalbeed soomaaliya 15-17.03.2023.

15/03/2023

Cashuurta waa laf dhabarta dhaqaalaha dal lagu dhiso.

Arooskaaga xitaa Waa laguu falanqeenaa saxiib✍🏻
10/05/2022

Arooskaaga xitaa Waa laguu falanqeenaa saxiib✍🏻

S/1- 22 September 2016 soo dhowayntii Magaalada Muqdisho loogu sameeyay murashax Madaxwyane soomaaliya Sheekh Shariif sh...
16/02/2021

S/1- 22 September 2016 soo dhowayntii Magaalada Muqdisho loogu sameeyay murashax Madaxwyane soomaaliya Sheekh Shariif sh Ahmed,

( amniga Muqdisho dhexdhexad ayuu aha Maadaama waqti yar kahor Argagixisada laga saaray Gobolka Banadir, laakin ma jirin cabsi looga qabi karo in masuuliyiin sar sare soo weerari karaan).

S/2-3- sawiradan waa dhamaadkii sanadkii tagay 2020 Muqdisho Stadion Eng Yariiwoos ayaa lagu qabtay ciyaaraha Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banadir maalin kastana kumanaan taageeroyaal ah ayaa kaso qaybgalayay iyo masuuliyiin dowlada DFS ka socatay,

( Coronavirus wuu jiray kumanaan ka kun ee fadhiyay garoonka loogama cabsan Coronavirus iyo halistiisa, amaanka garoonka dowlada si fiican ayay u sugtay, aad iyo aad ayaa loo amaananay saraakiisha taliyayaashii shaqadaas qabtay )

S/4- 28 janaayo 2021 Mw h**e JFS Mudane M Farmajo ayaa go’aansaday in uu saxiixo qaraarkii golaha shacabka Soomaaliya ee ahaa 13 kursi ee Aqalka sarre loogu daray shacabka Gobolka Banaadir isagoo iska riday culeeska siyaasadeed ee JP iyo PL kaga imanayay maadaama laga sugayay qabsoomida doorashooyinka dalka , boor isku qariskisii isagoo wata laba maalmood kadib 30 janaayo 2021 banaanbax ayay dowlada soomaliya soo abaabushay kaaso lagu taageeraayo go’aan qaadashada Farmaajo ee uu ku saxiixay 13 kursi, boqolaal shacab ayaana isugu soo baxay magaalada Muqdisho dhexdeeda.

( dowlada soomaaliya iyo Warbaahinteeda iyagoo doonaya jahwareerinta bulshada arinkas aad iyo aad ayay uqaadaa dhigeen fallanqeeyeen iskuna amaaneen , dhinaca kale Siyaasiyiinta dowlada iyo dadka taageero fallanqayntooda diirada ayay ku sareen in Mw h**e Farmaajo uu qaatay go’aan taariiqiya mudan yahay taageero loo muujiyo, laakin ma arag hal shaqsi siyaasi ama taageere oo iyaga kamida welwel ka muujiyay amniga iyo faafida Coronavirus, janaayo iyo feebraayo wax u dhexeeyo iska yar Coronavirus waa sidii ama ka hoose).

•hadaba dowlada soomaaliya warkeeda waa la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan, marka ay iyagu danleeyahiin mudaharaad iyo isu soobax waa la samayn karaa, amnigana wuu fiican tahay cabsi lama qabo , Coronavirus cid ka hadlaysa ma jirto,

•Murashaxiinta iyagoo markasta xaq u leh qabsashada Banaanbax Nabdoon, hadana hal jeer ayay ku baaqeen dibadbax taasoo sabab u ah. ~in madaxwanahii dalka waqtiga dhamaaday, ~in uu ilaabay qabashada doorashada, ~waliba aanu xiligaan la joogo haynin mudo cayiman oo uu doorasho qababan karo, ~ma jirto meel uu ku sheegay cilada iyo sababta uu u qaban wayay.

Intaa kadib waxaa aad iiga yaabiyay siyaasiyiin aqoonyahano dalkan xaladiisa la socdo oo ka walaacsan banaanbaxa 19feb lagu baaqay iyagoo aan sababta loo iclaamiyay banaanbaxa afkooga soo marsiin karin ayay sheegayaan dhibaatooyin dhalan kara hadii laysku soo baxo.

Shaqsiyaadka magaca iyo maamuuska ku dhex leh bulshada ee shacabka cabsida galinaya ee marmarsiyaha u sameenaya hadii laysku soo baxo, amni dara iyo Coronavirus ay sheegayaan waa uu jiray sanadkii lasoo dhaafay dad Inta ka badan waa isuyimaaden maxay markaa uga hadlin ayaad isleedahay oo ay hada dadka welwel ugu abuurayaan?

Hadalkooga waa difaaca farmaajo oo waqtiga ka dhamaaday yaanan caalamka iyo indhaha bulshada la tusin dib udhaca iyo doorasha la’aanta uu dalka galiyay, waxaysa marmarsiyo ka dhigteen amni daro ayaa jirta waligood h**e uma qiran intaas.

Dadka kuwoga caqliga leh ee fahmi kara fashilka Farmaajo iyo kooxdiisa waxay taaganyihin kuwaan cirka iyo Badda rinji noo mari yaan kaliya u dhiman hadaan layska qaban waxkasto waa ka filan karnaa. Allah beentooda ummada haka qabto.

Qore kamal

31/01/2021

Generaal Galaal.Warqadaan quruxda badan halkee ayaad isoo marisay?

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when DAILY SAIM posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to DAILY SAIM:

Share