Yalaxow Media Pro

Yalaxow Media Pro We are Digital Media

๐•Š๐”ธ๐”ธ๐”ป๐”ธ๐”ธ๐•ƒ๐•€ ๐•†๐•† ๐”พ๐•Œ๐•Œ๐•ƒ๐”ผ๐•๐•Š๐•†๐—ช๐—”๐——๐—”๐—๐—œ๐—ฅ ๐—ฉ๐—ฆ ๐—ช๐—”๐—ฅ๐—ง๐—” ๐—ก๐—”๐—•๐—”๐——๐——๐—”๐Ÿ†‚๐Ÿ…ท๐Ÿ†„๐Ÿ†๐Ÿ†„๐Ÿ†„๐Ÿ…ณ๐Ÿ…ฐ๐Ÿ…ท๐Ÿ…ฐ1. Follow page 2. Like page 3. Like post 4. Share post ๐”ฝ.๐”พ: Saadaa...
20/10/2025

๐•Š๐”ธ๐”ธ๐”ป๐”ธ๐”ธ๐•ƒ๐•€ ๐•†๐•† ๐”พ๐•Œ๐•Œ๐•ƒ๐”ผ๐•๐•Š๐•†

๐—ช๐—”๐——๐—”๐—๐—œ๐—ฅ ๐—ฉ๐—ฆ ๐—ช๐—”๐—ฅ๐—ง๐—” ๐—ก๐—”๐—•๐—”๐——๐——๐—”

๐Ÿ†‚๐Ÿ…ท๐Ÿ†„๐Ÿ†๐Ÿ†„๐Ÿ†„๐Ÿ…ณ๐Ÿ…ฐ๐Ÿ…ท๐Ÿ…ฐ

1. Follow page
2. Like page
3. Like post
4. Share post

๐”ฝ.๐”พ: Saadaalintu waxa ay ku egtahay markii ciyaarta la baasto waxaana guuleysan doono qofkii buuxiya shuruudaha kor ku xusan

19/10/2025
19/10/2025

Maxkamadeynta Eedeysane Bomb Gacmeed ku tuuri rabay Habeenkii loo Dabaal deggayey isdiiwaan gelinta 1 Milyan oo Codbixiyeyaal ah

Follow for more Yalaxow Media Pro

Garsoore Masri ah ayaa ku xukumay qisaas nin dhallinyaro ah oo dilay hooyadiis, ka dibna wuxuu u jeediyay ereyo ka culus...
19/10/2025

Garsoore Masri ah ayaa ku xukumay qisaas nin dhallinyaro ah oo dilay hooyadiis, ka dibna wuxuu u jeediyay ereyo ka culus xukunka laftiisa:

"Waqtikaagu wuu yimid in lagaa fuliyo qisaasta, iyada oo aanay maxkamaddu kuu naxariisanayn ama kuu raxmaysanayn. Adiguna ma aadan u naxariisan tan uurkeedu kuu ahaa hoy, naaskeeduna kuu ahaa il biyood, laabteeduna kuu ahayd sariir iyo dabool. Ha weydiisan maxkamadda naxariis, waayo uma qalantid."

Follow for more Yalaxow Media Pro

Muqdisho, Sabti 18 Oktoobar 2025:- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi ...
18/10/2025

Muqdisho, Sabti 18 Oktoobar 2025:- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga Garoonka Muqdisho iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin masuuliyiintani shaqooyinka loo idmaday waxa uu u magacaabay:

โ€ข Mudane Cabdinaasir Maxamuud Gurey: Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga ee Garoonka Aadan Cadde.

โ€ข Mudane Cabdalla Xasan Cali: Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS.

Follow for more Yalaxow Media Pro

 : Hayโ€™adda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 31-ka Oktoobar ee sannadkan ...
18/10/2025

: Hayโ€™adda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 31-ka Oktoobar ee sannadkan 2025, qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka ay noqon doonto adeeg lacag lagu bixiyo.

NIRA ayaa sheegtay in muddada ka horreysa 31-ka Oktoobar ay fursad u tahay dhammaan muwaadiniinta aan weli qaadan kaarkooda inay si bilaash ah u dalbadaan, maadaama laga bilaabo taariikhdaas kadib lagu soo rogi doono kharash rasmi ah oo aan weli la shaacin inta uu noqonayo.

Masโ€™uul ka tirsan hayโ€™adda ayaa sheegay in goโ€™aankan lagu saleeyay kor u qaadista qidmadaha dhaqaale ee hayโ€™adda iyo hubinta in adeegyada la bixiyo uu noqdo kuwo joogto ah oo tayo leh.

Degmooyinka iyo goobaha kale ee kaarka laga qaado ayaa muddooyinkan dambe laga dareemay ciriiri xooggan maadaama dadka Aqoonsiga samaysanayaahi ay safaf dheer dheer ugu jiraan, balse weli dadka gaarka qaatay tiradoodu aad bay u hoosaysaa markii loo eego xisaabta boqollayda ah, NIRA ayaa h**e u sheegtay in in ka badan 3 milyan oo muwaadin weli aanay qaadan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, taas oo la rumeysan yahay inay caqabad ku noqon karto qorshaha cusub haddii aan la sii wacyigelin bulshada.

Follow for more Yalaxow Media Pro

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare oo maanta...
14/10/2025

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare oo maanta yeeshay kulankoodii 4-aad ee kalfadhiga 7-aad, ayaa weli ku guda jira sii wadidda sixitaanka sharciga kaalmo sharciyeedka Federaalka.

Xubnaha Guddiga, ayaa sidoo kale waxa ay dib u eegis ku sameeyeen jawaabaha su'aal oraaheed ay masuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda ay Guddigu fadhigii h**e ka waydiiyeen hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka Federaalka, waxaana kulanka maanta shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Sanatar Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne).

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
Email:- [email protected]
Facebook: Aqalka Sare
Twitter:-
Website:- www.senate.gov.so

Follow for more Yalaxow Media Pro

๐†๐”๐ƒ๐ƒ๐Ž๐Ž๐Œ๐ˆ๐˜๐€๐‡๐€ ๐Œ๐€๐€๐Œ๐”๐‹๐Š๐€ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐Š๐€ ๐๐€๐๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐‘ ๐€๐‡๐๐€ ๐ƒ๐”๐๐€ ๐Œ๐”๐๐ƒ๐ˆ๐’๐‡๐Ž ๐Ž๐Ž ๐Š๐Ž๐‘๐Œ๐„๐„๐‘๐€๐˜ ๐†๐Ž๐Ž๐๐€๐‡๐€ ๐Œ๐€๐’๐‡๐€๐€๐‘๐ˆ๐ˆ๐‚๐ƒ๐€ ๐ƒ๐‡๐ˆ๐’๐Œ๐€๐‡๐€ ๐Š๐€ ๐’๐Ž๐‚๐ƒ๐€ ๐‚๐€๐€๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ๐ƒ๐€...
14/10/2025

๐†๐”๐ƒ๐ƒ๐Ž๐Ž๐Œ๐ˆ๐˜๐€๐‡๐€ ๐Œ๐€๐€๐Œ๐”๐‹๐Š๐€ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐Š๐€ ๐๐€๐๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐‘ ๐€๐‡๐๐€ ๐ƒ๐”๐๐€ ๐Œ๐”๐๐ƒ๐ˆ๐’๐‡๐Ž ๐Ž๐Ž ๐Š๐Ž๐‘๐Œ๐„๐„๐‘๐€๐˜ ๐†๐Ž๐Ž๐๐€๐‡๐€ ๐Œ๐€๐’๐‡๐€๐€๐‘๐ˆ๐ˆ๐‚๐ƒ๐€ ๐ƒ๐‡๐ˆ๐’๐Œ๐€๐‡๐€ ๐Š๐€ ๐’๐Ž๐‚๐ƒ๐€ ๐‚๐€๐€๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ๐ƒ๐€

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐Ž๐ค๐ญ๐จ๐จ๐›๐š๐ซ ๐Ÿ๐Ÿ’, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“:Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud Md. Cabdi Majiid Daahir Aadan iyo mas'uuliyiin kale, ayaa maanta kormeeray mashaariicda dhismaha waddooyinka caasimadda sida, Mashruuca dhismaha Wadada Dabka, oo ay ka mid yihiin buundooyin cusub, biyo-mareeno casri ah, iyo nidaamyo bullaacado oo waara.

Kormeerka ayaa waxaa lagu booqday sidoo kale Warta Siigaale, oo ah biyo-qabadka ugu weyn ee magaalada Muqdisho, iyo wadada 26-ka June, oo loo yaqaan โ€œShaqaalahaโ€, kuwaasoo labadaba ay ka socdaan dhismaha waddooyinka iyo buundooyinka casriga ah.

Intaas waxaa dheer, Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kormeeray wadada dheer ee isku xirta degmada Kaxda ilaa Gobolka Shabeellada Hoose, oo sidoo kale dhismo laami uu ka socda.

Injinneerada Shirkadaha maamulaya dhismaha waddooyinka, biyo-mareennada iyo buundoonyinka, ayaa warbixin rasmi ah oo ku saabsan horumarka shaqada la wadaagay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Ujeeddada socdaalka ayaa ahayd hubinta hannaanka dhismaha, xaqiijinta waddooyin waara, tayo sare leh, isla markaana leh biyo-mareeno iyo nidaamyo bullaacado casri ah.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho waxaa ka go'an in mashaariicda dhismaha waddooyinka ay ka tarjumaan yoolka maamulka ee horumarinta kaabayaasha magaalada iyo hagaajinta tayada nolosha shacabka Muqdisho.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

Follow for more Yalaxow Media Pro

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA'IISUL WASAARAHA ITOOBIYA Addis-ababa. Oktoobar 12, 2025; Madaxweynaha Jamh...
12/10/2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA'IISUL WASAARAHA ITOOBIYA

Addis-ababa. Oktoobar 12, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Raโ€™iisul Wasaaraha dalkaasi Mudane Abiy Ahmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay ka go'an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
[email protected]

Follow for More Yalaxow Media Pro

12/10/2025

Dhaarinta Gudiga Xuquuqul Insaanka

Follow for more Yalaxow Media Pro

Address

Mogadishu

Telephone

+252770491652

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yalaxow Media Pro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Yalaxow Media Pro:

Share