Lafoole Focus

Lafoole Focus Lafoole Focus is an independent civic awareness and public-interest media platform dedicated to Somalia’s political, social, and community developments.

Mashruuca NAGAAD ee BanaadirMashruuca NAGAAD waxaa lagu maalgeliyey Bangiga Adduunka, waxaana hirgelinaya Maamulka Gobol...
11/07/2026

Mashruuca NAGAAD ee Banaadir

Mashruuca NAGAAD waxaa lagu maalgeliyey Bangiga Adduunka, waxaana hirgelinaya Maamulka Gobolka Banaadir si loo hagaajiyo waddooyinka, loo dhiso bullaacadaha, loo yareeyo fatahaadaha, loona xoojiyo adeegyada magaalooyinka.

Su’aashu waxay tahay:

🔹 Horumarradan ma ka muuqdaan deegaankaaga?

🔹 Waddooyinkee ayaa lagu dhisay mashruucan?

🔹 Fatahaaduhu ma yaraadeen?

🔹 Degmooyinkee ayaa ka faa’iidaystay?

🔹 Halkee lagu bixiyey lacagta mashruuca?

🔹 Shaqooyinkee ayaa weli aan la dhammaystirin?

Haddii mashruucan laga hirgeliyey degmadaada, nala wadaag waxa aad indhahaaga ku aragtay.

Aragtida muwaadinku waa muhiim. Isla xisaabtanku wuxuu ku bilaabmaa xog, daahfurnaan iyo ka qaybgalka bulshada.

Macluumaadkani wuxuu ku salaysan yahay dukumentiyada rasmiga ah ee Mashruuca NAGAAD iyo Bangiga Adduunka.

Dadka Muqdisho dagan ayaa ujeedinaya Gudoomiyaha gobolka inuu wax ka qabto nadaafadda Gobolka Banaadir
10/07/2026

Dadka Muqdisho dagan ayaa ujeedinaya Gudoomiyaha gobolka inuu wax ka qabto nadaafadda Gobolka Banaadir

25/06/2026

Dabaaldegga sanad-guurada Qaranka Soomaaliyeed iyo dhammaadka imtixaanka dugsiga sare! Muqdisho maanta waa astaan horumar, qurux iyo rajo cusub. Soomaaliya ha noolaato.

Qeyb ka mid ah shaooyinka xukuumadii Madaxweyne Hasan Sheikh 2012 -2017
07/02/2026

Qeyb ka mid ah shaooyinka xukuumadii Madaxweyne Hasan Sheikh 2012 -2017

01/02/2026

Waa khudbad uu horay ujeediyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland

28/01/2026

Waddooyinku waa laf-dhabarta horumarka magaalo kasta. Dhismaha iyo furista waddooyinka muhiimka ah waxay si toos ah u saameeyaan nolosha dadka, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo isku-socodka bulshada.

Waddada isku xirta Korontada iyo Banaadir ayaa ah mid u baahan in dib loo dhiso, maadaama ay xiran tahay muddo ka badan 15 sano, sida ka muuqata xaaladda waddada ee muuqaalka la arkayo. Dad badan ayaa aaminsan in la joogo waqtigii Maamulka Gobolka Banaadir uu furi lahaa waddadan muhiimka ah, isla markaana dib u dhis ku sameyn lahaa.

Tani waxay noqon lahayd tallaabo lagu dhabeynayo hadalkii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee ahaa in maamulka gobolka si weyn uga shaqeynayo dhismaha iyo horumarinta waddooyinka magaalada.

Haddii waddadan la furo lana dhiso, waxay yareyn doontaa ciriiriga gaadiidka, waxayna fududeyn doontaa isu-socodka, ganacsiga, iyo helitaanka adeegyada bulshada.

Muwaadin nala wadaag fakarkaaga.
26/01/2026

Muwaadin nala wadaag fakarkaaga.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise shar...
24/01/2026

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo aad u muhiim ah, kuwaas oo kala ah Hindise Sharciyeedka Macdanta iyo Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada, kaddib kulankii 31-aad ee kalfadhiga 7-aad oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ansixinta sharciyadan ayaa xoojinaysa hirgelinta sharciga (Rule of Law), isla xisaabtanka, iyo nidaamka dowladnimo, iyadoo sharciyadu saldhig u yihiin maamul hufan, ka faa’iidaysi mas’uuliyadeed oo kheyraadka dabiiciga ah, iyo go’aan-qaadasho ku dhisan xog sax ah oo la xiriirta cimilada iyo saadaasha hawada. Tani waxay muujinaysaa doorka Baarlamaanka ee ilaalinta danaha qaranka iyo dhismaha hay’ado sharciyaysan oo ka qayb qaata horumarka, amniga, iyo kalsoonida dowladnimo ee dalka.

Dhaqan galinta sharciyadann ayaa ah muhim si aysan ula mid noqon sharciyo badan oo Golayasha sharci dajinta ansixiyeen oo aan dhaqan gal noqon sabab la xiriira hey’adaha dowladda oo awoodooda yartahay.

👉 Ku soo biir (Follow) boggeena si aad u hesho warar dheeraad ah
👉 Like & Follow Lafoole Focus si aad u hesho xog lagu kalsoon yahay

Bishan Janaayo, Soomaaliya ayaa haysa hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, xil muhiim ah oo siinaya awood ay ...
23/01/2026

Bishan Janaayo, Soomaaliya ayaa haysa hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, xil muhiim ah oo siinaya awood ay ku dejiso ajandaha bisha isla markaana ay ku guddoomiso dhammaan kulamada Golaha. Tani waa fursad taariikhi ah oo ka tarjumaysa kalsoonida sii kordhaysa ee beesha caalamku ku qabto Soomaaliya iyo doorkeeda firfircoon ee arrimaha amniga iyo nabadda adduunka.

Ajandaha ay Soomaaliya dooratay ayaa ah dood heer sare ah oo ku saabsan xoojinta sharciga iyo kala dambeynta caalamiga ah (Rule of Law), si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga caalamka. Dooddan muhiimka ah waxaa shir-guddoomin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qaybgalaya marti aad u culus oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, Guddoomiyaha Midowga Afrika Mahamoud Ali Yusuf, madax kale oo caalami ah, oo isugu jira wasiirro arrimo dibadeed, diblomaasiyiin sare, iyo wakiillo heer caalami ah iyo sidoo kale garsoorihii h**e ee maxkamadda ICJ Cabdulqawi Axmed Yuusuf ayaa isna la filayaa inuu ka qayb galo kulanka.

Kulankan ayaa ah fursad weyn oo ay dalalka dunidu si wadajir ah uga doodi karaan sida sharciyadda caalamiga ah, iskaashiga dowladaha, iyo wada-shaqaynta multilateral-ka ay uga hortagi karaan colaadaha, qalalaasaha, iyo ku tumashada madax-bannaanida dalalka. Ajandaha ay Soomaaliya soo xulatay wuxuu si cad u muujinayaa rumaysnaanta Soomaaliya ee ah in ku dhaqanka sharciga caalamiga ahi yahay waddada kaliya ee lagu gaari karo caddaalad iyo xasillooni.

Aragtidan ayaa si wax ku ool ah uga muuqatay guulo h**e oo Soomaaliya ka gaartay masraxa caalamka, sida kiiskii badda ee ay kaga adkaatay Kenya, mowqifkeeda adag ee heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland, iyo dagaallada diblomaasiyadeed iyo sharci ee ay kula jirto isku dayada sharci-darrada ah ee lagu wiiqayo madax-bannaanideeda, oo ay ku jirto arrinta aqoonsiga Israel ee Somaliland. Dhammaan tusaalooyinkan waxay caddeynayaan in Soomaaliya ay si xeel dheer ugu adeegsatay sharciga caalamiga ah difaaca danaha qarankeeda.

In Soomaaliya ay hoggaamiso dood heerkan ah oo Golaha Ammaanka ah waxay astaan u tahay doorkeeda sii kobcaya ee siyaasadda caalamka, waxayna muujinaysaa in ay ka gudubtay marxaladihii nuglaa una tallaabsatay marxalad ay fikrad iyo hoggaan ku leedahay miiska go’aamada adduunka.

Fursaddan naadirka ah ayaa sidoo kale u oggolaanaysa madaxda dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka in ay miiska keenaan aragtiyo iyo dood u adeegaya danaha dowladahooda, isla markaana ay si wadajir ah u difaacaan mabaadi’da ay aaminsan yihiin, si looga hortago wax kasta oo caqabad ku noqon kara nabadda, madax-bannaanida, iyo xasilloonida dowladaha caalamka.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Lafoole Focus posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share