Faytin Media FM

Faytin Media  FM Asxaabta qaaliga ah kusoo dhowaada page-kayga FAYTIN MEDIA FM Fadlan Follow Page Mahadsanidiin Alle Aamin

Inna Llilaahi wa Inna Ileyhi Raajicuun Geeri Naxdin badan Waxaa Magaalada Muqdidho ku geeriyooday AUN Xasan kaafi Cabdir...
20/09/2026

Inna Llilaahi wa Inna Ileyhi Raajicuun Geeri Naxdin badan Waxaa Magaalada Muqdidho ku geeriyooday AUN Xasan kaafi Cabdiraxmaan Qoyste Oo kamid ahaa saxafiyiinta somalida kuwooda ugu Caansanaa

AUN Xasan kaafi Cabadiraxmaan qoyste Waxaan bartay 1996 dii Anagoo dhalinyaro ah xiligaas oo aan wada deganayn degmada hawl-wadaag gaar ahaan xaafada Tokiyo .

AUN Xasan kaafi wuxuu ahaa saaxiib igu dhow oo waxaanu soo wada qabanay shaqooyin badan waxaanu wada tagnay shaqo ahaan magaalooyin badan oo afrika iyo somaliyaba ah .

waxaan u tacsiyeynayaa qoyska Ehelka iyo qaraabada Samir iyo iimaan saaxiibkeena alle janatul fardowsa ha geeyo aamiin

   Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu ayaa Muqdihso kula kulmay taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya, Gen. Ibr...
18/09/2026

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu ayaa Muqdihso kula kulmay taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya, Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, horumarinta aqoonta iyo kor u qaadista tayada iyo awoodda ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isku afgartay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga milatari iyo taageerada ku aaddan dhismaha iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Kulankan wuxuu yimid, xilli safiirka Shiinaha uu maalin ka hor u goodiyay maamulka Somaliland oo taageeray jasiiradda Taiwan.

Sidoo kale taliyaha ciidanka XDS iyo saraakiil kale ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Abdiqaadir Axmed Aw-cali ( Firdhiye ) iyaga oo sheegay in ay ka wada hadleen xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan xoojinta amniga iyo nabadgelyada deegaannada Waqooyi Bari.

18/09/2026

Taliye Shub "" Ninka Jeegada Weyn Oo Ula Jeexo Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni Ayaa Iga Raacay """

  Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Ee  NISA ayaa sheegtay inay magaalada  Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku qabata...
16/09/2026

Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Ee NISA ayaa sheegtay inay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku qabatay 11 qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin
AS .

Sidoo kale, taliyaha AUSSOM ayaa sheegay in A S aysan dhul ka qabsan ciidamada Soomaaliya iyo Kuwa AUSSOM tan iyo Maarso Sanadkii 2025, inkastoo kooxda AS Ay weli tahay khatar amni oo weyn.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale bilowgii Sebtembar qabatay shir qaran oo looga hadlay dib-u-habeynta iyo isku-duwidda hay’adaha amniga, iyadoo ay ka qayb galeen dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada, AUSSOM iyo UN.
Wasaaradda Amniga Gudaha

Dhinaca kale Soomaaliya waxay ku jirta marxalad lagu doonayo in masuuliyadda amniga si tartiib ah loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo AUSSOM weli door muhiim ah ku leeyahay.

   Modern DiplomacyMaraykanka iyo Soomaaliya: Madaxweyne Donald Trump ayaa magacaabay Devin Kennington Devin Kennington ...
15/09/2026

Modern Diplomacy
Maraykanka iyo Soomaaliya: Madaxweyne Donald Trump ayaa magacaabay Devin Kennington Devin Kennington inuu noqdo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya .

Magacaabistan ayaa martay sida wararku sheegayaan habraaca ansixinta Maraykanka taasoo dhiiri gelinaysa heshiis waara oo is faham keena Somaliya iyo maraykanka waqti xaadirkan

   Ciidamo Soomaali ah oo lagu xiray Jigjiga: Warbixinno cusub ayaa sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo tababar ku soo qa...
15/09/2026

Ciidamo Soomaali ah oo lagu xiray Jigjiga: Warbixinno cusub ayaa sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo tababar ku soo qaatay Itoobiya lagu xiray Jigjiga.

Arrintaasna ayaa dhalisay su'aalo ku saabsan halka iyo sida loo adeegsan doono ciidamadaas iyo cida ay la shaqayn doonaan .

The EastAfrican Oo Qortay warbixintan ayaa intaasi sii raacisay in ciidamadan markii h**e laga soo ururiyey deegaanada dowlad deegaanka somalida balse ki wajahnaa soomaaliyada weyn JFS .

   Dagaalka iyo amniga: Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ayaa weli wajahaya caqabado ku saabsan dagaalka...
15/09/2026

Dagaalka iyo amniga: Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ayaa weli wajahaya caqabado ku saabsan dagaalka A S iyo mustaqbalka taageerada ciidamada AU.

Sidoo kale Maraykanka Ayaa soo jeediyay qorshe lagu sii wadi karo taageerada hawlgalka midowga aftika ee Jooga somaliya kuwaasoo uu talo ahaan ku tilmaamay mid ay qayb kasii ahaan karaan dagaalka AS .

   SAXAFI YAASIIN FAYTIN OO MUQDISHO LAGU DHAWACAYMuqdisho: Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu dhaawacay saxafi ruug-ca...
15/09/2026

SAXAFI YAASIIN FAYTIN OO MUQDISHO LAGU DHAWACAY

Muqdisho: Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu dhaawacay saxafi ruug-caddaa ah Yaasin Maxamed Cali “Yaasin Faytin”, kaddib markii koox dablay ah oo la sheegay inay ku hubaysnaayeen tooreeyo iyo dhalooyin ay gurigiisa ugu dhaceen abaare 12:00 kii habeenimo.

Weerarka ayaa sababay dhaawacyo soo gaaray saxfiga, waxaana haatan lagu dabiibayaa mid ka mid ah cusbitaallada magaalada Muqdisho, halkaas oo xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayo.

Dhacdadan ayaa walaac weyn ku abuurtay bahda saxaafadda iyo bulshada, iyadoo aan weli si rasmi ah loo caddeyn sababta ka dambeysa weerarka iyo cidda fulisay.

Waxaan Alle uga baryeynaa Saxafi Yaasin Maxamed Cali “Yaasin Faytin” caafimaad degdeg ah iyo inuu dhaawaca uga soo kabsado si nabad ah.

Ilaahayow, caafimaad taam ah sii, dhib kasta iyo shar kastana ka badbaadi. Eebbe ha u fududeeyo xaaladdiisa, qoyskiisana kuwii samra ilaahay haka yeelo. Aamiin.

12/09/2026

Dagaal Culus Oo Caawa Ka Dhacay magaalada Marib kaasoo Ay xuutiyiintu weerareen ciidamada dowlada KMG ah Ee Yemen iyo sucuudiga Oo Taageero .....seemore

MUXUU YAHAY  MARKABKA CALANKA SOOMAALIYA WATA  EE  UU WEERARAY RUUSHKU ..Markab Tedy lagu magacaabo oo dal ahaan u diiwa...
12/09/2026

MUXUU YAHAY MARKABKA CALANKA SOOMAALIYA WATA EE UU WEERARAY RUUSHKU ..

Markab Tedy lagu magacaabo oo dal ahaan u diiwaangashan in Soomaaliya laga leeyahay, oo calanka Soomaaliya watay, ayaa maalintii talaadada asigoo maraya agagaarka magaalada Odesa ee dalka Ukraine, lagu soo weeraray diyaarado Drones ah.

Markabkaasi Soomaaliya ayaa laga leeyahay la dhahayo wuxuu hoos tagaa shirkad Turki ah oo Mert Marine Corporation lagu magacaabo. Waxaa weerarkaasi talaadada lagu dilay laba shaqaalaha Markabka kamid ah oo Azerbaijan u dhashay, kuwaasoo lagu kala magacaabo Aslan Aliyev iyo Asim Gasimov.

Waxaa la dhaawacay laba kale oo shaqaalaha kamid ah oo ayagana Azerbaijan u dhashay, kuwaasoo gubasho ay soo gaartay, Isbitaal magaalada Chornomorsk ee dalka Ukraine ku yaallana la dhigay.
Dowladda Azerbaijan isla markiiba muwaadiniinta way usoo gurmatay.

Guud ahaan Markabka waxaa saarnaa 10 shaqaale ah, lixda kale waa la daaweeyay. Dadka saarnaa Markabka waxay u kala dhasheen Jarmal, Azerbaijan, Tukri iyo Ukraine. Dowladda Ukraine waxay sheegtay in weerarakaas uu Ruushka ka danbeeyo.

Dowladda Ruushka, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga waxay sheegtay inay weerartay laba Markab oo hub u waday dekad6a Odesa ee dalka Ukraine. Arrinkaas jawaab k**a aysan bixin Ukraine.

Hadaba Waxaa Is weydiin leh , Maraakiibta noocaas ah & shirkadahaasi shisheeye yaa diiwaangelinta siiyay, yaa magaca Soomaaliya u fasaxay? Calanka Soomaaliyana inay howlahaas ku qabtaan yaa u oggolaaday?

Maxaase ka dhalan kara Oo dalkan soo koraya ee awooda lahayn ay u keeni kartaa arintani maxaase mustaqbalka laga filan karaa Maraakiibta sidan oo kale ah , Ma jiraan la xisaabtan lala xisaabtamayo oo ku aadan markabkan Oo kale .

Address

+252615580916
Muqdisho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Faytin Media FM posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Faytin Media FM:

Shortcuts

Share