Manso ft

Manso ft dadoow isku duubni baa danteenu tahay

25/01/2017

waxaa maanta kasoo baxa gudigii doorashada JFS jadwalka doorashada dalka waa war aad loogu farxo wax qabadka dalka wuu bilowday baarlamaanka waan kafilayna waxaa iskugu tagay aqoonyahano dhalinyaro ah masha allah Osman Abdi Kadir Osman

23/01/2017
24/07/2016

kkkkkkkkkk ha isku guursan naag socod badan hadiikale sidan ayaa ku qabsan doonta .............kkkkkkkkkkkk.....

Allahu akbar halaga faa idaysro
25/06/2016

Allahu akbar halaga faa idaysro

12/05/2016

waa sheeko aad ladhici doonto bal nala daawo

26/04/2016

MURUGO KASTA KAGA DUCAYSO DUCADAN ALLE HAKUU AQBALO

26/04/2016

kkkkkkkk waa fny aad ladhici doon to balnaladaawo plz share$ like

25/04/2016

Dal waaa dalkaaga dadna waa dadkaada.........................................................

24/04/2016

Somewhere in Africa
Vee Mampeezy- Much love for Africa
Shout out to Nigeria,South Africa,Egypt,Algeria,Morocco, Angola, Sudan, Kenya, Ethiopia,Tanzania,Tunisia, DR Congo,Ghana, Libya,Ivory Coast,Cameroon,Uganda, Zambia, Mozambique,Senegal, Zimbabwe,Gabon,Namibia,South Sudan,Chad,Mauritius,Burkina Faso, Mali,Equatorial Guinea, Madagascar,Congo,Niger,Malawi, Mauritania,Sierra Leone, Eritrea,Swaziland,Togo,Burundi, Lesotho, Liberia,Seychelles, Guinea-Bissau,Somalia

24/04/2016

Ila-Qosol kkkkkk Al Fanaan Iidle Cabdulahi Nuune Al Fanaan Nasiib Møhäméd M Oke Iyo Asxaab Kale Abdi Shakuur Farah Egale Qosolkaan iyo Bashaalkaan Waa Loo baahanyahay Mararka Qaaar kkkkkkkkkkkkkkk

Halgan iyo Hagardaamo- Taariikh Nololeed- Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed (somalia . mogadishu.  Nov 01, 2011 ) Gogol...
24/04/2016

Halgan iyo Hagardaamo- Taariikh Nololeed- Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed


(somalia . mogadishu. Nov 01, 2011 )

Gogoldhig

Buuggan taariikh nololeedka Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf waa ogaankay buuggii ugu horreeyey ee uu madaxweyne Soomaaliyeed toos u qoro isagoo nool kaddib markii uu xilka ka degay. Wa qoraal daahfuraya oo ifinaya dhacdooyinkii badnaa ee isdaba-joogga ahaa ee ka socday guud ahaan geeska Afrika, gaar ahaanna dalka Soomaaliya lixdankii sano ee ugu dambeeyey (1950-2010kii). Waxaa buuggan ku xusan qoraallo badan oo xogta ay xambaarsanyihiin aan si kale lagu heleen, qof goob-joog ka ahaa mooyee. Waa dhacdooyin uu qoraagu isagu goob-joog ka ahaa intooda badan. Dhacdooyinka buuggan ku jira waxaa ka mid ah, kuwa badan oo la xiriira qisooyin leh murugo iyo tiiraanyo, ciil iyo caro, jab iyo naasa-beel, hoog iyo halaag, burbur iyo baro-kac, qax iyo kala-yaac. Sidoo kale waxaa geedi-socdkaas dheer ee nolosha barbar-socday kuwa kale oo watay faraxd, gallad iyo abaal,

nabad iyo naruuro, bashbash iyo barwaaqo, raynrayn iyo riyaaq.

Cutubyada buuggan ka kooban yahay waxaa ugu hilin culus kuwan hoos ku xusan :

Korrinkii iyo taaariikh nololeedka qoraaga laga soo billaabo

Tuulada Birta-dheer ee uu ku dhashay iyo sidii uu ku barbaaray

Muddadii uu geel jiraha ahaan jiray oo miyiga ku noolaa.

Habkii uu ciidanka ugu biiray sannadkii 1950kii, kaddib

marki uu askarnimo ka qortay magaaalada Gaalkacyo isaga oo

aan ku talo-galin, war iyo wacaltoona aan u hayn shaqada

iyo xirfadda ciidanka.

Waxbarashadii ciidanka ee uu dalka iyo dibeddaba ku qaatay muddadii u dhaxaysay 1950-1956kii

Xilalkii kala duwanaa ee mudane Yuusuf ka soo qabtay

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Boliiska muddadii

u dhaxaysay 1956-1963kii

Kaalintii uu ka qaatay dagaakii Itoobiya iyo Soomaaliya

sannadkii 1964kii, halkaaso uu ku mutaystay dallacaad iyo

billad geesinimo.

Iska hor-imaadkii Cabdullahi Yuusuf iyo taliyihiisii ciidanka S/Gaas Maxamad Siyaad kaddib markii uu G/Sare Cabdullahi Yuusuf ka diiday inuu inqilaab kala qayb qaato bishii,

Jannaayo,1969kii

Dilkii Madaxweyne Cabdirashiid iyo cidda lagu tuhumay inay lug ku la haayeen fal dembiyeedkaas

Afgembigii Oktoober 1969kii, iyo xabbsikii loo taxaabay CabdullahiYuusf iyo Maxamad Faarax Caydiid 1969-1975kii ( Lix sano iyo dheeraad) oo xukun la’aan ah !

Dagaalkii 2aad ee Itoobiya iyo Soomaaliya oo Cabdullaahi Yuusuf marlabaad masuul looga dhigay aag muhiim ahaa

Aasaaskii jabhaddii ( SSDF) iyo mucaaradkii hubaysnaa muddadii uu ku jiray xabbiskii labaad (lix sano oo kale 1985-1991) ayaa mar labaad lagu xiray dalka Itoobiya

Asaaskii dawlad goboleedka Puntland iyo kaalintii uu ka soo qaatay

Loolankii doorashadii Madaxweynaha ee lagu qabtay dalka Kenya sannadkii 2004tii

U guuridii dalka (degaankii dawladda ee magaalda Jawhar, Baydhaba, iyo Muqdisho)

Dagaalkii Ururkii Midowga Maxkamadaha

Shirkii dib-u-heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee Muqdisho sannadkii 2007

Dawladihii 1aad iyo 2aad ee TFG :da

Is-casilaaddii Madaxweyne Cabdullahi Yuususf iyo

Dhacdooyin kale oo aad muhiim u ah

Waxaa tixgelin iyo qadderin mudan inaan gunaanadka hordhaca ku

xuso, kuna maamuuso qoraagii caanka ahaa ee Siciid Cismaan

Keenadiid ( Ahun) oo qoraalka iyo sixidda buuggan qayb libaax ka

soo qaatay oo geeriyooday bishii Soonka sannadkan 2011,

muddadii lagu jiray hawsha gunaanadka buugga. Gebagebada

gogoldhigga buugga waxaan ku maamuusayaa qoraalkan kooban

oo aan Siciid Cismaan ka soo xigtay :

« Madaxweynihii h**e Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ma uusan fulin

xilkii qaran ee laga sugayey. Ma isaga ayaa ka gaabiyey dhismaha

maamul awood waxqabad leh, mise waxaa ka hor-istaagey xoogag

diiddan nabadaynta iyo dibu-dhiska Soomaaliya?. Mudane Cabdullaahi Yuusuf waxaa la qummanaatay in uu qoraal ku soo bandhigo xaaladahii iyo dhinacyadii maamulkiisa curyaamiyey . Waa bandhig aan

leexleexad iyo duurxul lahayn oo toos farta ugu fiiqaya siyaasiyiin

Soomaaliyeed, kuwo shisheeye iyo dawlado ay dhexmareen iska

horimaadyo siyaasadeed oo gudubsan heer kasta ee uu mala’awaali

karey qof xumo-saadis ahi; wuxuu sidaas darteed isu xilsaaray in uu ummaddii xilka u dhiibatay ee uu horteeda ku dhaartay uga warramo sababihii uu ballanqaadkiisii u fulin waayey. Dhalliil kasta oo dhismo ah oo ka hortimaadda aragtidiisa iyo fiirooyinkiisa siyaasadeed waxay soo noolaynaysaa wada-danaynta dalkaan, waayadii danbe la illaaway, in la wadaago. »

Waxaan qoraaga ( Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmad) iyo dadka qoraalka xiiseeya ugu hambalyeynayaa inuu buuggan yahay kayd dhaxalgal ah oo taariikhkeedna dihin toosh ku ifinayasa dhacdooyin

badan oo beri h**e la iska illaaway. Ugu dambayn waxaan u hambalyeynayaa shirkadda Scansom Publishers oo u tafo-xaydatay qoraalka, fidinta, iyo kaydinta afkeenna hooyo oo ku guulaysatay daabacadda buugta ugu badan ee la soo saaray 15kii sano ee ugu dambeeyey oo buuggan taariikh nololeedka Madaxweyne Cabdullahi ka mid yahay.

Shirkadda Scansom waxay masuul ka tahay soo saaridda iyo arrimaha farsamada la xiriiira daabacaadda buugga. Qoraagu isaga ayaa u

madax-bannaan fikradda iyo nuxurka qoraalka. Waxaan si gaar ugu

mahadcelinayaa dhammaan dadkii qaaday ama iska lahaa qaar ka mid ah sawirrada buuggan ku xusan oo aan raadiyey (si aan ugu mahad-naqo) ayna nasiib-darrose ii suurta-geli weyday inaan helo xiriirikooda tooska ah. Shifo ku af-saar iyo akhris wacan.



Tifatiraha Buugga : Maxamad Sh. Xasan Nuur

Scansom Publishers, Toronto, Nofembar, 2011

Hi somali tahriibku jooji
23/04/2016

Hi somali tahriibku jooji

Address

Muqdisho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Manso ft posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share