Hiigsi News

Hiigsi News Waa Warside Aad Ka heli Kartid Xogta Dalka somaliya

26/06/2025

Degdeg: Qarax miino ayaa ka dhacay suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Waaxda Taleex. Miinada oo lagu aasay dhulka ayaa ku qaraxday meel ay dad shacab ahi ku sugnaayeen.

Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab oo ah cadowga umadda Soomaaliyeed ayaa qaraxan u dhigay shacabka aan waxba galabsan ee ku ganacsanayay suuqa qudaarta. Wixii faahfaahin ah ee dheeraad ah waan idinla socodsiin doonaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Muda...
25/06/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Mudane Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo madax kale ayaa caawa Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar uga qeybgalay Munaasabadda 65 sano guuradii kasoo wareegatay markii ay Gobolada Waqooyi ay Xorriyadda qaateen.

Munasaabadda, oo qeyb ka ah todobaadka xorriyadda oo sannadkan si weyn loogu diyaargaroobay, ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirro, Xildhibaano iyo qeyb kala duwan ee Bulshada, waxaana laga jeediyay khudbado kala duwan oo ku saabsanaa taariikhda midnimada iyo halgankii la soo maray.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Muungaab oo munaasabadda furay ayaa sheegay in 65 sano kadib ay maanta Shacabka Muqdisho safaf dhaadheer ugu jiraan isdiiwaangelinta doorasho Qof iyo Cod, taas oo ka dhigan horumar dhanka dawlad-dhiska iyo xoojinta qarannimada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay qiimaha caawa oo kale u leedahay dalka, isagoo ugu baaqay midnimo iyo ilaalinta dowladnimada Soomaaliya oo dhiig badan loo huray.

Gabo-Gabadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Waqooyi, isagoo sheegay in ay muhiim tahay ilaalinta midnimada waxa uuna sheegay in qalad kasta oo dhacay ay ka cudur daareyso dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in 30 sano kadib ay muuqato in midnimo la’aan wax horumar ah la gaari karin, waxa uuna amaanay shacabka iyo siyaasiyiinta ku faro adeegay midnimada iyo wadajirka dalka.

Dhammaan madaxdii caawa ka hadashay Munaasabadda loogu dabaal dagayo 26-ka Juun ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay horumarro badan oo dhanka dhaqaalaha, amaanka, dagaalka Argagixisada, dhismaha ciidamada iyo horumarinta kaabayaasha Bulshada, islamarkaana ay hadda socdaan qorshayaal kale oo muhiim ah.

25/06/2025
25/06/2025
War-SaxaafadeedMuqdisho, Juun 25, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...
25/06/2025

War-Saxaafadeed

Muqdisho, Juun 25, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay magaalada Muqdisho, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay masuuliyiin isugu jira Madaxweyne h**e, Ra’iisul Wasaareyaal h**e, Guddoomiyihii h**e ee Baarlamaanka iyo xubno kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay ka mid yihiin dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta hannaan doorashooyin oo toos ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dadaalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa si buuxda uga go’an sii wadista wadatashiyada qaran ee u gogol-xaaraya in dadka Soomaaliyeed ay gaaraan mustaqbal xasilloon oo horseeda dimuqraadiyad, nabad waarta iyo horumar.

DHAMMAAD.

 Baydhabo ma Addoonsi baa Mise Waa Magaalo Dad Leh?!Marka xil la kuu dhiibo, ma micnaheedu waa in dadka aad u adeegayso ...
24/06/2025


Baydhabo ma Addoonsi baa Mise Waa Magaalo Dad Leh?!

Marka xil la kuu dhiibo, ma micnaheedu waa in dadka aad u adeegayso ay yihiin addoomo kuu adeegaya? Maya! Waa nasiib iyo masuuliyad weyn oo lagu aaminay. Laakiin nasiib darro, jawaabtii jees jeeska ahayd ee uu bixiyay Duqa Magaalada Baydhabo Mr. Watiin xilli su'aalo laga waydiinayay burburka wadooyinka iyo barakicinta shacabka, waxay ahayd mid dhaawacaysa sharafta xilka uu hayo iyo dareenka bulshada.

Shacabku waxay u baahanyihiin hoggaan u damqada, dhibaatooyinkooda dhegeysta, waxna ka qabta ma aha mid ku jees jeesa marka ay cabanayaan. Maanta dadka Baydhabo waxay u baahan yihiin hoggaan mas’uuliyad fahmaya, aan kibir iyo isla weyn ku jawaabin marka su’aal la waydiiyo, balse diyaar u ah inuu xal keeno, codkoodana maqli kara.

Haddii mas’uulkii shacabka u adeegayay uu noqday mid shacabka ku faana, wax laga waydiiyo arrimaha ba’an ee horyaalla shacabka, kana dhigo arrin lagu qoslo waxa laga maarmaan ah in la beddelo.

Baydhabo dad baa leh, mana ogola in jees jees lagu maamulo!

24/06/2025
Saaka weerarada Iraan waxay gaysteen musiibo wayn, dhimasho iyo dhaawac la qarin waayay ayaa jira, tiro yar ayay sheegee...
24/06/2025

Saaka weerarada Iraan waxay gaysteen musiibo wayn, dhimasho iyo dhaawac la qarin waayay ayaa jira, tiro yar ayay sheegeen wargaysyada waawayn laakiin wariyayaal madax banaan ayaa sheegay inay dhimashadu toban kor u dhaafayso. Burbur xoog leh ayaa jira sidoo kale, dad faro badan ayaa lugu la yahay oo la raadinayaa.

Isra1l waxay samayn jirtay inay wariyayaasha aad u xakamayso, si aysan xogta dhimashada iyo dhaawac si sax ah ugu tabin, hadda waxaa laga yaabaa inay talo gacanta ka baxday.

Isra1l waxay diraysaa digniino ku aadan inay Iraan wali soo waddo madaafiic xoog leh iyo weerarro.

Wixii kasoo kordha, mar walba nala socda.

War Dag Dag : Dowladda Federalka Somaliya 🇸🇴 oo cambaareeysay weerarka Iran 🇮🇷 ku qaaday Saldhigyada Mareykanka ee Qadar...
23/06/2025

War Dag Dag : Dowladda Federalka Somaliya 🇸🇴 oo cambaareeysay weerarka Iran 🇮🇷 ku qaaday Saldhigyada Mareykanka ee Qadar.

Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka ee 2060: "Ceel Biyo Lihi Ma Fogo"Qalinkii: Cayduruus Khadar Bile.Dalka Soomaaliya wuxuu m...
23/06/2025

Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka ee 2060: "Ceel Biyo Lihi Ma Fogo"
Qalinkii: Cayduruus Khadar Bile.

Dalka Soomaaliya wuxuu marayaa xilli muhiim ah oo uu ka fikirayo jihada uu qaadi doono tobannaan sano ee soo socota. Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka ee 2060 ayaa noqday mid si rasmi ah u muujinaya go’aanka iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhismaha mustaqbal horumar leh, waara, kuna saleysan mabaadi'da wadajir, cadaalad, iyo is-kaashi qaran.

Halku-dhigga hiigsigan, “Ceel Biyo Lihi Ma Fogo,” ayaa si qotodheer u sawiraya falsafad Soomaaliyeed oo ah in haddii rajo jirto, aan loo baahnayn in laga daalo ama laga quusto. Waa fariin nafis iyo dhiirrigelin u ah ummad sannado badan la daalaa-dhacaysay dhibaatooyin is-daba-joog ah, haddana heegan u ah in ay mustaqbalkooda gacmahooda ku dhistaan.

Waa Maxay Hiigsiga Qarni-jirka ee 2060?

Hiigsigan wuxuu dhidibada u aasayaa aragtida dheer ee Soomaaliya sannadka 2060, iyadoo lagu saleeyay xaaladda hadda jirta, wax ka barasho taariikheed, iyo xog ururin cilmiyeed oo ay sameeyeen xeel-dheerayaal iyo khubaro Soomaaliyeed. Wuxuu ka tarjumayaa qorshe qaran oo ay ka qaybqaateen qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ugu horreeyaan dhalinyarada, haweenka, ganacsatada, aqoonyahanka, iyo dowladdu.

Hiigsiga wuxuu si gaar ah diiradda u saaraya arrimo ay ka mid yihiin:

Kobcinta dhaqaalaha dalka iyadoo la xoojinayo wax-soo-saarka gudaha (beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, iyo tamarta dabiiciga ah).

Dib u habeynta nidaamka waxbarashada si loo helo jiil aqoon iyo xirfad leh.

Dhismaha hay’ado dowladeed oo hufan, daahfuran, kana jawaaba baahida shacabka.

Ka jawaabidda isbeddelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Xoojinta amniga, cadaaladda iyo midnimada dalka oo dhanka federaalka ku saleysan.

Maxay Tahay Fariinta Halkudhigga?

"Ceel Biyo Lihi Ma Fogo" ma aha oo kaliya halkudhig, waa fariin nafis iyo quwad dhaqaajin karta maskaxda iyo qalbiga ummadda. Waa in la ogaado in yoolka fog ee horumarka Soomaaliya uusan ahayn riyo mala-awaal ah, balse uu yahay yool dhab ah oo ay suurtagal tahay in la gaaro haddii la helo hogaamin daacad ah, bulsho mideysan, iyo qorshe cad.

Halkudhiggani wuxuu muujinayaa in horumarka Soomaaliya uu dhow yahay haddii la isu duubo, la daacad noqdo, lana qaado tallaabooyin miro dhal ah. Sida ceelka biyo leh ee uusan fogeyn marka lagu socdo xag-jihada saxda ah, ayaa horumarku uu dhowaan iman karaa haddii maanta laga bilaabo hawl-gal dhab ah oo waddaniyadeed.

Dhamaad:

Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka ee 2060 waa bilow cusub, mid rajo leh, oo u baahan dhiirigelin, ka-go’naansho, iyo midnimo qaran. Waxaa laga doonayaa dowladda, shacabka iyo dhammaan qaybaha bulshada in ay ka shaqeeyaan sidii yoolalka hiigsigan loo gaari lahaa.

Horumarku ma yimaado si sahlan, mana ahan mid laga filayo dibedda wuxuu ka bilowdaa gudaha, qof walbana door buu ku leeyahay.

“Ceel biyo lihi ma foga” waa xasuusin ah in guusha aan la sugayn, balse la dhisanayo. Soomaaliya horumarsan oo 2060 ah waa suuragal haddii maanta la dhaqaaqo.

وَلِلَّهِ جُنُودُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًۭا حَكِيمًا“Ciidammada samada iyo dhulka Ilaahay b...
23/06/2025

وَلِلَّهِ جُنُودُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًۭا حَكِيمًا
“Ciidammada samada iyo dhulka Ilaahay baa iska leh.” (Al-Fat-h: 7)

B-2 Spirit–diyaarad dagaal oo aan lagu ogaan karin raadaarka, qiimaheedu yahay $2 bilyan, kuna shaqeysa sir aad u sarreysa. Waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu casrisan ee ay maskaxda bini’aadamku farsamaysay.

Laakiin waxaa jira hal abuur dabiici ah oo weli aan laga gaarin–Gorgorka Peregrine 🦅
→ Xawaarihiisu markuu duulayo toos waa 240mph
→ Aragti ahaan wuxuu wax u arkaa 8 laab ka sii fiiqan bini’aadamka
→ Qaab-dhismeedkiisu waa mid si dabiici ah loogu habeeyey duullimaad sare oo degdeg ah.

Cilmiyeed ahaan: Gorgorku ma rabo shidaal, ma rabo dayactir, mana rabo barnaamijyo computer ah wuxuu ku shaqeeyaa qorshaha Rabbi ee dabiiciga ah.

➡️ Waa cashar cajiib ah: In kasta oo aadanuhu wax badan farsameeyo, hadana dabeecadda Ilaahay ay weli leedahay hal-abuur sare oo aan la koobi karin.

Duurjoogta vs Diyaaradaha dagaalka Yaa ka taliyaa cirka dhabta ah?
Jawaabtu waxay ku jirtaa ayadan
“وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًۭا حَكِيمًا" Eebbe waa Adkaade Xigmad Badan.

Address

Muqdishow

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hiigsi News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share