Mogadishu Light

Mogadishu Light Reporting, sharing, and celebrating Mogadishu's ongoing positive transformation. Our duty is to tell you the OTHER SIDE of this historic great city

30/10/2023

Bandhiga guulaystayaasha Soomaaliyeed ee shirwaynaha dhiirigelinta wax-soo-saarka dalka. .

Madasha bandhiga guulaystayaasha waxsoosaarka Soomaaliya waxaa lagu abaalmarin doonaa iskaashatooyinka iyo ganacsatada S...
30/10/2023

Madasha bandhiga guulaystayaasha waxsoosaarka Soomaaliya waxaa lagu abaalmarin doonaa iskaashatooyinka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee u istaagay in ay dalka wax uga soo saaraan bulshada Soomaaliyeed, taasi oo ay sii dheer tahay abaalmarinta dadweynaha ee tijaabi nasiibkaaga, oo guuleystayaasha lagu guddoonsiin doono abaalmarinno qaali ah. .

Waxsoosaarka dalka waxaa kaalinmug wayn dhankooda ka qaadan kara shirkadaha horumarinta waxsoosaarka, kuwaas oo kaalin w...
30/10/2023

Waxsoosaarka dalka waxaa kaalinmug wayn dhankooda ka qaadan kara shirkadaha horumarinta waxsoosaarka, kuwaas oo kaalin wayn kaga jira koboca dhaqaalaha dalka. .

Madasha Bandhiga waxsoosaarka dalka waxaa ku jira doodo lagu lafa gurayo kaalinta wax soosaarka ee dalkeena Soomaaliya, ...
30/10/2023

Madasha Bandhiga waxsoosaarka dalka waxaa ku jira doodo lagu lafa gurayo kaalinta wax soosaarka ee dalkeena Soomaaliya, doodahan oo ay ka qayb gelayaan madaxda dawlada iyo kuwa shirkadaha, iyagoo si qoto dheer u jeedin doona muhiimada uu wax soosaarku ku leeyahay horumarinta dalka.

Waxsoosaarka Soomaaliya waxa ugu waawayn dalagyada beeraha, dhaqashada xoolaha nool iyo ka ganacsiga Kalluumaysiga. Tani...
30/10/2023

Waxsoosaarka Soomaaliya waxa ugu waawayn dalagyada beeraha, dhaqashada xoolaha nool iyo ka ganacsiga Kalluumaysiga. Tani waxay ku tusinaysaa in Soomaaliya ay tahay dal sal uu u yahay buddhig khayraad ganacsi oo aad u balaadhan.

Mogadishu Light waxay aad ugu faraxsan tahay in ay maanta kasoo qayb gasho shir madaxeedka sare loogu qaadayo wax soo sa...
30/10/2023

Mogadishu Light waxay aad ugu faraxsan tahay in ay maanta kasoo qayb gasho shir madaxeedka sare loogu qaadayo wax soo saarka dalka. Shirkan ayaa la doonaya in wax looga qabto caqabadaha wax soo saarka ee Soomaaliya iyo in la caawiyo ganacsiyada iyo iskaashatooyinka ay soo wajahaan caqabadaha dhinaca wax soo saarka.

MogadishuLight

Berrito waxa magaalada Muqdisho lagu soo bandhigaya shirwaynaha Dhiirrigelinta Waxsoosaarka Dalka, oo lagu baadigoobayo ...
29/10/2023

Berrito waxa magaalada Muqdisho lagu soo bandhigaya shirwaynaha Dhiirrigelinta Waxsoosaarka Dalka, oo lagu baadigoobayo xalka iyo caqabada ragaadiyay waxsoosaarka Somaliya, laguna maamuusayo ganacsatada iyo iskashatooyinka Soomaliyeed ee waqtiga adag u istaagay waxsoosaarka dalka.

Suuqwaynaha Khaliifa waa midkamid ah suuqyada ganacsi ee ugu wayn Bakaaraha. Suuqan waxa uu caan ku yahay iibinta qalabk...
25/10/2023

Suuqwaynaha Khaliifa waa midkamid ah suuqyada ganacsi ee ugu wayn Bakaaraha. Suuqan waxa uu caan ku yahay iibinta qalabka guryaha (Furniture) sida Rooggaga, Sariiraha, Fadhiyada, Daahyada IWM. Waxaana halkan ku yaala ku dhowaad 120 dukaan oo waawayn kuwaas oo lagu iibiyo qalabka dhismaha. Waxaa xusid mudan in ay goobkasta oo lagu iibiyo qalabka guryaha ay ka shaqeeyaan ugu yaraan 4 qof oo dhalinyaro ah, taasi oo kor u qaadaysa shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

.

Suuqa wayn ee Bakaaraha waxaa ku yaala xarumaha ugu waawayn shirkadaha adeeg Bixiyayaasha. Xarumaha ugu waawayn ee shirk...
22/10/2023

Suuqa wayn ee Bakaaraha waxaa ku yaala xarumaha ugu waawayn shirkadaha adeeg Bixiyayaasha. Xarumaha ugu waawayn ee shirkadaha adeegyada bixiya ee kuyaala suuqan Bakaaraha waxaa kamid ah: Hormuud, Dahabshiil, Somtel, Salaam Bank iyo Amtel. Sidoo kale waxaa xarumo labaad ku leh shirkadaha IBS Bank, Premier Bank, My Bank iyo Bushra Bank.

Mogadishu Light.

20/10/2023

Bal daawo bilicda iyo quruxda dalkeena hooyo. Mogadishu Light.

Midkamid ah meelaha ugu caansan ee lagu caweeyo. Waa goob ay ku sheekaystaan shacab waynaha gobolka banaadir, taasi o ku...
16/10/2023

Midkamid ah meelaha ugu caansan ee lagu caweeyo. Waa goob ay ku sheekaystaan shacab waynaha gobolka banaadir, taasi o ku taala hawl-bawlaha waddada wayn ee xaafada Buule-xuubey. Daash Caffateria.

Mogadishu Light

Maqaaxida Salool waa midkamid ah meelaha ugu jewiga wanaagsan ee ku yaala Muqdisho. Xuseen waa kormeeraha Maqaaxida Salo...
14/10/2023

Maqaaxida Salool waa midkamid ah meelaha ugu jewiga wanaagsan ee ku yaala Muqdisho. Xuseen waa kormeeraha Maqaaxida Salool Café, waxa uu halkan ka shaqeeyaa waqti badan, si uu usoo saaro Café dhadhankiisu wanaagsan yahay iyo qancinta macaamiisha sida ugu wanaagsan.

Meelaha noocan ahi waxay si wayn ug qayb qaateen korodhka dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Lasii waddaag saaxiibadaa
Mogadishu Light

Maqaaxida Fijaan waxay ku taalaa agagaarka suuq waynaha Banaadir, waa goob si heer sare ah loogu diyaariyay nasasho iyo ...
12/10/2023

Maqaaxida Fijaan waxay ku taalaa agagaarka suuq waynaha Banaadir, waa goob si heer sare ah loogu diyaariyay nasasho iyo qaxwe. Waxaad ka helaysaa jewi qurux badan oo kusoo jiidanaya. Fijaan waa midkamid meelaha ugu wanaagsan dhinaca qaab dhismeedka, soo dhowaynta iyo shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Adigu weligaa ma tagtay maqaaxidan Fijaan?

Maqaaxida Rio waa midkamid ah meelaha ugu waawayn ee lagu qaxweeyo ee ku yaala magaalada Muqdisho. Waa deegaan balaadhan...
10/10/2023

Maqaaxida Rio waa midkamid ah meelaha ugu waawayn ee lagu qaxweeyo ee ku yaala magaalada Muqdisho. Waa deegaan balaadhan oo ay ku caweeyaan shacabka magaalada Muqdisho. Goobtani waxay caan ku tahay daawashada ciyaaraha iyo sawirada. Waxaa lagu daawadaa dhamaan ciyaaraha adduunka.

Waana goob ku caan baxday isu imaatinka dadwnaha maalmaha qaran ee ciidaha, xoriyada IWM, si ay dadku halkaas ugu soo qaatan kulamo jewi iyo kuwa wada sheekaysi.

Maqaaxida Summer goob balaadhan oo leh deegaan qurux badan oo cagaar ah. Summer waxay kor uqaaday shaqo abuurka dhalinya...
08/10/2023

Maqaaxida Summer goob balaadhan oo leh deegaan qurux badan oo cagaar ah. Summer waxay kor uqaaday shaqo abuurka dhalinyarada, maadaama dalkeenu ay boqolkiiba 70% ay yihiin dhalinyaro.

Dhan kale maqaaxidani ma aha oo keli ah goob qaxwe iyo jewi lagu qaato ee waa goob ay isugu yimaadaan dhamaanba dhalinyaradu si ay ugu galaan sawiro qurux badan oo ka turjumaya bilicda magaalada, maadaama oo ay leedahay meelo u diyaarsan in lagu gudbiyo fariima bilicda ee magaalada Muqdisho.

Bayden waxay kamid tahay maqaaxiyaha ugu caansan magaalada Muqdisho, waxayna degmooyinka magaalada Muqdisho ku leedahay ...
06/10/2023

Bayden waxay kamid tahay maqaaxiyaha ugu caansan magaalada Muqdisho, waxayna degmooyinka magaalada Muqdisho ku leedahay waaxyo kala duwan oo caan ku ah noocyada Qaxwayaasha kala duwan, qalab qurux badan iyo mudalabyo leh xirfad waxsoosaar oo heer sare ah. Bayden waxay ku jirtaa meelaha ugu wanaagsan ee dhinaca shaqo abuurka dhalinyarada, si gaar ah haweenka firfircoon.

Mogadishu Light waxay booqatay qaarkamid Maqaaxiyaha Qaxwaha (Cafés) ee ku yaala magaalada Muqdisho. Waxana maalmahan si...
05/10/2023

Mogadishu Light waxay booqatay qaarkamid Maqaaxiyaha Qaxwaha (Cafés) ee ku yaala magaalada Muqdisho. Waxana maalmahan si joogta ah ay idiinla waddaagi doontaa qaarkamid goobahaas ay booqatay MogadishuLight.

Muqdisho Light waxaa ka go'an inay markasta idiin soo gudbiso meelaha muhiimka ah ee idinka qarsoon.

Markasta Mogadishu Light waa saaxiibka dadwaynaha.

01/10/2023

Muqdishada cusub. Waddada Kaxda ilaa Jaamacada Hormuud, Somalia 🇸🇴.

Address

Muqdishow

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mogadishu Light posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share