Sirta Media

Sirta Media Kusoo dhawoow Shabakada Sirta Media.

Elon Musk ayaa sheegay in telefoonadu dabar go’i doonaan — Neuralink ayaa noqon doonta mustaqbalkaElon Musk ayaa mar kal...
27/10/2025

Elon Musk ayaa sheegay in telefoonadu dabar go’i doonaan — Neuralink ayaa noqon doonta mustaqbalka

Elon Musk ayaa mar kale kiciyey dood caalami ah kadib markii uu saadaaliyey in telefoonadu dhowaan meesha ka bixi doonaan, waxaana gabi ahaanba beddeli doona tignoolajiyada uu sameeyey ee **Neuralink**, taas oo isku xiraysa maskaxda iyo kombuyuutarka.

Sida uu sheegay Musk, mustaqbalka isgaarsiintu kuma xirnaan doonto shaashado ama qalab gacanta lagu hayo, balse dadka ayaa si toos ah iskula xiriiri doona iyagoo adeegsanaya fikirradooda, iyagoo maskaxdooda la gelinayo chip-ka Neuralink si ay internet-ka u galaan, fariimo u diraan, ama xitaa u xakameeyaan mashiinada iyagoo kaliya fakaraya.

Fikradda ka dambeysa Neuralink waa in la isku daro bani’aadamka iyo sirdoonka macmalka ah (AI), taasoo u oggolaanaysa maskaxda bini’aadamka inay si toos ah ula shaqeyso nidaamyada dijitaalka ah. Inkastoo tignoolajiyaddu weli tahay mid cusub oo tijaabooyin bini’aadan ah ay hadda bilaabmeen, Musk wuxuu sawirayaa adduun aan u baahnayn taleefanno, kiiboodhyo, ama kaaliye cod ah, maadaama xiriirka u dhexeeya maskaxda iyo mashiinka uu noqon doono mid degdeg ah oo toos ah.

Haddii ay dhabowdo, Neuralink waxay si weyn u beddeli kartaa habka isgaarsiinta, tignoolajiyada, iyo xitaa horumarka aadanaha, iyadoo meesha ka saaraysa xadka u dhexeeya noolaha iyo sirdoonka macmalka ah.

ASC WR CAASIMADDA MUQDISHO WAA AMAAN, MADAXDA QARANKUNA MEELAHA QAARKOOD EE CAASIMADA MUQDISHO KA MID AH MA TEGI KARAAN ...
27/10/2025

ASC WR CAASIMADDA MUQDISHO WAA AMAAN, MADAXDA QARANKUNA MEELAHA QAARKOOD EE CAASIMADA MUQDISHO KA MID AH MA TEGI KARAAN KUMA SHAQEYN KARAAN.

RW XAMSA CADBI BARE KUMA SHAQEYN KARO XARUNTII XISBIGA EE KU TAALA AGAGAARKA GAROONKA STADIYO MUQDISHO, XARUNTAAN AYAA DAYACTIR LAGU SAMEEYEY SANADO KA HOR.

DOWLADDA UU MW KA YAHAY XSHM IYO RW XAMSA CABDI BARE YEY KA CABSANAYAAN EE AYSAN CAASIMADU UGU SHAQEYN KARIN SI MADAX BANAAN.

MADAXDU MAALIN WALBA AYEY LACAGO BADAN KU BIXIYAAN XAFLADEEYAAN MUQDISHO WAA NABAD HADANA MADAXDU MA TEGI KARAAN XARUMIHII AY DHISTEEN EE AY SHACABKA U SHEEGEEN INEY KU SHAQEYN DOONAAN.

HORAA LOO YIRI NIN AAN RUNTA KA CABSAN IYO XAQIIQDA JIRTA WAA LOO YAABAA.

MW XSHM IYO RW XAMSA CABDI BARE WAXEY HUBAAN OG YIHIIN IN MUQDISHO AYSAN AMAAN AHEYN AYNA JIRAAN KOOXO DIIDAN IN MAGAALADU AMAAN NOQOTO, HADANA AFKAA LAGA LEEXINAYAA LAMANA XAQIIJIN KARO CULEYSKA AMNI DARO EE KA JIRA CAASIMADA MUQDISHO.

ASC WR BY SEERAAR CADDE

Muqdisho waa nabad waxaa la dhihi karaa marka Taliyaha Nabad Sugiddu uu d**o suuqa xoolaha isagoon cidna ka baqaynin.Xam...
27/10/2025

Muqdisho waa nabad waxaa la dhihi karaa marka Taliyaha Nabad Sugiddu uu d**o suuqa xoolaha isagoon cidna ka baqaynin.

Xamar qarax k**a dhaco marka aad leedahay sidii laguu qarxinayay ayaad mooddaa meel kasta oo aan qarax ka jirin inay nabad tahay,halbeega nabadda intaa waa ka wayn yahay,waa in sarkaalka,xildhibaanka iyo madaxda qaranka ay dagi karaan halka ay doonaan,haddase askariga caadiga ah meelaha qaar ma dagi karo kumana noolaan karo.

Laakiin adoo gaari aan xabaddu karin ku dhex wata wadada maka al mukaramma noogama sheekyn kartid nabad baa Muqdisho ka jirta.

WQ / Diinooz

Nuura Af Cas oo Wareejisay Gurigii ay h**e uga eryatay Suldaanka Guud ee Beesha Warsangeli.
22/10/2025

Nuura Af Cas oo Wareejisay Gurigii ay h**e uga eryatay Suldaanka Guud ee Beesha Warsangeli.

Dagaalkii Goojacade Cabdiraxmaan Cirro wuxuu si toos ah u Hagaayay Ciidanka Dhulbahante, Wuxuu siinayay Xogta Ciidanka S...
21/10/2025

Dagaalkii Goojacade Cabdiraxmaan Cirro wuxuu si toos ah u Hagaayay Ciidanka Dhulbahante, Wuxuu siinayay Xogta Ciidanka Somaliland.

Wuxuu sabab u ahaa Qabashada Saraakiil sar sare oo Somaliland ah iyo Dilka Ciidan fara badan.

Intaas wuxuu uga dan lahaa si Muuse Biixi loo yiraahdo wuu fashilmay oo asagana u gaadho hadafkiisi Siyaasadeed ee kursiga.

Wiil uu Adeer u yahay oo lagu magacaabo Mohamed Yousof Bakayle ayaaba kamid ahaa Isaaqii ku Sugnaa Jiida Dagaalka ee Goojacade asagoo la safan Dhulbahante, wuxuuna baraha Bulshada uga digan jiray Ciidanka Somaliland ee ku jabay Adeerkii Cirro Sababtiisa.

Siyaasi waligaa ha aaminin intaas dhan wuxuu u sameeyey kursi awgii, Odeygaan Madaxa Dhukuran inaba caadi ma‘ahan.

Wuxuu ahaa Ninkii ugu h**eeyey Qori Qaata lana dirira Dowlad Soomaaliyeed.Wuxuu ahaa Mucaaradkii ugu h**eyey ee hubeysan...
21/10/2025

Wuxuu ahaa Ninkii ugu h**eeyey Qori Qaata lana dirira Dowlad Soomaaliyeed.

Wuxuu ahaa Mucaaradkii ugu h**eyey ee hubeysan.

Wuxuu ahaa Soomaaligii ugu h**eeyey Itoobiya u tagay in Hub lasiyo si uu Dowlada Soomaaliya u dumiyo.

Wuxuu ahaa Shaqsigii ugu h**eeyey Amxaaro keena Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sabab u ahaa in Ciidanka Xabashida isku sawiraan Xeebta Muqdisho ayagoo jees jeesaya.

Wuxuu ahaa ninkii ku dhiiraday in Calanka Xabashida laga dhex taago Villa Somaliya.

Cimrigiisa oo dhan wuxuu u taagnaa xumaan, Duminta Dowlada iyo u shaqeynta Xabashida.

Ugu dambeyn asagoo nool ayuu alle ka dhigay Qolfoof kahor intii uusan si xun ugu dhiman Xero Qaxooti dayac badan ka muuqdo oo Yemen ku taala.

Waa Cabdullaahi Yuusuf Yeey.

Soomaaliya waa Mashruuc!!Ninkaan waa Xamze Cabdi Barre, Sawirka waa intii uusan Raisal Wasaaraha Noqon ee uu Jubaland jo...
19/10/2025

Soomaaliya waa Mashruuc!!

Ninkaan waa Xamze Cabdi Barre, Sawirka waa intii uusan Raisal Wasaaraha Noqon ee uu Jubaland joogay 4 Sano kahor.

Maantana Muuqaalkiisa siduu isku bedelay waad aragtaan, Waxaana ugu wacan Nolol uusan waligii arag buu galay, Cunto uusan Waligii Cunin buu cunay, Qol uusan waligii seexan buu seexday, Lacag uusan waligii aragna wuu helay.

Balse intii Xilka haayay Wax qabad iskadaaye Irbad xitaa dun magelin, kaliya asaga unbaa ku naaxay Hantida Dadweynaha.

Hassan Garguurte wuxuu ka qayb galay aaska Raila Odinga, isagoo muujiyay murugo iyo kalgacal weyn. Halkii uu salaadda Ji...
17/10/2025

Hassan Garguurte wuxuu ka qayb galay aaska Raila Odinga, isagoo muujiyay murugo iyo kalgacal weyn. Halkii uu salaadda Jimcaha ka tegi lahaa, wuxuu doortay inuu ka qayb galo aaska.

Hadii su‘aashaan lagu weydiyo maxaad ku jawaabi lahayd??Siyaasiga Dowlada heysta wuxuu u dagaalamaa in uu Kursigiisa dif...
17/10/2025

Hadii su‘aashaan lagu weydiyo maxaad ku jawaabi lahayd??

Siyaasiga Dowlada heysta wuxuu u dagaalamaa in uu Kursigiisa difaacdo, si uu usii qadeeyo.

Siyaasiga Mucaaradka ah wuxuu u dagaalamaa si uu kuriga u helo kadibna u Qadeeyo.

Kan wariyaha ah wuxuu u qeylinaa in uu Xaalada buun buuniyo si uu Views uga sameeyo kadibna u qadeeyo.

Kan Qaaqlaha ah ee Lacagta Qaata asagana qeyladaas ayuu ku Qadeeyaa.

Laakiin adiga maskiinka iska ah ee Intaas dhanba ahayn, Wax qado kusiyana jirin, Qeyladii kaa dhamaatay, xitaa cid ku og jirin, Xag allena dambi u galay, In wax lagu siyo ama ku heshid iskadaaye Internet ka lacagtaa ku shubato ayaa kuu goyso marna Hotspot ayaad isticmaashaa.

Maxaa faa‘ido ah aad maanta heysaa bal iisheeg??

16/10/2025

Garguurte illaah umada haka dulqaado dhibkiisa

Waxaan Arkaayay Fiqi Bidaar oo u Hanjabaya Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.Labadooda waxay kasoo kala jeeda...
15/10/2025

Waxaan Arkaayay Fiqi Bidaar oo u Hanjabaya Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Labadooda waxay kasoo kala jeedaan, Agoonyar Gaabane iyo Habar Aji.

Hadii Caawa ay Fiqi ku Ruqaansadaan, ma leeyahay Tol u babac dhigi kara labadaas Reerood ee Dagaalka aadka ugu xeel dheer??

15/10/2025

Sheekh Shariif 2 Sano kaliya intuu qabtay lama xisaabi karo, Xasan Garguurte na 10 sano kabadan Irbad xitaa dun magelin, wixii uu ba‘sheyna Xisaab maleh.

Address

Maka Al Mukarama
Muqdishow
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sirta Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sirta Media:

Share

Kusoo Dhawoow Shabakada Sirta Media.

Sirta Media waa warbaahin soo tabisa Arimaha ka Dahsoon Bulshada ee Daaha Dabadii.