
17/07/2025
SANADKA CUSUB EE SOOMAALIDA WAA DABSHIDKA 1116, WAA SANAD ARBACAAD, WUXUUNA KOWSADAY MAALIN ARBACO AH.
W/Q: Barre sheekh Cabdullaahi
MA KALA TAQAANAA KITAAB IYO KOLAY
Dadka Soomaalida qaar ka mid ah ayaa ah kuwo kolba meeshii la doono la isaga hoggaansado oo aan xitaa qiyaasi karin jihada loo wado, dadka noocaas ah waa kuwa loo yaqaanno dameeru dhaan raacday kana dhuntay, sida badanna waa kuwa sida aadka ah ugu liita dhaqanka ama fikradda ay ka haystaani yartahay.
Buugga af Soomaaliga fasalka 7aad ee dugsiga dhexe oo sanadkii 1983kii lagu daabacay madbacadda qaranka Xamar, waxaa casharkiisa koowaad lagu qoray gabay cinwaan looga dhigay ALMADAR. Gabayga oo uu tiriyay Xaaji Cabdi Cabdullaahi Muuse, waxa uu aad uga welwelsanaa cidda loogu hiran doono, oo musdambeedka u noqon doonta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed, marba haddii odayaashii iyo duqowdii waxgaradka ahayd sii dhammaanayaan.
Xaajigu isaga oo xifaalaynaya oo si kaftan, maad iyo dhegahadal ku jiraan wax ugu sheegaya dhallinyaradii waxbaratay ayuu labada tuduc oo gabaygiisa ugu horraysa ku yiri: “Duqaydii dhammaatee tolow Dirirka yaa eegi?” “Dabshidkii hadduu galo ayaa dhuxulihii daadin?”. waxa uu isweydiinayay hadii ay meesha ka baxeen raggii cilmifalagga iyo xilliyada astaamahooda yaqaanay, sida dhallinyaradu mustaqbalka u garan doonaan in sanadkii kowsaday oo dabshidkii la gaaray.
Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ah jiilka soo koraya ayaa sida badan lagu qaldaa waxa gaaladu u taqaanno sanadka cusub ama kirismas ama habbi niyuuyeerka oo laga soo billaabo bisha disembark 25keeda ee sanadka dhammaaday ilaa 1da jannaayo ee sanadka cusub, waxaana caado u ah in ay ku soo dhoweeyaan fisqi iyo fasaad isugu jira khamri iyo macsi.
Mar haddii ay kirashtanku ciiddooda xusayaan, inta Soomaalidu ka mid tahay ee u jidbaysan weynaynta sanadka cusub ma kala yaqaaniin kitaab iyo kolay?! Waa su’aal la yaab leh oo dadka qaarkii aysan garan karin nuxurka iyo dulucda hoose, hase ahaatee haddaannu dayaxa ka caddayno, kolaygu waa jiraabka ama shay maqaar ka samaysan dumarkeenna miyiguna u isticmaalaan sida boorsadoo kale kuna ritaan waxyaabaha ay ka midka yihiin mayraxda,gahnada,xaskusha,mudaca maxaarka, mindiisha iyo waxyaalo kale oo la mid ah. koleyga si aad ah ayaa loo xardhaa oo loo qurxiyaa marka la samaynayo, waxaa jira isagana maqaar la magdeeyay oo si aad ah loo xardhay oo kitaabka jaldi iyo gal looga dhigo.
Haddaba haddii aad wax ka fahamtay waxa kolaygu yahay, qaofka kolaygu kitaabka ula midka yahay waa ruux aqoonta diintu aad ugu yartahay, oo inta badan uun arka kolaygaa oo gabdhuhu garabka ku sitaan iyo kitaabka oo wadaadadu garabka ku sidaan hase yeeshee intaa wax dhaafsiisan oo fikrad ah ama kasmo ah oo uu kitaab u leeyahay aysan jirin.
Waxaa iyaguna aan wax badan ka duwanayn kuwa sanadka cusub ee miilaaddigu ula mid yahay sanadkooda cusub, islaamku wuxuu leeyahay ciido uu xuso ama maalmo uu weyneeyo oo sanadka ku jirta, haddiibana la xusayo sanad cusub sanadka islaamku wuxuu ka billowdaa bisha muxarram kowgeeda, midka Soomaaliduna wuxuu kowsadaa bisha d**o oo ku began muxaram ama July, bilaha Islaamka, kuwa soomaalida iyo kuwa miilaaddiga waxa ay u kala horreeyaan sidan:
D**o ( Seko ) Muxaram July
Maalmadoone Safar August
Bildhure-h**e (Mowliid) Rabiical-Uulaa September
Bildhure-dhexe Rabiical-Aakhir October
Bildhure-dambe Jamaadul-Uulaa November
Lifato Jamaadul-Aakhir December
Rajal-h**e Rajab January
Rajal-dhexe Shacbaan February
Rajal-dambe (Soon) Ramadaan March
Waabariis (Soonfur) Shiwaal April
Gasayar (Sidataal) Dul-Qacdah May
Sabuux (Carrafo) Dul-Xijah June
D**o waa bisha Kowaad ee soomaalida waxayna ku beegantahay bisha miilaadiga ee Julay oo ah bisha dabshidka ka dhaco gobolada qaar, sanadkan waa sanad arbaco 1116, wuxuuna kowsaday maalin arbaco oo ah 16ka bisha Luulyo 2025 ee miilaadiga, kuna beegan 20ka bisha Muxarram ee 1447 ee Hijriga. Gobolada qaar Dabshidka waxaa looga yaqaannaa neyruus oo ah ciidda sanadka cusub.
Sabbuux waa bisha uu ku dhammaado sanadka Soomaalida wuxuuna ku aaddan yahay bisha islaamka ee Dulxaj ama Bisha Juun ee miilaadiga, disembar oo ah bisha shintiriska miilaaddigu ku dhammaatana waxay ku abbaarantahay bisha soomaalida ee loo yaqaan lifato oo ah bisha lixaad, oo iyana sidoo kale ku began bisha islaamka ee jamaadul aakhir, sanadka soomaaliduna waa 365 maalmood waxaana kala bar u ah maalinta 183aad oo ku began 19ka jannaayo ee miilaadiga.
Mararka qaar Soomaalidu way ku kala geddisan tahay magacyada bilaha iyo kal tirsigooda, bilaha qaar waxay ku dhammaadaan 30, halka kuwo kalana ay ku dhammaadaan 31
Ciyaaraha lagu soo dhoweeyo sanad dhaqameedka Soomaaliyeed ee loo yaqaan ciidda NAYRUUS, waxaa ka mid ah ciyaarta DABSHIDKA oo qaar ka mid ah gobolada Soomaaliya laga cayaaro. Dabkaa waxaa la shidaa marka Salaadda Casir laga soo baxo, kaasoo qof kasta oo qaan gaar ah iyo wixii ka weyn ay ka boodaan dabkaasi saddex jeer, carruurtana inta gu’ ay jiraan.
Erayga NAYNUUS, waa eray Faarisi oo ka soo jeedda afka Bershiya ني) oo la macno ah cusub ((روز oo la macno ah maalin). Nayruuska iyo fantasiyihiisa waxaa laga sameeyaa dalal ay ka mid yihiin Afganistaan, Iiraan, Masar, Yaman, India Suuriya Ciraaq, Turkiya IWM
Gebagabadii kuwa sanadkooda oo maraya bishii toddobaad u haysta in sanad cusubi u curtay waxay la mid yihiin sida kuwa April fool’s day oo ah kuwa weli u haysta in sanadka miilaadigu kowsado 1da April, oo markii h**e sanadkoodu ka billaaban jiray. Reer galbeedka iyo kuwa la hal maalana markii ay doqonimadooda faraha badan dareemeen ayay sanadka u soo rareen 1da jannaayo, qof kasta oo Soomaali ahna waa in uusan noqon sida dabbaalladaas, waa in uu kala yaqaan ama kala sooci karo kitaab iyo kolay, waana in aysan isaga darmin sanadkiisa cusub iyo sanadka cusub ee dadyow kale leeyihiin.
Dhammaad.