23/09/2023
Waxaa markii labaad abid, wadno Doofaar lagu tallaalay ama loo galiyay qof nool oo bini'aadam ah, waaxda caafimaadka ee Jaamacadda Maryland, Mareykanka ayaa ku dhawaaqday Jimcihii. Qaliinkan waxaa sameeyay isla kooxdii h**ey ugu guuleysatay sanadkii 2022.
Lawrence Faucette, oo ah 58 jir, waa bukaanka wadnihiisa loogu beddelay midka Doofaarka, waxaa la sheegay in kiisii caadiga ahaa uu howlgab noqday. Kooxda caafimaadkiisa gacanta ku heysa ayaa tibaaxday, inuu hadda si wanaagsan u shaqeynayo wadniisa oo aysan jirin wax qalab caawiye ah oo ku xiran.
Wadanaha Doofaarka ayaa la sheegaa inuu u qaab eeg yahay midka biniโaadamka, sidoo kalena unugyada iyo xubanah la xiriirana ay wax badan wadaagaan. Bishii Janaayo ee sanadkii h**e, ayaa markii ugu horreysay David Bennett, lagu sameeyay qaliinkan oo kale balse laba bil kadib wuu dhintay.