Radiowadaag

Radiowadaag Wadaaag waa wehel kaada koowaad ku xernoow idaaacada idacada wadaag waa warbaahin dhax dhaxaad ah oo u adeegta shacabka soomaaliyeed wadaag96.5

wadaag waa wehelkaaga

24/07/2025

Madaxweyne Laftagareen Oo guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed kaas oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo

24/07/2025

Jubaland Oo ku eedaysay Dowlada Somali in duulaan ay ka wadaan deegaanada Jubaland.

24/07/2025

Golaha Wasiirrada Oo ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Indonesia,

24/07/2025

Wasiir Fiqi, iyo dhiggiisa Türkiga, Mudane Yaşar Güler Oo Istanbul ku kala saxiixday heshiiska wax-ka-beddelka habraaca fulinta ee kaalmada maaliyadeed ee 17-kii Luulyo 2019 dhexmaray labada dal.

23/07/2025

Puntlaand oo sheegtay in markabka Sea World dhamaan agabka saaran uu yahay mid ciidan iyada oo wax xariir ay la soo sameeyeen Dowlda Federalka Soomaaliya.

23/07/2025

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo xafiiskiisa kula kulmay Madaxa Unicef ahna Madaxa barnaamijyada Naser Sayed.

23/07/2025

Guddoomiye Muungaab Oo Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Kusimaha Safiirka dalka Libiya u fadhiya Soomaliya Mudane Nasar Maxamed Alsanuusi oo booqasho sharafeed ugu yimid

23/07/2025

Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horreysay war saxaafadeed ka soo saartay Markabka hubka siday ee SEA World oo maalmo ka hor ay gacanta ku dhigeen Ciidamadda Badda Puntland.

23/07/2025

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka JFS oo Daah-furay Bandhigga Warbixinta Sannadlaha ee Horumarka Maaliyadda Dowladda ee 2024.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay markabka hubka sida ee Puntland qabatay.WAR-SAXAAFADEEDDowladda Federaalka...
23/07/2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay markabka hubka sida ee Puntland qabatay.

WAR-SAXAAFADEED

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD ee wata calanka Jasiiradda Comoros

Muqdisho, 23 July 2025: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD. Markabku wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM. Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, Shixnaddu waxay ku socotay sifo sharci ah oo si buuxda u waafaqsan shuruucda Dalka iyo kuwa caalamiga ah. Marka laga soo tago qalabka ciidan, markabku waxuu sidoo kale siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Qodobka 54aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah ugu xilsaarayaa difaaca amniga qaranka bad iyo barriba. Afduubka markabkan oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, wuxuu si toos ah ugu xad-gudbayaa Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacayaa gobonnimada, midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.

Sida ku cad Xeerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS) ee 1982, Falkasta oo lagu afduubto markab ganacsi ama mid si sharci ah oggolaansho uga haysta Dowlad, waxay hoos imaanayaan qeexitaanka burcad-badeednimo, waana dembi ciqaabeed, si waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

22/07/2025

Wasiir Cali Yuusuf Cali-Xoosh Oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka SSC Khaatumo.

22/07/2025

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐋𝐚 𝐐𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚.

Address

Muqdishow

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radiowadaag posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Radiowadaag:

Share