Sooyaal TV & Radio

Sooyaal TV & Radio Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Sooyaal TV & Radio, TV Channel, Muqdishow.

Sooyaal Tv & Radio waa warbaahin madax bannaan oo ku hadasha codka Bulshada, uguna adeegta bulshada tebinta warar ku saleysan xaqiiqada, Kala soco warar warbixino & barnamijyo sugan dhamaan dunida dacaladeda.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sooma...
20/07/2025

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta si hab maamuus sare leh ugu sagootiyay Wasiirka Gaashaandhigga ee Jasiiradda Komoros, Mudane Yousoufa Mohamed Ali, Taliyaha Ciidanka Difaaca Rwanda, General Mubarakh Muganga iyo wakiillo kala duwan oo ka socday dalalka xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), kuwaas oo ka qeybgalay Kalfadhiga 34-aad ee Hay’adaha Siyaasadda ee EASF, oo muddo shan maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan wufuudda iyo ka-qaybgalayaasha shirka, kuwaas oo door muuqda ka qaatay wada-hadalladii muhiimka ahaa ee looga gol lahaa xoojinta iskaashiga Ciidanka Heeganka, adkeynta amniga gobolka, iyo kobcinta wadajirka siyaasadeed iyo ciidan ee dalalka ku midoobay EASF.
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa yiri “ Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno iskaashiga iyo horumarka aan wadaagno ee amniga si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo barwaaqada goobolka Bariga Afrika”.

20/07/2025

Guddoomiye Muungaab "300 oo shaqaale ah ayaan u wareejinay Waaxda Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Dowladda Hoose ee Xamar."

20/07/2025

DegDeg: Dagaal beeleed culus oo ka dhacey deegaanka Meersiir ,,,

Abdi Rahman Gurey

Sooyaal TV & Radio

20/07/2025

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa maxaabiis tiro badan oo xalay ka baxsaday saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

20/07/2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya , ayaa si weyn soo dhaweysay heshiis xabbad-joojin ah oo dhexmaray dowladda DRC Congo iyo kooxda hubeysan ee M23, heshiiskaasi ayaana xal u noqonaya colaad muddo dheer dalkaasi ka jirtay..

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in tillaabada heshiiska xabbad-joojinta ay qeyb ka qaadaneyso nabadda iyo xasilloonida ka gobollada bari ee DRC Congo.

“Soomaaliya waxay si qoto dheer uga mahadcelinaysaa kaalinta dhexdhexaadinta ee ay qaadatay Dowladda walaalaha ah ee Qatar, taasoo gacan weyn ka geysatay fududeynta wadahadallada lagu qabtay magaalada Doha, kuna dhiirrigelisay labada dhinac in ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaa ku boorrisay dhinacyada in ay ka dhabeeyaan heshiiska xabbad joojinta ah, si loo helo nabad waarta, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaad kale , lagana shaqeeyo xasillooni gobolka.

19/07/2025

Wasiiru Dowlaha Wasaaraadda Ganacsiga XFS Nuur Abuukar "Ganacsatada Soomaaliyeed waa inay ka qeyb qaataan gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen."

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabila...
19/07/2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane, Abdalla Cuteybi, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa la wadaagay Danjiraha, guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya ee dhinacyada horumarka dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxaana uu uga mahadceliyay doorka Ururka Jaamacadda Carabta wadashaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Danjire Cabdalla Cuteybi, ayaa sheegay inay dalkeena imaan doonaan wafdi sare oo ka socda Jaamacadda Carabta, kuwaas oo dalka ka hirgelin doona mashaariic, isaga oo xusay doorka wanaagsan ee Soomaaliya ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.

Sooyaal TV & Radio

19/07/2025

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Muqdisho ka daahfuray Shirka 34-aad ee Hay'adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF).

Ciidamada Puntland ayaa sooban dhigay Markab Siday Hubka Nuucyadiisa Kala duwan.
19/07/2025

Ciidamada Puntland ayaa sooban dhigay Markab Siday Hubka Nuucyadiisa Kala duwan.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS , Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad  uu xilka kula wareegay T...
18/07/2025

Wasiirka Gaashaandhigga XFS , Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub (EUTM – Somalia), General Marco Manzone.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa taliyaha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo igmaday, isagoo u rajeeyay guul iyo inuu sii xoojiyo iskaashiga dhanka tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Taliyaha xilka ka degay, General Giusseppe Zizzari, dadaalkii iyo hoggaamintii wanaagsanayd ee uu ku bixiyay muddadii uu xilka hayay, isagoo door muuqda ka qaatay horumarinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Shirka 34-aad ee Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF) ayaa galay maantii sedexaad iyada oo uu furma...
17/07/2025

Shirka 34-aad ee Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF) ayaa galay maantii sedexaad iyada oo uu furmay Kalfadhiga Heerka Sare ee Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca EASF.
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Mudane Cumar Cali Cabdi, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana guddoominayay Sarreeye Guuto Madey Nurey Sheikh, Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka. Taliyeyaasha sare ee ciidamada waddamada xubnaha ka ah EASF ayaa isugu yimid si ay uga wadahadlaan iskaashiga difaaca ee gobolka, diyaargarowga hawlgallad, iyo qorsheynta istiraatiijiyadeed.
Agaasimaha EASF, S/Guuto Paul Kahuria Njema, ayaa soo bandhigay Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee EASF ee 2026–2030. Natiijooyinka ka soo baxa kulanka Taliyeyaasha ayaa saldhig u noqon doona doodaha Shirka Golaha Wasiirrada ee dhici doona dhammaadka toddobaadkan.
Wafdiyada ka socda waddamada xubnaha ah ayaa bogaadiyay martigelinta Soomaaliya ee shirkan, iyagoo ku tilmaamay astaan mideyneysa gobolka iyo muujin qurxoon oo ka tarjumeysa xasilloonida sii kordheysa ee dalka.

17/07/2025

Taliye Shub"Intaan noolahay ee naftu igu jirto waa ballan Askarigii ama Qofkii Qori gata waa la dilaa,Bastooladdaa u yar waa in qofka loo dilo haddii uu xado"

Abdi Rahman Gurey

Sooyaal TV & Radio

Address

Muqdishow

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sooyaal TV & Radio posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sooyaal TV & Radio:

Share

Category