
15/05/2025
"Anagoo ah Dhalinta Media – Ahna dhalinyaro – waxaan si sharaf leh ugu dabaal degaynaa Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed!"
15-ka May waa maalin aan xusno doorkii geesinimo ee dhalinyaradii SYL, isla markaana aan xoojino himilada iyo hal-abuurka dhalinyarada maanta.
Dhalinyarada maanta waa hoggaamiyeyaasha berri. Waxaan aaminsanahay in maskaxda hal-abuurka leh, midnimada iyo dadaalka dhalinyarada Soomaaliyeed ay iftiiminayaan mustaqbalka dalka.