
02/07/2025
Taladan hadii aad ila qaadato dadaal badana aad geliso waxaan hubaa mudo sanad gudaheed ah inaad ku noqon karto qof dhaqaale ahaan isku kalsoon.
Taladan waxaa weeye Inaad noqoto qof sameeya muuqaalada waliba hadii aad tahay qof aan shaqo badan heyn oo firaaqadiisu badanatahay waxaan hubaa inaad waxbadan kasoo saari karto.
Celceliska mushaharka lasiiyo shaqaalaha dalkeena ka shaqeeya wuxuu u dhaxeeyaa 300 ilaa 500 oo doolar sida caadiga ah hadii aad heli karto 500,000 oo views ilaa 1,000,000 bishii intaas waad kasoo saaran kartaa waliba ku darso markasta oo aad waqti sii geliso waxaa kor u kacaya dadka ku daawanaya iyo dadka kugu soo biiraya.
Qayaastii waxaad u baahantahay si aad ugu madaxbanaanaato inaad hesho 50,000 oo subscribers ah iyo ilaa 200,000 oo views ah bishii.
Marka sideen u noqon karaa Content Creator.
Sameynta muuqaaladu waxaa la yidhaahdaa “Duub marka h**e kadib ayaad qurqurxineysaa, kaliya muuqaalka ma ahanee xitaa adiga hadhoow quruxbadnaanaya, uma baahnid kaamarad qatar ah oo qaali ah, xitaa uma baahnid computer marka h**e kaliya muuqaalo xiiso leh iyo dadaal badan.
Waxaan idinla wadaagayaa 5 qodob oo aan isleeyahay way kaa caawin karaa:
1. Dooro wax aad xiiseynayso inaad ka hadasho oo aanad ka caajiseyn, qofba wax ayuu xiiseeyaa, sida inaad ciyaaraha falanqeyso ama inaad ka hadasho Makeup-ka iyo qurxinta ama siyaasada inaad falanqeyso ama wax uun xiiso leh oo aad jeceshahay.
2. Sameyso Hadaf iyo qorshe fudud oo aad isku dhiirigeliso adigana aad masuuliyad iskaga saarto waxqabadkaaga. qorshahaagu wuxuu noqon karaa waxaan doonayaa bishaan inaan helo 100 subscriber oo cusub iyo inaan soo geliyo 5 muuqaal.
3. Dooro platforms aad ka heli karto suuq fiican kuwaas oo aad hadhowna u furan karto xayaysiiska waxaan idinkula talinayaa A. Tiktok oo dhaqso caan kaa dhigi kara iyo B. Faceboo iyo C. Youtube.
4. Joogteey oo ha quusan, waxyaabaha kaa caawin kara joogteynta inaad barato waxaa kamid ah inaad kasii hordhacdo wax soogelintaada sida inaad markasta heysato muuqaalo diyaarsan oo aad schedule u dirsan karto.
5. Falcelinta dadka la soco oo iska hagaaji wixii kaa xun, maalinba maalinta ka dambeysa inyar oo horumar ah sameey.
Si aad lacag u hesho raadso shirkado aad wax u xayaysiiso, sidoo kale waxaad furataa Google adsense iyo Facebook monetization
Waxaad u baahantahay hawshaa inaad u sabarto sidoo kalana aad doorato inaad ka hadasho wax wanaagsan oo bulshadana wax u taraya adigana aad lacag ka heli karto.
Xigaasho Cabdiraxmaan Caseer