Daldhowr

Daldhowr Daldhowr news waa website madax banaan oo aad ka heli karto wararkii ugu dambeeyay ee soomaalida iyo Journalist

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UGU HAMBALYEEYEY SHACABKA SOOMAALIYEED MAALINTA CALANKAMuqdisho, Oktoobar 12, 2024 ; Madaxwey...
12/10/2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UGU HAMBALYEEYEY SHACABKA SOOMAALIYEED MAALINTA CALANKA

Muqdisho, Oktoobar 12, 2024 ; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku asteysan Maalinta Calanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 12-ka Oktoobar ay tahay maalin xasuus iyo sharaf leh oo ku asteysan midnimada, qaranimada iyo halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed u soo mareen xorriyadda.

โ€œCalanka Soomaaliyeed oo 70 jirsaday, waa astaan qaran, midnimo iyo madax-bannaani, waxaana ku faaneynaa taariikhda aan wadaagno ee halganka iyo dadaalka loo galay in la gaaro xornimada iyo gobanimada Soomaaliyeed.โ€

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan midnimadooda, wadajirkooda iyo nabadda, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xor ka ah argagixisada, barwaaqana ay ku noolyihiin dadkeedu.

DHAMMAAD
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

Musiibo xoogan ayaa ka dhacday
02/08/2024

Musiibo xoogan ayaa ka dhacday

02/08/2024

Allow umadaada badbaadi๐Ÿคฒ

Allaah Ha u Naxariisto Shiikh Ismaaciil Haniya Hogaamiyihi siyaasadda ee Xamaas waa geeri  taabanaysa dhammaan inta xorn...
31/07/2024

Allaah Ha u Naxariisto Shiikh Ismaaciil Haniya Hogaamiyihi siyaasadda ee Xamaas waa geeri taabanaysa dhammaan inta xornima iyo xaqdoonka ah.

ู…ูู†ูŽ ุงู„ู…ูุคู’ู…ูู†ููŠู†ูŽ ุฑูุฌูŽุงู„ูŒ ุตูŽุฏูŽู‚ููˆุง ู…ูŽุง ุนูŽุงู‡ูŽุฏููˆุง ุงู„ู„ู‡ูŽ ุนูŽู„ูŽูŠู’ู‡ู ููŽู…ูู†ู’ู‡ูู…ู’ ู…ูŽู†ู’ ู‚ูŽุถูŽู‰ ู†ูŽุญู’ุจูŽู‡ู ูˆูŽู…ูู†ู’ู‡ูู…ู’ ู…ูŽู†ู’ ูŠูŽู†ู’ุชูŽุธูุฑู ูˆูŽู…ูŽุง ุจูŽุฏูŽู‘ู„ููˆุง ุชูŽุจู’ุฏููŠู„ู‹ุง {ุงู„ุฃุญุฒุงุจ:23}

Abey Axmed xog badan ayuu bixiyay 1- Wuxuu qiray in damaciisa dhul boobka ah uu usoo bandhigay Dawladda Soomaaliya kana ...
04/07/2024

Abey Axmed xog badan ayuu bixiyay

1- Wuxuu qiray in damaciisa dhul boobka ah uu usoo bandhigay Dawladda Soomaaliya kana diiday ka dibna uu aaday Soomalailand taas oo muujinaysa in MOU-ga beenta ah oo fahamsanaa in uusan xalaal ahayn dawladdii xaqaas lahaydna ka diiday.

2- Wuxuu sheegay oo uu muujiyay in fahamsanyahay in aysan meel maraynin Riyadiisu Dawladda Soomaliya haddii aanay aqbalin taas oo ah wax aan dhicikarin.

3- ka dib waji gabaxa uu kala kulmay damaciisa kala goynta Soomaaliya wuxuu afgobaadsi ahaan u muujiyay in uusan duullaan ku ahayn Midnimada Soomaaliya si uu indhaha caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed isaga leexiyo.

4- Wuxuu mujiyay sida ay u dhibtay in Dawladda Soomaaliya iga adkaatay faagaarayaasha Caalamka isaga oo ku calaacalay annaga nala hadla hanna dacwayninee.

5- Abeey wuxuu kaloo sheegay in dhamaan Dawladaha Dariska la ah ay diideen damaciisa taas oo muujinysa heerka goโ€™doonka ah ee uu ku jiro

Fahamka saxda ah ee hadalkiisu wuxuu quseeyay.

1- Maamulka Muuse biixi oo uu cadeeyay in aanay jirin beentii ay Shacabka Waqooyi usheegeen ee ahayd waa nala aqoonsanayaa.

2- wuxuu markale beeniyay dicaayaddii Muuse ee ahayd Soomaliya iyadaa rabta in ay heshiiska saxiixdo isaga oo caddeeyay Abeey in Dawladda Soomaaliya diiday codsigiisa ka dibna uu ku xumayn ahaa MOU-ga.

3- Micnaha kale ee hadalkiisu wuxuu ahaa in uu ku qanacsanyahay in uusan xoog ku qaadankarin Muusana siinkarin Dhul iyo bad Soomaaliyeed.

Summad weeye CalankuKala sooca dunideeSaami kaan u leenahay Suuraddiisa kii neceb Sinji lama wadaagnooSoomaali ma ahane ...
01/07/2024

Summad weeye Calanku
Kala sooca dunidee
Saami kaan u leenahay
Suuraddiisa kii neceb
Sinji lama wadaagnoo
Soomaali ma ahane
Ha sarreeyo weligiis.

Abwaan Guure

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allah...
28/06/2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee guddoomiyihii h**e ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku geeriyooday magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Prof Jawaari uu ahaa shaqsi wakhti badan usoo huray dowladnimada Soomaaliyeed muddo aad u badanna Qaranka usoo adeegay.

โ€œInnaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun illaahey ha u naxariisto Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu ahaa oday iyo siyaasi cimrigiisa inta ugu badan kusoo qaatay u adeegida Qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena kaalin weyn ka qaatay dhisida dowladnimada Soomaaliyaโ€ ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu Shacabka Soomaaliyeed ku dhex lahaa taariikh aan la iloobi doonin.

โ€œAllaha u naxariistee Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa u ahaa siyaasi odaytinimadiisa Iyo aqoontiisaba inta badan cimrigiisa ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, waxa uu ummada Soomaaliyeed dhexdeeda ku lahaa taariikh mug weyn, Naftiisa iyo waqtigiisa inta ugu badan waxa uu u huray dib u dhiska dalka, waxa uu gacan weyn ka gaystay dib u qorida dastuurka dalkaโ€ ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Alle uga baryay in uu janatul Fardowsa ka waraabiyo,dhammaan ummadda Soomaaliyeedna uu samir Iyo iimaan ka siiyo.

Rabbi ha u naxariistee Gud. Professor Jawaari ayaa goordhoweyd geeriyooday.
28/06/2024

Rabbi ha u naxariistee Gud. Professor Jawaari ayaa goordhoweyd geeriyooday.

18/06/2024

Waxaa fahmi weysana halka soomaali ka hagaagi la dahay ๐Ÿ˜ข

15/06/2024

Ciid Wanaagsan ๐ŸŒ›๐ŸŒ™

Wasiirka Xajka Sacuudiga: Tirada Xujeyda xiligan xaadirka ah ayaa gaartay 1,833,164 xujey iyo baahida.
15/06/2024

Wasiirka Xajka Sacuudiga: Tirada Xujeyda xiligan xaadirka ah ayaa gaartay 1,833,164 xujey iyo baahida.

11/06/2024

Waxa joogna aduun ee ka dhamatay xigmad oo dhan waa fanan hadan dhagool ana hadli karin

Address

MAKA AL MUKARAMA
Muqdishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daldhowr posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Daldhowr:

Share

Daldhowr

Daldhowr news waa website madax banaan oo aad ka heli karto wararkii ugu dambeeyay ee soomaalida iyo caalamka . waxaad kale oo aad ka heli kartaa wararkii ugu dambeeyay ee ciyaaraha kuwa soomaaliya iyo kuwa caalamaka ,waxaa intaa dheer oo aad ka heli kartaa sugaanta iyo dhaqanka ,maqaalo ku xiisa galiya iyo ganacsiga .