Qalimoow Media

Qalimoow Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Qalimoow Media, Media/News Company, Qalimow.

Koonfurgalbeed oo bilowday Doorashada maamul kaasi ayaa shaaciyay Jadwalka soo xulista Xildhibaanada iyo qabashada Doora...
26/03/2026

Koonfurgalbeed oo bilowday Doorashada maamul kaasi ayaa shaaciyay Jadwalka soo xulista Xildhibaanada iyo qabashada Doorashada Gudoonka Baarlamaanka KGS.

  Xildhibaan Odowaa Xoghayihii Xisbiga UPD ee JSP oo is casilay sidoo kalena weerar ku qaaday Madaxweynaha Dowladda Fede...
25/03/2026

Xildhibaan Odowaa Xoghayihii Xisbiga UPD ee JSP oo is casilay sidoo kalena weerar ku qaaday Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya

WAR-SAXAAFADEED:

Is-Casilaadda Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)

Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 25 March 2026 aan si rasmi ah isaga casilay xilka Xoghayaha Guud iyo waliba xubinnimadii xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Iscasilaadan waxaa sabab u ah kala aragti duwanaansho qotodheer oo in muddo ah igala dhaxeysay Guddoomiyaha Xisbiga JSP, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamud. Kala ra’ayi duwanaantaasi waxa ay salka ku haysaa qodobada soo socda:

1. In madaxweynuhu talada dalka iyo tan xisbiga ka dhigay mid isaga ka billaabata kuna dhammaata, isaga oo diiday inuu tixgeliyo ra’yiga ka duwan midkiisa isla markaana uu la tashado kooxdiisa siyaasadeed, guud ahaanna diiday talada dhammaan hay’adaha dowladda

2. ⁠Wax-ka-beddelka dastuurka dalka: waxaan isku dayay inaan madaxweynaha ka qabto hannaanka loo maray wax-ka-beddelka dastuurka oo ahaa mid kala fogeynayay ummadda Soomaaliyeed iyo in la saxo qaar ka mid ah qodobbada taabanaya midnimada, wadajirka iyo mabaadi’ida federaaliga ah ee uu dastuurku ku qotomo.

3. ⁠Hannaanka doorashada: waxaan madaxweynaha ku kala ra’ayi duwanaannay nidaamka doorashooyinka dalka. Madaxweynuhu wuxuu ku adkeystay inuu sameeyo nidaam doorasho oo uu natiijadiisa isagu xakameyn karo, aniguna waxaan qabaa in doorashadu noqoto mid ay heshiis ku yihiin saamileyda siyaaasadda dalka, maadaama uu dalkeennu yahay mid u nugul colaad siyaasadeed iyo burbur bulsho oo soo noqnoqda.

4. Burburinta dowlad goboleedyada: waxaan aad uga diiday Madaxweyne Xasan Sheekh siyaasadiisa burburinta dowlad-goboleedyada dalka, maxaa yeelay dowlad-goboleedyadu waa astaanta iyo heerka labaad ee aasaaska u ah dhismaha nidaamka federaalka dalka iyo weliba wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

5. Xannibaadda xildhibaannada: waxaan aad uga dhiidhiyey xannibaadda soo noqnoqotay ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadda u socdaalaya. Si gaar ah, waxaan kasoo horjeestay in xildhibaan qaran oo xasaanad leh laga hor istaago safar, arrintaas oo ah gaboodfal sharci oo aan qiil loo heli karin, ku xadgudub madaxbannaanida baarlamaanka dalka iyo karaamada bani’aadamka ee Alle ilaaliyey.

Qodobbadaas, iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi karin oo aan ku kala aragti duwanaanay, ayaan maanta go’aansaday inaan siyaasadda ku kala baxno aniga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan siyaasad wadaag soo aheyn muddo dheer.

Hadaba, maanta wixii ka dambeeya, waxaan abbaari doonaa jiho siyaadadeed oo ka duwan tii aan muddada dheer ku soo jiray, aniga oo guntiga u xiran doona inaan bahwadaag noqonno cid kasta oo aan ka midoobi karno mabaadi’ida Soomaalinnimada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxaan u rajeynayaa mustaqbal ummadeed oo ifaya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa shir jaraa'id qabtay goor dhaw, wuxuu si cad ugu dhawaaqay in...
18/03/2026

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa shir jaraa'id qabtay goor dhaw, wuxuu si cad ugu dhawaaqay in ay xariirkii ay lalahaayeen dawladda Faderaalka ay jareen oo meesha ka saareen, ka dib markii ay DFS u dhaqantay si ka baxsan xadka dawladnimada, burburinta Nidaamka Faderaalka ee dalka ku dhisan yahay, halis amni-na ay buurtay.

Wuxuu sheegay in ay dawladda Faderaalka ka shaqeynayso kala goynta dalka, Midnimadu aysan qiimo ugu fadhinin, madaxweyne Xasan Sheikhna diiday talooyinka waxgalka ah & in daruufaha adag wadajir looga gudbo.

Madaxweynaha KG ayaa ku adkeystay in ay xaq u leeyihiin madax banaanida deegaankooda.

hubeynta maleeshiyaad & abaabulka wax ugu yeeray kooxo aan katirsaneyn nidaamka dawliga ah ayuu ku eedeeyey dawladda Faderaalka.

Talaabada ay qaadena ay tahay xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin oo aysan gorgortan ka galeynin.

Waa sidee xaaladda Konfur Galbeed Xagee ku sugan yahay Madaxweyne Laftagareen.Xaalada Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed a...
16/03/2026

Waa sidee xaaladda Konfur Galbeed Xagee ku sugan yahay Madaxweyne Laftagareen.

Xaalada Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed ayaa Dagan manta waxana Magaalada Baydhabo ka socda kulamo Wasaradda Arimaha Gudaha Konfur Galbeed ay la yeelanayso Odayaasha Dhaqanka Konfur Galbeed kuwaas oo laga doonaayo in ay so gudbiyaan Xildhibanada Cusub ee Konfur Galbeed.

Wasaraadda Amniga Gudaha Konfur Galbeed ayaa Ciidamadii ugu badnaa ee konfur Galbeed Kuwaas oo aad u hubaysan ku soo daadisay Gudaha Magaalada Baydhabo iyo Dafaheeda Sido kale waxay Wasaradda mamnuucday in Saraakil ay ka dhofaan Garoonka Diyaadaha .

Dhanka kale Madaxweyne Cabdicaziz Laftagareen ayaa habenkii labaad Caawa ku hoyanaaya Magaalada Adis-Ababa halkaas oo uu kulamo isdabajoog ah kula leeyahay Dowladda Ethiopia gaar ahaan Saraakiil Ciidan, waxana wafdi horudhac u ahaa Madaxweynaha ay manta gaareen Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen ayaa bari subaxa h**e ka soo baxaya Adis-Ababa Asaga oo soo maraya Godeey ka dibna Baydhabo uga sii gudbaya.

Magaalada Baydhabo waxaa caaawa aad loga dareemayaa Abaabulka soo dhaweynta Madaxweynaha ee bari suubax ayadoo Gudoomiyaha Dagmada Baydhabo uu Fariimo u kala diray Dhamaan Maamulada Xafadaha si ay uga qayb qaataan so dhaweynta Madaxweynaha.

Puntland oo cambaaraysay xariga Booliska Soomaliya u geysteen La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Bulshada Mud...
04/03/2026

Puntland oo cambaaraysay xariga Booliska Soomaliya u geysteen La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Bulshada Mudane Axmed Cabdi Hurre,

Warsaxaafadeedka oo dhammeystiran👇

Garoowe : 04 March 2026: Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay siweyn u cambaareynaysaa weerarka saaka (03:00am) Dowladda Federaalka Soomaaliya ku qaaday, Xildhibaannada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Hotel Airport (Muqdisho), iyo afduubka loo geystay La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Bulshada Mudane Axmed Cabdi Hurre.

Falkan waa mid ugub ku ah Dowladdnimada, iyadoo aan sifo sharci ah loo soo marin oo uusan jirin wax danbi ah oo ay geysteen waxaa hotel AirPort loogu daatay Xildhibaannada iyo Senatarada Puntland, waxaa halkaasi ka dhacay jirdil iyo Afduub.

Waxkasta oo ka dhasha falkaasi foosha xun waxaa masuuliyadeeda qaadaysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ayaa asna war ka soo saaray sifaha xariga Hurre,

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkiisa qaran ayaa caawa soo qabtay eedaysane Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ku howlanaa falal amniga lid ku ah, waxaana ku socota Baaris.”

Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa ku dhintay duqeymo wadajir ah oo Mareykanka iyo Israa’iil ku ...
01/03/2026

Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa ku dhintay duqeymo wadajir ah oo Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Tehran, sida ay xaqiijiyeen warbaahinta dowladda Iiraan. Iiraan waxay ku dhawaaqday 40 maalmood oo baroordiiq qaran ah.

Cali Khamenei ayaa ahaa qofka ugu awoodda badan Iiraan muddo ka badan saddex qarni, isagoo hoggaaminayay dalka tan iyo geeridii aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Ayatollah Khomeini.

Cali Khamenei wuxuu dhashay bishii Luulyo 1939, wuxuuna ku dhashay magaalada Mashhad ee dalka Iiraan. Wuxuu ahaa saaxiib dhow iyo arday u ahaa Ayatollah Khomeini, isagoo door firfircoon ka qaatay Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979-kii kaas oo xilka looga tuuray boqorkii Iiraan (Shah).

Murshidka Sare ee Iiraan (1989–2026): Markii uu geeriyooday Khomeini, Khamenei ayaa loo doortay Hoggaamiyaha Sare. Wuxuu ahaa taliyaha guud ee ciidamada, isagoo go'aanka ugu dambeeya ka lahaa arrimaha dibadda, barnaamijka nukliyeerka, iyo amniga qaranka.

Cali Khamenei ayaa caan ku ahaa mowqif adag oo ka dhan ah reer galbeedka (gaar ahaan Mareykanka iyo Israa’iil), isagoo dhisay isbahaysiyo gobolka ah oo loogu magac daray "Axis of Resistance."

Iran ayaa hadda si rasmi ah u xaqiijisay dhimashada Ayatollah Khamenei.Wakaaladda wararka ee Fars News Agency ayaa soo w...
01/03/2026

Iran ayaa hadda si rasmi ah u xaqiijisay dhimashada Ayatollah Khamenei.

Wakaaladda wararka ee Fars News Agency ayaa soo warisay in dowladdu ku dhawaaqday 40 maalmood oo baroor-diiq qaran ah kaddib dilkii Khamenei.

Sidoo kale, waxay ku dhawaaqday toddobo maalmood oo fasax guud ah.

DEG DEG: Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu fashilmay shirkii ay kula jireen Villa Somalia oo natiijo...
23/02/2026

DEG DEG: Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu fashilmay shirkii ay kula jireen Villa Somalia oo natiijo la'aan kusoo dhamaaday.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlayey qaar kamid ah waxgaradka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay ar...
22/02/2026

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlayey qaar kamid ah waxgaradka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimaah doorashooyinka, waxka-beddelka dastuurka iyo qorshaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Deni ayaa ugu horrayn sheegay in GMS ay sameeyeen dulqaad xooggan si aysan cududaar ugu samayn qorshaha dowladda, “Golaha Mustaqbalka waxay sameeyeen dulqaad wanaagsan, mana rabno dagaal, waxa keliya noo furan dagaalka argagixisada.”

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa heshiis ugu yeeray MW Xasan Sheekh Maxamuud,“Madaxweyne Xasanow aan heshiinno, wixii aan ku barannay dagaalkii IS ee Puntland in aan dalkaan lagu difaaci karin awood dowlad goboleed oo keliya… aniga & MW Axmed waxa aan u joognaa in aan badbaadinno jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed.”

Ugu dambayntiina Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inaysan Puntland qayb ka ahayn waxka-beddelka dastuurka,”Dastuurka halkaan lagu malmaluuqayo wax ka jira ma jirto – madaweyne Xasan Shiikh iyo Aadan Madoobe hadii uu dastuur u noqnayo iyagey jirtaa. -Puntland qayb ka noqon mayso.”

Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa yiri “dalkan labo khatarood xoog bay ugu soo socdaan, in uu kala irdhoobo oo kala tago iyo in dad aan la garanayn qabsadaan”.

Madaxweyne Deni wuxuu khatarta labaad tusaale ugu soo qaatay ajaaniibtii lagu qabtay dagaalka Daacish iyo wixii ay Puntland ku aragtay buuraleyda Calmiskaad.

Wuxuu sheegay in khatar taas ka weyn laga filan karo gobolada Koonfurta Soomaaliya ee gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed [GMS] ayaa shir ay maanta yeesheen isku-raacay in ay berri oo Axad ah iyaga oo isku-dhan...
21/02/2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed [GMS] ayaa shir ay maanta yeesheen isku-raacay in ay berri oo Axad ah iyaga oo isku-dhan ay tagaan Villa-Somalia, ka dib markii ay dowladdu ka gows-adaygtay Guddi ay u saareen in ay kala-hadlaan doorashooyinka, isla markaasna ay guul-darraysteen isku-dayo la doonayey in doodda lagu xalliyo shirar gaar gaar ah.

Mas'uuliyiinta GMS ayaa sheegaya in ay doonayaan doorashooyin Dadban oo ka metelaad badan kuwii h**e ka hor bisha Maay, waxayna meesha ka saareen in ay ku kala qaybsan yihiin arrin taasi, iyaga oo intaasi ku daray in sidoo kale la qabto doorashooyinka KGS, Galmudug & Hirshabeelle, si la mid ah Dowlad-goboleedyada kale.

Dowladda Federaalka ayaa iyadu wadda dhammaystirka Dastuurka JFS, iyada oo mucaaridkana u bandhigtay; in ay keenaan qodobada ay doodda ka qabaan, DFS waxay ku adkaysanaysaa qabashada doorashooyin toos ah oo dalka oo dhan ka dhaca oo Baarlamaani ah sida uu qabo Dastuurka cusub, iyada oo ay maamulayaan Guddiga Doorashooyinka JFS.

Ilo ka tirsan dowladda ayaa sheegaya in haddii looga adkaado doodda doorashooyin toos ah ay keliya aqbali karaan; in doorashada xildhibaannada loo celiyo odayaasha si la mid ah doorashadii h**e ee Madaxweyne Xasan Shiikh ee 2012.

~MohamedSalh

Diyaarad rayid ah oo ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ayaa waxyar ka hor ku burburtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, wa...
10/02/2026

Diyaarad rayid ah oo ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ayaa waxyar ka hor ku burburtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, wax ka yar 15 daqiiqo markii ay hawada ku jirtay , xilligaa oo ay wajahday cilad, iskudaygii ay dib ugu soo laabatay garoonka Muqdisho , waxay ka baxday dhabaha diyaaradaha.

55 qof oo ay diyaaradan siday ma jirto wax khasaare ah oo gaaray , sida ay xaqiijiyeen saraakiisha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xildhibaannada ka soo horjeeda wax-ka-beddelka Dastuurka JFS oo la baxay 'Xildhibaannada-xorta ah' ayaa gebi-ahaanba qaa...
08/02/2026

Xildhibaannada ka soo horjeeda wax-ka-beddelka Dastuurka JFS oo la baxay 'Xildhibaannada-xorta ah' ayaa gebi-ahaanba qaadacay ka qayb-galka fadhiyada Baarlamanka, iyada oo badi xildhibaannada mucaaridsan DFS laga ganaaxay fadhiyada BJFS.

Tani waxa ay imanaysaa xilli todobaadkan loo balansan yahay wada-hadallada Dowladda Federaalka & Golaha Mustaqbalka oo looga hadlayo Doorashooyinka & Dastuurka dalka.

Address

Qalimow

Telephone

+252618598858

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qalimoow Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share