18/10/2025
Guddoomiyihii H**e ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir oo Eedeyn Kulul u Jeediyay Guddoomiye Muungaab:
Muqdisho| 18 Oktoobar 2025 – Guddoomiyihii h**e ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii h**e ee Caasimadda Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa weerar afka ah ku qaaday guddoomiyaha haatan ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab). Eedeynta ayaa salka ku haysa hadal uu dhowaan jeediyay Guddoomiye Muungaab, kaasi oo uu ku sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu ku dhawaaday inuu bixin waayo mushaarka shaqaalaha bisha May 2025 xiligaas oo uu xilka haayay guddomiye Amiir.
Maxamed Axmed Amiir ayaa hadalkaas ku tilmaamay “mid been abuur ah”, isagoo sheegay in muddadii uu xilka hayay mushaarka shaqaalaha si joogto ah loogu bixin jiray waqtigiisa, gaar ahaan inta u dhexeysay Disembar 2024 ilaa May 2025, isaga oo xusay in aysan jirin cid mushaarkeedu baaqday ama shaqaale si sharci darro ah looga jartay mushaarka muddadaas.
Qoraal dheer oo uu ku baahiyay boggiisa rasmiga ah ee Facebook, ayuu Amiir ku muujiyay sida uu uga xun yahay "beenta" uu sheegay in Muungaab faafiyay.
Amiir wuxuu si gaar ah u dhaliilay tallaabadii lagu eryay 800 shaqaale ah bishii Juun 2025, kuwaas oo uu sheegay inay ahaayeen shaqaale rasmi ah oo si joogto ah uga hawlgalayay gobolka. Wuxuu intaas ku daray in dadkii la eryay la aflagaadeeyay, isla markaana lagu tilmaamay “ceyr qaateyaal”, taasoo uu ku tilmaamay "xadgudub nafeed iyo sharci-darro maamul".
Sidoo kale, wuxuu cambaareeyay hoos u dhigidda lagu sameeyay mushaarka ilaa 3,000 shaqaale, kuwaas oo uu sheegay in kala bar mushaarkoodii laga jaray, iyadoo aysan jirin hannaan sharciyeed oo loo maray. Amiir wuxuu sheegay in aysan taabanin shaqaalaha mushaar ahaan ka qaata $1500 iyo wixii ka badan, balse shaqaalaha hoose ee qaata $800 ilaa $200 laga jaray mushaarkooda oo lagu sameeyay mushaar dhimis si aan caddaalad ahayn.
Dhammaan arrimahaas ayuu Amiir ku sheegay in ay dhaceen kadib markii uu isaga xilka wareejiyay, isagoo xusay in xilligii uu xilka ku wareejiyay Guddoomiye Muungaab ay khasnada gobolka ku jirtay lacag gaareysa 2 milyan oo dollar iyo wax ka badan.
Ugu dambeyn, Maxamed Axmed Amiir ayaa ku booriyay Guddoomiye Muungaab in uu fiiriyo waraaqaha rasmiga ah ee xil wareejinta, si uu u ogaado xaaladda dhabta ah ee uu la wareegay, isagoo ugu dambeyntii u rajeeyay guul iyo garasho, balse uga digay “been abuurka iyo dacaayadaha aan salka lahayn” ee la xiriira mushaarka shaqaalaha.
Qalimoow Media