02/03/2026
SOOKOOBID: XOGIHII U DANBEEYEY XALAY ILAA MAANTA EE COLAADDA BARIGA DHEXE.
Mandiqadda bariga dhexe waxaa maalintii sadexaad galay colaadda u dhexeeysa Iran iyo Isreal & Mareykan, Iiraan ayaa u muuqata mid adeegsanaysa dhammaan awooddeeda militari, kadib dilkii loo geystey Hogaamiyihii dalkaasi Aayatullaah Ali khamanei, iyagoo dharbaaxooyin xoogleh la beegsadey Isreal.
Iiran ayaa weerarro xooggan ku ekeeysey dalalka khaliijka, iyadoo haatan u weecatay iney bartilmaameedsanayso ilaha dhaqaale ee dalalkaasi, waxayna beegsatay warshadaha iyo xarumaha gaaska dabiiciga ee waddamada Qatar iyo Sacuudiga. Sidookale Iiran ayaa soo ridey, welibana burburisey diyaaradaha dagaalka ee dalkaasi Mareykan.
Madaxweyhana Mareykaynka Trump ayaa sheegay in dagaalkan uu socon karo ilaa 4 toddobaad ama ka yar, isagoo tilmaamay in xaaladdu si degdeg ah isu beddelayso, sidookale Trump ayaa direy farriin diblomaasiyadeed oo ka dhan dagaalka Iiran isagoo carrabka ku dhuftey in wadahadal imaankaro.
Ingiriiska, Faransiiska & Jarmalka ayaa sheegey in diyaar u yihiin ka qaybgalka dagaal ka dhanka ah Jamhuuriyadda Iiran. Dhankale ururka Xisbullaah ayaa si toos ah ugu biirey dagaalka iyagoona garab u ah Jamhuuriyadda Iiraan, waxayna xalay weeraro ka geysateen Israil, taasi oo ka dhigan in dagaalka baaxaaddiisu sii ballaaraanayo.
Saacadaha soo aadan ayeynu eegi doonta halka giraanta dirirtu u wareegto.
Abdullahi Baaruud