Baaruud Post

Baaruud Post Kusoo dhawoow Bogga Baaruud post waxan si milgo iyo mudnaan leh kaaga codsanaynaa inaad follow dhahdo

CIID MUBAARAK Munaasabadda Ciidul- fidriga Awgeed waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan ummadda Islaamka ah gaar ahaan sh...
10/04/2024

CIID MUBAARAK

Munaasabadda Ciidul- fidriga Awgeed waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan ummadda Islaamka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan.

Waxaanna Allaah ka baryayaa inuu naga Aqbalo camalkii Wanaagsan iyo cibaadadii aanu soo gudanay bishii barakeysaneed ee Ramadaan.

Eebe sanadkan kiisa kale barwaaqo iyo nabad ha inagu gaarsiiyo.

كل عام وانتم بخير

26/03/2024

MUQAALKEENA MAANTA:
ISGAARSIINTII WAAYIHII H**E EE SOOMAALIDA

Abdullahi Baaruud✍️©️

21/03/2024

DHISMAHA UGU WEYN HAWADA SARE
Muuqaal Bar Bilow Ah ✍️

Follow Baaruud Post✍️



جمعة مباركة يا أحبابي
23/02/2024

جمعة مباركة يا أحبابي

17/02/2024

Taariikhdii h**e ee soomaaliya
Xig: Ogaansho



OGAYSIIS      Maamulka Madarasada Najmudin primary and intermediate school Qardho waxa uu ogaysiinaya Ardada iyo Waalidi...
30/01/2024

OGAYSIIS

Maamulka Madarasada Najmudin primary and intermediate school Qardho waxa uu ogaysiinaya Ardada iyo Waalidiinta inuu dib u bilaabmi doono teeramkii danbe ee sanad dugsiyeedka 2023-2024 Maalinka Sabtida ah kuna beegan 3-2-2024, hadii EEBE idmo.

Madarasada Najmudiin ayaa ka mida goobaha waxbarashada Degmada Qardho ee sameynaya koboca waxbarasho, ayna ugu wacantahay Maamulkeeda iyo tayada barayaasha Madarasada oo sareysa, iyagoona u heelaan soo saarida jiil ka dhisan maadi iyo diini labadaba.

Waxaa Bogaadin mudan Maamulka Madarasada ugu h**eeyo Maamule Awil Habib Karshe Sidoo kale Barayaasha Qiimaha leh ee goor kasta u tooghaya Ardada heerarkeeda kala duwan.

Mahadsanidin

Dr  Saed Abdullahi Deni ayaa Mar labaad ku guuleystay xilka Madaxtooyada Dawladda Puntland .Waxay arintaasi ibofur u tah...
08/01/2024

Dr Saed Abdullahi Deni ayaa Mar labaad ku guuleystay xilka Madaxtooyada Dawladda Puntland .

Waxay arintaasi ibofur u tahay in dalku u jiheystay wadiiqo iyo dhabe cusub, waxay fursad siin doonta iney shacabka loo gacan galiyo masiirka dalkooda ayna codkooda ku ciil baxaan.

Waxay dardargelinaysaa 5ta sano oo soo socota in loo baratamo sidii lagu hanan lahaa ama lagu kasban lahaa quluubta shacabweynaha reer puntland, iyadoo lagu bixinayo dhaqaale arimaha bulshada iyo goobaha danta guud sida : Isbitaalada , Iskoolada , Wadooyinka iyo intii la halmaasha.

Waxan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Saed Deni waxaana ka rajeynayaa inuu dadkaan u horseedo dimuqraadiyad iyo kala danbeyn.

W/ Q : Abdillahi Mohamed Abdillahi Baaruud

Hardan iyo loolan dheer kadib waxaa soo idlaatey doorshada gudoonka golaha wakiilada dawladda puntland.Waxaa ku guuleyst...
04/01/2024

Hardan iyo loolan dheer kadib waxaa soo idlaatey doorshada gudoonka golaha wakiilada dawladda puntland.

Waxaa ku guuleystey gudoomiyaha golaha wakiilada Mudane Abdirisak Ahmed sicid

Sidookale waxa ku guuleystay G/kuxigeenka koowad Mudane Xildhibaan Maxamed Baari shire

Waxaa kaloo ku guuleystay G/kuxigeenka labaad Mudane Xildhibaan Maxamed Maxamud Ciise (Awowe)

Hambalyo Gudoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee 2024-2029, Wajibkaas Umadeed Alle Ha Idinku Asturo.

Guuleysta.

Madaxweynihii h**e ee Maxamed Abdullahi farmaajo ayaa yiri"Heshiiska damaca guracan ee Itoobiya ku dooonayso dhul iyo ba...
02/01/2024

Madaxweynihii h**e ee Maxamed Abdullahi farmaajo ayaa yiri

"Heshiiska damaca guracan ee Itoobiya ku dooonayso dhul iyo bad ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu muujiyey dareenka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed, waana mid mudan in aan la dhayalsan khatarta ka dhalankarta haddii lagu soo xadgudbo madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Heshiiskan waxa uu baal marsan yahay shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah iyo kan midwoga afrika, waxa uuna dhaawac ku yahay wadajirka iyo xasilloonida dalalka gobolka, sidaas awgeed waxaan caddaynaynaa in cid kasta oo ku lug leh ay ka galeyso taariikhda baal madoow, qaadanaysana masuuliyadda cawaaqib xumida ka dhalan karta.

Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waantowdo damacaan gurracan oo wiiqaya heshiisyadii is-dhexgalka bulsho iyo iskaashiga heer gobol, kaas oo ay aas-aas u ahayd ilaalinta madaxbannaanida iyo dowladnimada shucuubta gobolka, si waafaqsan xeerarka gaarka u ah dal kasta iyo shuruucda caalamiga ah.

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay degdeg ugu istaagaan gudashada waajibaadkooda qaran ee ku aaddan xadgudubka ka dhanka madax-bannaanida iyo gobanimada dalkeenna, anigoo xasuusinaya guushii aynu ka gaarnay kiiskii dacwadda Badda ee nagala dhexeeyey Kenya uu saldhig u ahaa qaraarkii dhaxal-reeb ee uu soo saaray Baarlamaankii 8-aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh waxaa waajib ku ah ilaalinta midnimada dhuleed, badeed iyo umadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la dhawrayaa go’aammada masiiriga ah iyo tallaabooyinka qaran ee u qalma jiilasheenna danbe.

Dadka Soomaaliyeed, shacab iyo masuuliyiinba waxaan ugu baaqayaa in aynu u midowno qadiyaddan halista ah, innagoo meel iska dhigayna kala fikir duwanaanshaha iyo khilaafkasta oo dhexdeenna ah. Una midowno ilaalita badeenna, dhulkeenna iyo ummaddeenna."

Address

Qardho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Baaruud Post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Baaruud Post:

Share