SPA Somali TV

SPA Somali TV SPA Somali TV

Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay lacag dhan $14.9 milyan oo maalgelin cusub ah oo loogu talagalay Soomaaliya 9-kii Oct...
20/10/2025

Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay lacag dhan $14.9 milyan oo maalgelin cusub ah oo loogu talagalay Soomaaliya 9-kii October, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Lacagahan cusub ayaa imaanaya xilli guud ahaan kaalmada Mareykanka ee Soomaaliya ay si weyn hoos ugu dhacday intii lagu jiray sannad maaliyadeedka 2025. Washington waxay muddo dheer ahayd deeq-bixiyaha bani'aadannimo ee ugu weyn ee Soomaaliya, hoos u dhacanna wuxuu ku soo aadayaa xilli xasaasi ah oo soo maray dalka.

Soomaaliya waxay la daalaa-dhacaysaa fallaago Islaamiyiin ah oo joogto ah, iyadoo sidoo kale si isdaba joog ah ula kulmeysa dhibaatooyinka cimilada ee daran.

Tirokoob gudaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ah oo ay heshay jariidada The New York Times ayaa muujinaya in kaalmada guud ee Mareykanka ee Soomaaliya ay ahayd qiyaastii $128 milyan sannad maaliyadeedkii 2025, kaasoo dhammaaday 30-kii September.

Tani waxay muujinaysaa hoos u dhac aad u weyn marka la barbar dhigo tobankii sano ee ka horreeyay, xilligaas oo xogta Mareykanka ay muujinayso in Washington ay celcelis ahaan diri jirtay qiyaastii $450 milyan sanadkii oo ah gargaar bini'aadannimo oo keliya, halka ay gaartay heerkii ugu sarreeyay oo ahayd $481 milyan sanadkii 2020, xilli ay jirtay dhibaato cunto yari oo h**e u dhacday.

Duqa Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inuu u sharraxan yahay Doorashada qof iyo codka ah ee la qorsheeyay in dhawaan ay ka dha...
19/10/2025

Duqa Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inuu u sharraxan yahay Doorashada qof iyo codka ah ee la qorsheeyay in dhawaan ay ka dhacdo Gobolka Banaadir.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in tirada saxda ah codbixiyayaasha iska diiwaangeliyay gobolka Banaadir ay taha...
19/10/2025

Guddiga Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in tirada saxda ah codbixiyayaasha iska diiwaangeliyay gobolka Banaadir ay tahay 918,890.

SPA Somali TV

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadka cusub ay shaqo abuur u sameyn doonta 40 kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah.
19/10/2025

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadka cusub ay shaqo abuur u sameyn doonta 40 kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah.

Magacyadda iyo sawirada Mudaneyaasha la filayo in ay kusoo baxaan kuraasta Xildhibaanada Soomaaliya ku matalaya baarlama...
15/10/2025

Magacyadda iyo sawirada Mudaneyaasha la filayo in ay kusoo baxaan kuraasta Xildhibaanada Soomaaliya ku matalaya baarlamaanka Bariga Afrika.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada oo diiradda...
10/10/2025

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa dood dheer ka yeeshay faragelinta sharci-darrada ah ee Dowladda Federaalka ay ka waddo deegaanada Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, taas oo laga digay in ay sababi karto colaado hor leh iyo isku dhacyo keeni kara khasaare kala duwan.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Xeerka Xirfadlayaasha Caafimaadka ee Dowladda Jubaland, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyo Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, oo cadadkeedu yahay 67,213,424.21. oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyada iyo Hormartinta dhaqaalaha.

DHAMMAAAD.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxabannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha Muqudishu...
08/10/2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxabannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Muqudishu, Sebteembar 08, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey in Soomaaliya ay si buuxda dib ula soo wareegtay hannaanka madaxa-bannaan ee maareynta, kormeerka iyo ka-warbixinta arrimaha xuquuqul insaanka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in ay tahay waajibaad qaran oo in ka badan soddon sano laga maamulayay dibadda dalka.

“Maanta waa maalin taariikhi ah maadaama Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar la taaban karo oo dhinaca dowladnimada ah, isla markaana ay diyaar u tahay in ay si madaxbannaan u fuliso waajibaadkeeda qaran iyo midka caalamiga ah ee ku aaddan dhowrista iyo ilaalinta Xuquuqda Aadanaha,” ayuu tilaamay Madaxwaynuhu Jamhuuriyaddu.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii ambaqaaddo ilaalinta karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinteeda iyada oo la kaashaneysa qaybaha kala duwan ee daneeyayaasha heer gobol iyo caalami.

DHAMMAAD

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay qaraarka Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dib ugu soo ce...
08/10/2025

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay qaraarka Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dib ugu soo celinaya lahaansho buuxa iyo madaxbannaani ay ku maamuli karto waajibaadkeeda qaran iyo kuwa caalamiga ah ee dhinaca xuquuqul insaanka.

Guudmarka khudbadda Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeediyay furitaa...
07/10/2025

Guudmarka khudbadda Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeediyay furitaanka Shirka Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika (ECON2025) ee ka socda Mugadishu.

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO FURAY SHIRWEYNAHA LABAAD EE ISKAASHIGA URURKA BULSHADA BARIGA AFRIKA...
07/10/2025

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO FURAY SHIRWEYNAHA LABAAD EE ISKAASHIGA URURKA BULSHADA BARIGA AFRIKA (EACON-2025)

Muqdisho, Oktoobar 07, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2aad ay martigelinayso Caasimadda Muqdisho, kaas oo lagaga arrinaanayo isdhexgalka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee gobolka.

Madaxweynaha ayaa muujiyey qiimaha ay Soomaaliya ugu fadhiso martigelinta shirka, isagoo tilmaamay in ay astaan u tahay kalsoonida iyo doorka cusub ee Soomaaliya ku yeelatay ururka tan iyo markii ay si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika.

“Muqdisho waa magaalo leh taariikh ganacsi iyo isku-xirnaan soo jireen ah. Martigelinta shirkan waxay muujineysaa sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin muuqata ka qaadato isdhexgalka gobolka iyo horumarinta nabadda iyo ganacsiga Bariga Afrika”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay aqoonyahannada, ganacsatada iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda in ay door firfircoon ka qaataan xoojinta isdhexgalka, gaar ahaan soo gudbinta talooyin iyo daraasado ku dhisan caddayn cilmiyeed kuwaas oo xoojinaya kobaca dhaqaalaha, maalgashiga iyo iskaashiga siyaasadeed.

Shirkan waxaa ka qeybgalay hoggaamiyeyaasha ganacsiga, aqoonyahanno, iyo khubaro heer gobol iyo kuwo heer caalami, kuwaas oo ka doodayay sidii loo dardargelin lahaa isdhexgalka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee gobolka, loona xoojin lahaa kaalinta EAC ee horumarka Qaaradda Afrika.

DHAMMAAD

SPA Somali TV

Shirkii Wadahadalka ee Kismaayo ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa wajigiisii koowa...
05/10/2025

Shirkii Wadahadalka ee Kismaayo ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa wajigiisii koowaad soo idlaaday, majiraan wax la isku raacay. Waxaana loo ballamay in kulamo kale la isugu soo laabto.

Puntland ayaa taageertay xaqa ay Somaliland u leedahay Dawladnimadeeda, sida lagu sheegay is-afagarad dhex maray labada ...
05/10/2025

Puntland ayaa taageertay xaqa ay Somaliland u leedahay Dawladnimadeeda, sida lagu sheegay is-afagarad dhex maray labada dhinac

Address

Qardho

Telephone

+252905097463

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SPA Somali TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SPA Somali TV:

Share

Category