Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh

Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh Waa Page ka Rasmiga ah ee Dawladda Hoose ee Degmada Sheikh

---Isbarasho Shaqo & Kormeer Rasmi ahMaanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka November 2025, waxaa si rasmi ah u qabsoomay ku...
27/11/2025

---
Isbarasho Shaqo & Kormeer Rasmi ah

Maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka November 2025, waxaa si rasmi ah u qabsoomay kulan Isbarasho ah oo dhexmaray Xoghayaha cusub ee Dawladda Hoose ee Degmada Sheekh Mudane Hamse Mohamed Saleban iyo Shaqaalaha Waaxda Arrimaha Bulshada.

Kulankan ayaa lagu wadaagay xogaha shaqo, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta, isku xirnaanta waaxyaha iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada ee degmada.

Intaas kadib, xoghayuhu wuxuu kormeer shaqo ku tegay xarunta maktabadda Ee Degmada Sheikh. (( Sheikh Library), isaga oo halkaas Warbixin kaga Dhageystay Maamulka Xarunta Iyo baahiyaha taagan ee u baahan taageero degdeg ah.

Kulankan iyo kormeerkan waxay qayb ka yihiin Dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta iyo wada-shaqeynta waax,yaha Kala Duwan Ee Dawlada Hoose Ee Degmada Sheikh.

---

25/11/2025

Guud Ee Munasibadii Xil wareejinta Xoghayihii H**e Ee Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh Cabdirisaaq Cabdilaahi Guuleed Iyo Xoghayaha Cusub Ee Maanta Xilka La Wareegay Xamse Maxamed Saleeban.

Sawirada:Xil wareejinta Xoghayaha H**e Ee Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh Cabdirisaaq Cabdilaahi Guuleed iyo Xoghayaha C...
25/11/2025

Sawirada:Xil wareejinta Xoghayaha H**e Ee Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh Cabdirisaaq Cabdilaahi Guuleed iyo Xoghayaha Cusub Ee Maanta Xilka La Wareegay Xamse Maxamed Saleeban.

Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh

25/11/2025

Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Saaxil Maxamuud Hindi Aaddn Ayaa Maanta Si Rasmiya Xilkii Ugu Kala wareejiyey Xoghayihii H**e Ee Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh Iyo Xoghayaha Cusub Ee losoo Magacaabay Dawlada Hoose Ee Degmada.

Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh

Xaflada Xilwareejinta Xoghayihii h**e iyo xoghayaha Cusub Ee Dawladda Hoose Ee degmada SheekhMudane Abdirisak Abdillahi ...
22/11/2025

Xaflada Xilwareejinta Xoghayihii h**e iyo xoghayaha Cusub Ee Dawladda Hoose Ee degmada Sheekh
Mudane Abdirisak Abdillahi iyo mudane Xamse Maxamed saleebaan

Mayor-ka Degmada sheikh  ahna Gudoomiyaha Gollaha deegaanka Mudane ismail xuseen cali  ayaa magaalada Berbera kaga qayb ...
18/11/2025

Mayor-ka Degmada sheikh ahna Gudoomiyaha Gollaha deegaanka Mudane ismail xuseen cali ayaa magaalada Berbera kaga qayb galay Shir muhiim ah kaasi oo diirada lagu saraayay Nidaamka Maamul daadajinta JSL.

Shirka oo ahaa mid muhiim ah Waxa goob joog ahaa islamarkaana Furay Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo horumarinta Magaalooyinka Xasan Axmed Ducaale X.Macalin.

Sidoo kale shirka farsamada Nidaamka Maamul Daadajinta Waxa Goob joog ka ahaa Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha bixiya Adeegyada Aasaasiga ah, Maayirada Magaalooyin Dalka, Hay’adda UNICEF iyo Xafiiska Champion ka

Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh

Xogahayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh ayaa magacabaay gudida qaban qaabada xilwareejinta Xoghayaha cusub iy...
18/11/2025

Xogahayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh ayaa magacabaay gudida qaban qaabada xilwareejinta Xoghayaha cusub iyo xoghayihii h**e

01/11/2025

Mayaarka Degmada Sheekh ayaa ka qayb galay Munaasibad ay ku qalin jebinayeen 20 Haween ah. Oo Bartay Xirfada Dawaarka.

27/10/2025

Xoghayaha fulinta Dawlada Hoose Degmada Sheekh Mudane Abdirisak Abdillahi oo ay Whelinayaan Gudmooyihayaha Wasaarada Waxbarashada ,Bar baarinta iyo Sayniska Degmada Mudane Maxamed Ibraahin Cabdilaahi ,Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegank Degmada Iyo qaar Iyo qaar ka Mid ah Ardaydii Ka Ka Aflaxay Dugsiga Sare Maxamed Shire Gaab Sheekh ayaa Soo Kormeeray Dugsiga Sare Ee Maxamed Shire Gaab Sheekh Kaas Oo Ay Dib Dhis Iyo Dayactir Kusameeyeen Qaar ka Mid Ah Ardaydii Ka aflaxay 20kii Sanno Ee u Danbeeyay Dugsiyada Degmada Sheekh

Masuuliyiinta Ayaa Bogaadiyay Ardaydaas H**e Talaabada Fiicaan Ee ay Muujiyeen Iyagoo Ku Booriyay In ay Sii Xoojiyaan

إِنَّا لِلّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَGudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Sheekh Mudane Ismaaciil Xuseen cali isag...
18/10/2025

إِنَّا لِلّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Sheekh Mudane Ismaaciil Xuseen cali isagoo ku hadlaaya magaciisa ,ka golaha Deegaanka Degmada Shaaqaalaha Dawlada Hoose iyo Guud ahaan Bulshada Degmada Sheekh, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Ehelka, Asxaabta iyo Qoyskii ay ka geeriyootay Marwo Layla Maxamed Cabdi Madar, oo ku geeriyootay dalka Hindiya.

waxay si gaar ah tacsi ugu dirayaan Maayorka Degmada Berbera, Mudane Cabdirashiid Maxamuud Cidin, oo marxuumaddu ahayd xaaskiisa.

Waxay Eebbe uga baryayaan in uu marxuumadda naxariistiisa janno ku manaysto, denbiyadeeda dhaafo, una dambi dhaafo jannadii Fardowsana ka waraabiyo, ehelkii iyo asxaabtiina uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Aamiin, Aamiin, Aamiin.

12/10/2025

Gudoomiyaha Golaha Deeganka Degmada Sheekh ahna Duqa magaalada mudane Mayor Ismail Hussein oo ay Wehelinayaan Taliyaha Booliska Degmad ,qaar ma mid ah mudanayaasha golaha deegaanka iyo maamulayaasha Wasaaradaha degmada ayaa hawl ay ugu baxeen tuulada kulmiye ee galbeedka degmada sheekh kusoo baabiyay deegaysi cusub oo halkaas laga waday

INNAA LILAAAHI WA INAA ILAHAYHI RAAJICUUNGudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Sheekh Mudane Mayor Ismail Hussein isagoo ...
11/10/2025

INNAA LILAAAHI WA INAA ILAHAYHI RAAJICUUN

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Sheekh Mudane Mayor Ismail Hussein isagoo ku hadlaaya magaciisa , Ka Golaha Deegaanka Degmada , iyo Guud ahaan Bulshada Degmada Shekh Waxa uu Tacsi u dirayaa qoyska ,Ehelad- Iyo guud ahaan bulshada uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum -muuse Yusuf oo ahaa maamulihii shirkada laydhka Beder ee degmada sheekh

INNAA LILAAAHI WA INAA ILAHAYHI RAAJICUUN

Address

Main Road Street
Sheikh
1

Telephone

+252634446258

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dawlada Hoose Ee Degmada Sheekh:

Share