10/07/2022
Siyaasada iyo Fahamka soomaalida!
Dhaqanka siyaasiga soomaaliga ayaa ku dhisan wax iska celin iyo abuuris xaalad aan markaa la joogin isagoo isku dayaya sidii uu umagac xumayn lahaa ka markaa haysta xilka .
Dhaqamada noocaas ah waa kuwo ina soo mara in badan waxna laguma qaato.
Diblomacy yada kuma jirto in aad sheegto wax aadan xogteeda hayn si guud iyo si gaara toona .
Marka aad siyaasi tahay waliba mucaarid ah waa in aad noqotaa toosin iyo talo reeb . Dalkana laxejeclo kaa haysaa .
Madaxwayne Hasan shiekh maanta asmara ayuu ka degay isagoo mudo badan ahaa mucaarid ku adag arimaha Eriteria in badana sheegay in ay tahay dal aan mudnayn in xidhiidh lala sameeyo .
Bedelka aragtidayda eriteria waa dal saamayn togan ku lahaa burburkii somalia k**a hadlayo waxtar lkn dhanka siyaasada waa dalalka caqabada inagu ahaa .
In wixii ina dhexyaal heshiis siyaasiya lagala galo uma arkayn wax dhiba .
Madaxwaynuhuna maanta wuu saxan yahay inuu cidii arimeheenu ku xidhan yihiin uu hor fadhiisto si loo helo siyaasad qabow oo deriska ah .
Siyaasiinta soomaalida waxaa qurux badan in ay xukunka ku raadiyaan dhaliilo toosin ah iyo inay dadka kasbadadaan waliba waxyaabo ay xaqiiqdooda og yihiin oo aan beri kusoo noqonayn .
Video yadan hoose waa dhacdooyin soo dhacay lkn maanta aan waxba ka jirin sheegistooda somalia uma baahna cadow dal kale oo loo sameeyo lkn waa in la diido cidii diidan jiritaankaaga .iskaashiga dalalkuna waa muhiin dhan kasta .
Eriteria faaiido waxaa inooga ah inay inaga dayso faragelinta .
Gebo gebo
Siyaasadu maaha dhagar iyo dabino la qoolo waa qorshe iyo qaabayn dhanka wanaagsan lagu jiheeyo dalka .dhaqaale ahaan deganaan amni iyo dhamaan arimaha bulshada .
Dhalinyarada hakaga dayanina siyaasiga siyaasada ugu jira ganacsi iyo reernimo siyaasada sameeya akhris iyo afkaar kaduwan oo muhiim u ah dalka
Mahadsanidiin
WQ: Abdisalan M ciise