06/12/2023
Waxaan dhagaystay go’aamo uu akhrinayo Dhakool wamaa adraaka man Dhakool, waa qodobo aan Puntland xilligan xal u keenayn.
Waxaan dhagaystay Garaad Jaamac Garaad Cali waraysigii uu Farah Abdulkadir Mohamed la yeeshay qodob aan ku diido maan arag, waxay ahayd ugu yaraan in Garaadku wax ka ogaado go‘aamada la soo saarayo.
Garaad Jaamac Garaad Cali wuxuu siyaasad ahaan si cad uga hayaamay Puntland 2009, markii horena lama dhacsanayn siday ula falgashay dhibtii Laascaanood ka dhacday 15.10.2007, laakiin marna tolnimada Harti k**a baaqsan, waxaase u muuqda Garaadka halgankii la soo galay iyo maamulkii Dhulbahante samaystay in uu badhax la‘aado.
Sadex qodoba Garaadku waa ku saxsan yahay.
1. In tolka la kala badbaadiyo.
2.In Dhulbahante shir isagu yimaado masiirka iyo kala gurka looga tashanayo.
3. Markaa ka dib in ay tolkii Puntland wada dhistay laysugu yeedho qorshe cadna lagu kala gurto.
Ragga Dhulbahante ee hawsha sidan u galay way degdegeen sida ay aniga ila tahay, waana dad aan iimaankoodu gaadhsiisnayn in Dhulbahante maamul u gooniya yeesho.
Arrin kale ayaanse kaba yaabay yaa dadkii ”Somaliland“ ka tirsanaan jiray xillagay doonaanbee ku soo daray gudiga dhexdhexaadinta sida Dhakool, Gacma-dheere, Iyo Qawdhagayste, waa raggii waqadari markii Garaad Jaamac marada tuurayey ”Somaliland“ 2007 midna soo waday midna Hargeysa u fadhiyey, siday ku dhici kartaa in ay masiirka noocana ka taliyaan Garaadkuna aanu waxba ka ogayn, waxay ahayd dadka noocan oo kale ah in bulshada aan la horkeenen.
Dhawr jeer ayaa Siyaasadda iyo Masiirka Dhulbahante la habbaabiyey oo meelo fog laga raadiyey, haddana qiimo weyn ayey ugu kacday maaha in mar kale uu lumo masiirku, tolkuna waa in uu kala badbaadaa, sibiqna yaan arrimo khatartooda leh mar kale loogu siiban.