Kooshin Media

  • Home
  • Kooshin Media

Kooshin Media Kooshin Media Waxad Ka Helaysaa Warar Sugan Warbixino dheelitaran Iyadoo Deegaankaga Kagasoo Waramay

09/07/2025

Musharrixiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha SSCKhaatumo oo kala ah Hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Dr. Shiine, Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif iyo Xildhibaan Bashiir Cali Jamaal ayaa raalligelin u diray bulshada Sanaag iyo Highland, iyagoo ku baaqay in taladooda la ixtiraamo oo la sugo iyagoo mideysan.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha SSCKhaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye, ayay ugu baaqeen inuu doorashada waqtigeeda ku qabto.

Duqa Boosaso ayaa loo doortay Cabdiraxmaan Jinac oo ka soo  baxay Xisbiga Mideeye
09/07/2025

Duqa Boosaso ayaa loo doortay Cabdiraxmaan Jinac oo ka soo baxay Xisbiga Mideeye

08/07/2025

Xasan Macalin Daahir, oo ka mid ah Nabadoonada gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Xarfo, ayaa ugu baaqay Shirkada Somtel in ay joojiso in wiilal jiri ah lacag baad ah siiso taas badelkeedana ay dhaqaalahaas Degmada siiso si wax looga qabto baahiyaha bulshada sida nadaafada iyo Town Planka magaalada

Suldaanka Guud ee Beesha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Garaad Maxamuud Cali-Shire iyo guud ahaamba Isima...
08/07/2025

Suldaanka Guud ee Beesha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Garaad Maxamuud Cali-Shire iyo guud ahaamba Isimada beesha Warsangeli ayaa isku raacay in ayna qeyb ka aheen fowdada Xasan Sheikh uu ka wado Bariga Gobolada Sool iyo Sanaag iyo guud ahaamba qorshaha Beesha Warsangeli looga qeyb galinaayo maamulka LAASCAANO.

Suldaanka iyo Isimada kale ayaa xaqiijiyay in ay ka tirsan yihiin Puntland isla markaana ayna dooneen in qeyb ka noqdaan maamulka Firdhiye.

08/07/2025

Maamulaha Cableka Somtel ee hada ku dhow Degmada Xarfo, ayaa isagoo ka hadlayey Shirka nabadeynta mudug, wuxuu sheegay in Caqabadii ugu adkayd ay ka qabsatay inta u dhexaysa Jalam iyo Burtinle.

08/07/2025

Khadra Cabdulaahi oo ka mid ah Ganacsatada magaalada Xarfo oo ka hadleysay Munaadabadii nabadeynta ahayd ee ka dhacday Mudan-soor ayaa ku baaqday in nabadeynta marka h**e laga bilaabo Nabadoonada iyo Isimada Cumar Maxamuud dhexdooda markaas ka dibna la heli doono xalka nabada Beesha dhexdeeda.

Xarfo, Siyaasi Maxamed Jaamac Yuusuf Daad, oo ku sugan Degmada Xarfo ayaa ugu baaqay mid ka mid ah Beelaha dega Degmada ...
08/07/2025

Xarfo, Siyaasi Maxamed Jaamac Yuusuf Daad, oo ku sugan Degmada Xarfo ayaa ugu baaqay mid ka mid ah Beelaha dega Degmada Xarfo in ay iyagu dhigaan Gogol Nabadeed oo lagu dhamaynayo Khilaaf yar oo horay gacan ka hadal u dhaliyey isagoo dhanka kale bogaadiyey horumarka iyo isku tashiga bulshada gobolka Mudug.

08/07/2025

Xarfo, Siyaasi Maxamed Jaamac Yuusuf Daad, oo ku sugan Degmada Xarfo ayaa ugu baaqay mid ka mid ah Beelaha dega Degmada Xarfo in ay iyagu dhigaan Gogol Nabadeed oo lagu dhamaynayo Khilaaf yar oo horay gacan ka hadal u dhaliyey isagoo dhanka kale bogaadiyey horumarka iyo isku tashiga bulshada gobolka Mudug.

07/07/2025

XARFO. Siyaasi Maxamed Jaamac Yuusf Daad, oo sj weyn u taageeray bulowgii Hawlgalka Calmiskaad ee Hilaac, haatana u taagan nabadeynta iyo xal u helida arimaha Gobolka Mudug ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Degmada Xarfo ee gobolka Mudug halkaas oo ay isugu soo baxeen Boqolaal dadweyna ah oo isugu jira Haween, dhalinyaro, waxgarad oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maamulka Degmada Xarfo ayaa iyana qeyb ka ahaa soo dhaweynya siyaasi Daad, oo si weyn gobolka looga dareemayo.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay soo dhaweynta oo isugu jira waxgarad haween dhalinyaro iyo Maamulka Degmada ayaa halkaas ka hadlay.

Ugu danbeyna Siyaasi Maxamed Jaamac Yuusuf Daad, ayaa halkaas ka hadlay isagoo ka warbixiyey ujeedka safarkiisa gobolka Mudug

07/07/2025

Hordhac : Daaw sida Degmada Xarfo ee gobolka Mudug loogu soo dhaweeyey Siyaasi Maxamed Jaamac Yuusuf Daad.

Kooshin Media

07/07/2025

Caaqil Siciid Gacamey, oo ka mid Nabadoonada Puntland ayaa Siyaasi Maxamed Jaamac Yuusuf Daad, oo dalka dibadiisa uga yimid xalinta arimaha gobolka Mudug ku amaanay dadaalkiisa iyo Isxilqaankiisa gaarka ah ..

Address


Telephone

+252907743306

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kooshin Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share