
01/04/2025
Waxaan sidaas qoray Xil cabdiraxmaan cabdishakuur warsame
Dunidoo idil waxaa laga walwalayaa xaaladda hubanti la’aan iyo duufaannada isbeddel ee aan la saadaalin karin, waxaa nuxuusay nidaamkii caalamiga ahaa, waxaa hawlgabaya hay’ad wadareedkii, isbahaysiyadii milateri iyo kuwii dhaqaale ee la dhisay dagaalkii labaad ee adduunka kadib sida; Qaramada Midoobay, Baanka Adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka, Hay’adaha Ganacsiga Adduunka, G7, NATO iwm.
Waxaa loo noqonayaa dunidii quwadaha waawayn iyo juqraafi siyaasadeedkii ku dhisnaa ciddii awood leh ayaa saxan. Waxaa lagu socdaa duni la kala guranayo, dowlad walibana ilinkeeda xiranayso, lana saadaalin karin waxaa soo socda.
Xilligan qallafsan, waxaa ka badbaadi kara dowladaha hela hoggaan tawaaduc, fikir indheergarad iyo fogaan arag leh, kuna shaqeeya caqliyad, waaqicinimo, iyo la-qabsiga duruufaha isbedelaya.
Tani maaha, dunidii qabka badawga, qaylodhaanta qabyaaladda iyo qar iska tuur looga samatabaxayey.