Sayruuq News

Sayruuq News the latest news from horn of Africa. Sayruuq.com kala soco wararka Somaliland, gayiga Soomaalida Geeska Afrika & guud ahaan caalamka.

warar xaqiiq ah, warbixino taabanaya arrimaha dhaqan dhaqaale ee Geeska Afrika. fadlan ku xidhnow markasta iyo meel kasta.

Cabdicasiis Samaale ma muxuu badbaadsaday mustaqbalkiisa Siyaasaddeed?Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye kuxigeenka...
10/08/2025

Cabdicasiis Samaale ma muxuu badbaadsaday mustaqbalkiisa Siyaasaddeed?

Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Kulmiye, ayaa u muuqda inuu badbaadsaday mustaqbalkiisa siyaasaddeed ee Kulmiye dhexdiisa, ka dib markii muddo laba sanno dib loo dhigay shirweynaha Xisbigaasi.

Kulmiye oo 14 sanno soo hayey xukunka Somaliland, ayaa doorashadii Madaxtooyada looga guulaystay si aqlabiyad ah, waxaana guul daradaasi keentay in Xisbiga gudihiisa guux ka bilowdo, isla markaana lagu kala aragti duwanaado qaabka loo wajahayo dib u qaabaynta Xisbiga iyo isla xisaabka guul daradaasi.

labada aragtiyood ayaa jira oo ku saabsan wakhtiga la gudo gelayo dib u eegista Kulmiye, labadan aragtiyood ayaa mid salka ku haysan in la qabto shirweynaha Kulmiye bisha Octeber ee sannadkan, halka qaar qabaan in dib loo dhigo shirweynaha, madaama oo imika Xisbigu qaatay liisanka Xisbinimo ee 10 sanno ah.

aragtida h**e ayaa waxa dabada ka riixayey Xubno ka mid ah Guddida fulinta ee Kulmiye, Siyaasiyiin kale iyo xubno kale, kuwaas oo la sheegay in ay haystaan kalsoonida Madaweynihii h**e Somaliland, ahna Guddoomiyihii h**e Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo doonaya in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye si deg deg ah, iyada oo dadka aragtidan aamisan ay warbaahinta ka caddeeyeen mowqifkooda.

Aragtida kale ee dib u dhiga, waxa qaba Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo midaysan iyo xubno ka mid ah kaadiriyiinta iyo Guddida fulinta ee Xisbigaas, waxaanay xubnaha aamisan yihiin in shirweyne imika la qabto ay soo dedejin karto burbur ku yimaada Xisbigaasi iyo kala qaybsanaan mustaqbalka xisbigaas saameysa iyo weliba in xubno hoggaanka qaarkood in ay meesha ka bixi karaan, waxaanay xal u arkeen in ay badbaadsadaan kuraastooda dibna loo dhigo shirweynaha ilaa 2027-ka.

Inkasta oo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye, markii h**e kala shakisnaayeen imika waxay u muuqdaan in ay Jaanta isla heleen, oo ay difaaca xidheen, isla markaana duufaantii dibada kaga imanaysay iska mooseen, madaama midnimadoodu ka caawinayso meel marinta go'aamadooda.

Marka laga yimaado Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin oo ay su'aal gelinayeen sii hoggaamintiisa Kulmiye xubnaha midigta fog ee iyagu u qaadan la' qaabka Xisbigu ugu guuldaraystay doorashadii Madaxtooyada, isla markaana ku eedeynaya Maxamed Kaahin in aanu deegaankiisu Kulmiye cod siin, haddana ninka labaad ee Xisbiga Kulmiye waa Cabdicasiis Samaale, ayaa laftiisu culays saarnaa kaas oo kaga imanayey dhinaca Saaxil oo iyagu wakhtigan u arkayey inuu yahay kaltankoodii dhinaca Siyaasadda ku dhisan deegaamaysiga ee Somaliland, inkasta oo Samaale laftiisu hor damaciisa ugu sadqeeyey Madaxweyne Biixi, uu sugayo abaal celin dhinaca Muuse Biixi ah.

Dib u dhigista Shirweynaha Kulmiye ayaa dadka siyaasadda ka faalooda sheegayaa inuu yahay mid badbaadiyey mustaqbalka siyaasaddeed ee Cabdicasiis Samaale ee hoggaanka Kulmiye iyo saameynta deegaankiisa oo uu soo noolayn karo wakhtigaas labada sanno ah, iyada oo dib u dhigistan ka soo afjari karto culaysyadii kaga imanayey deegaankiisa.

Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo ah siyaasi ku caan ah ololeyaasha hoose iyo kasbashada dadka ayaa cidda ay daaha dibeddiisa ku hirdami doonaan muddooyinka soo socda uu noqon karaa Muuse Biixi, oo isagu doonayaa inuu saamayn iyo talo ku yeesho Mustaqbalka Kulmiye, inkasta oo aanu xil ka hayn Kulmiye.
Saleban Saxansaxo

10/08/2025

Dahabshiil Exchange – Ma doonaysaa inaad sarifto Dollar, Euro, Riyal, ama lacag kale?

macmiil, Xafiisyadayada ku yaalla daafaha dunida, waxaad ka heli kartaa, isku badalka lacagaha cayn kasta oo ay yihiin iyo cadadkasta oo ay leegyihiin.
Meel kasta iyo markastaba noogu kaalay adeeg hufan iyo qiimaha suuqa ugu wanaagsan.

Annaga oo tixgelinayna cabashadii macaamiishayada waxa aannu aqbalnay baaqii, maadaama oo aannu nahay shabakadda ugu bal...
09/08/2025

Annaga oo tixgelinayna cabashadii macaamiishayada waxa aannu aqbalnay baaqii, maadaama oo aannu nahay shabakadda ugu ballaadhan geyiga Somaliland, macaamiishuna waxa ay ku isticmaali doonaan adeegyada qiimayaashii h**e.

Waxa aannu ku faraxsannahay in mar walba naga go’an tahay sidii aannu uga shaqayn lahayn danaha shacabka, gaar ahaan dhallinyarada.

FIIRO-GAAR AH: Daqiiqadihii koobnaa ee aannu daahnay waxa aannu sugaynay tayada adeegyada. Waxa aannu ogaanay in aad si gaar ah noo jeceshihiin maadama oo si lexojeclo ku jirto noola soo xidhiidhayseen.

Alla Mahad leh.

Shirkadda Somtel " Haddaanu nahay shirkadda dadweynaha, waanu aqbalnay baaqiinii."
09/08/2025

Shirkadda Somtel " Haddaanu nahay shirkadda dadweynaha, waanu aqbalnay baaqiinii."

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa ka hadlay qaddiyadda aqoonsiga madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.Madax...
08/08/2025

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa ka hadlay qaddiyadda aqoonsiga madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyna Donald Trump oo wax laga weydiiyay in Maraykanku aqoonsanayo Somaliland haddii ay masaalix muhiim ah ay iska kaashadaan dawladda Washington, waxaanu sheegay in ay arrintaas eegayaan oo ay ka shaqeynayaan hindisahaasi.

"Run ahaantii xiligan waan ka shaqeyneynaa hawshaas, " ayuu yidhi Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Waxa muddooyinkii u dambeeyay si isa soo taraysa u soo xoogaysanayay in maamulka Maraykanku ay danaynayaan inay xidhiidh iskaashi oo istaraatiji ah la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal furfuran oo dimuqraadi ah oo la aamini karo.

Waxana kor u kacay dhaqdhaqaaqyada xildhibaanno baarlamaan, siyaasiyiin iyo machadyadda siyaasadda lafoguraa ay si joogto ah ugu booriyeen madaxweyne Donald Trump inuu aqoonsado JSL, si uu kor ugu qaado dalalka xulafada la ah ee ku yaalla Geeska Afrika iyo badda cas.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa lagu wadaa inuu socdaal uu heshiisyadaas kaga midhodhalinayo dhawaan uu ku tagi doono Maraykanka.

WAR-SAXAAFADEEDTaliska Booliska JSL waxa uu ka war helay in dad ujeeddooyin kala duwan leh ay baraha bulshada ka wadaan ...
08/08/2025

WAR-SAXAAFADEED

Taliska Booliska JSL waxa uu ka war helay in dad ujeeddooyin kala duwan leh ay baraha bulshada ka wadaan dhaqdhaqaaqyo abaabulaya dibad-baxyo ka dhan ah qiime kordhinta ay qaar ka mid ah shirkadaha bixiya adeegga internetka dalka soo rogeen.

Iyadoo laga duulayo waajibaadka sharci ee ka saaran ilaalinta amniga, Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu muwaadiniinta xusuusinayaa in xeerarka dalka ay si cad u nidaamiyeen dibad-baxyada dadweynaha, kuwaas oo shuruud ahaan u baahan ogolaansho rasmi ah oo ay bixiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Sidaas darteed, si loo ilaaliyo amniga guud iyo badqabka hantida muwaadiniinta, lama oggolaan doono wax nooc kasta oo dibad-bax ah oo aan haysan fasax qoraal ah oo ka yimid Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Sidoo kale, muwaadiniinta waxaa lagu wargelinayaa in hay’adaha xukuumadda ee khuseeya arrinta qiime kordhinta ay soo saari doonaan war rasmi ah.

Taliska Boolisku waxa uu mar labaad ugu baaqayaa dhammaan muwaadiniinta in ay u hoggaansamaan shuruucda dalka, isla markaana ay ilaaliyaan nabadgelyada iyo kala dambeynta.

Shakhsiyaadka ku hawlan dhaqdhaqaaqyo ka hor imanaya shuruucda dalka waxaa lagu wargelinayaa in tallaabo sharci ah laga qaadi doono haddii aanay ka waantoobin falalkaas.

Waa kuma taliyaha ciidanka boolisku? W/Q Xildhibaan GuruujeDad badan ayaa is waydiin doona tolow muxuu uga jeedaa suaash...
07/08/2025

Waa kuma taliyaha ciidanka boolisku? W/Q Xildhibaan Guruuje

Dad badan ayaa is waydiin doona tolow muxuu uga jeedaa suaasha uu soo qadimey maanta, dad kalena waxaa maskaxdooda kusoo dhici doonta magaca taliyaha ciidanka booliska, laakiin anigu sida aan ujeedaa sidaas maaha .

Sida uu qeexayo distoorka jamuuuriyada Somaliland madaxwaynuhu waa taliyaha guud ee ciidamada oo dhan ( Cheif commonder of national army forceses) sidoo kale sida uu dhigayo xeerka ciidanka boolisku madaxwaynuhu waa taliyaha guud ee ciidanka booliska.

Sidaas markey tahey, soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nin wayn waxbaa la xasuusiyaaye madaxwaynaha waxaan xasuusin lahaa.

1. In uu si joogto ah ula socdo dhaqdhaqaaqyada ciidanka booliska, radio si joogto u dhagaysto intii suurta gal ah .

2. In uu ku sameeyo kormeero kedis ah iyo qiimayn joogto ah .

3 . In uu la xisaabtanka iyo la shaqaynta ciidanka booliska joogteeyo .

Ciidanka booliska iyo madaxwayne Cigaal.

Alla ha u naxariistee madaxwayne Cigaal wuxuu dabeecad u lahaa in uu si joogto ah u dhagaysto radio ciidanka, kana jawaab celiyo xogta uu helo , waxaanan ka xusayaa sadex dhacdo .

1. 1996 waxaa kusoo noqnoqday magaalada hargaysa magaca nin dhawr jeer la sheegey in uu weeraro gaystay , madaxwayne Cigaal waraaq toosa oo ninkaas, magaciisa iyo aqoonsigiisu ku qoran yahey ayuu soo saaray oo uu ku amrayo in lasoo qabto .

2. Mar kale madaxwayne Cigaal wuxuu radio booliska ka maqlay nin ladaba socday oo raacay baabuurka nin xildhibaan ah , ka dibna subaxnimadii ayuu u yeedhey ninkii xildhibaanka ahaa , aadna u canaantay .

3. Mar kale sanadkii 2000 ayaa qarax yari ka dhacey meel hargaysa ka mid ah, isla daqiiqadii ayuu lasoo hadlay taliyhii booliska oo goobtii wax ka dhaceen jooga .

Si kastaba ha ahaatee markasta oo saraakiisha amnigu ay ogaadaan in madaxwaynuhu xoog ula socdo shaqadoodu waxa aysii kordhiyaan dadaalkooda .

"Maxamed Kaahinow Hadaad maalin kasta sacad muuse khiyaamaynayso iyaga oo soo taagan, aniga ima khiyaamayn kartid" Siyaa...
06/08/2025

"Maxamed Kaahinow Hadaad maalin kasta sacad muuse khiyaamaynayso iyaga oo soo taagan, aniga ima khiyaamayn kartid" Siyaasi Rooda Cabdi Muuse

Anigoo ka mid ah gudida fulinta xisbiga kulmiye aniga iyo xubnaha saamiga uruurkii ogaal ku matala gudida fulinta oo leh aqbalaada go, aan gaadhista shir

Maanu ogayn layskumana waafaqsanayn dib u dhigista shirka kulmiye,

Waxaanu ku waabarisanay warqad maxmed kaahin ka soo qoray gurigiisa xalay, oo aan cidna ogayn oo shiine akhriyaayo

Maxamed kaahin wuu ogyahay in aan ka mid ahay saamileeyda kulmiye, waliba kharashka aanu uruur ahaan maxmed kaahin ku leenahay ee uu saxeexay wuu garanayaa xadiga uu leegyahay,

Hadii maxamed kaahin gardarada iyo burburinta xisbiga joojin waayo, isagoo intaa leeg oo cidi isticmaalayso oo siyaasad rag kale uu fulinaayo, sida aanu ognahay ,
Cidna k**a xishoonayso,
Hadaad maalin kasta sacad muuse khiyaamaynayso iyaga oo soo taagan, aniga ima khiyaamayn kartid.

Aniga rooda ah iyo kaahin maxk**ad ayaa nakala saari,

Hadii sharciga ciro shaqayn waayo na , anigu warwar ma qabo waxaan ahay rer berbera, oo leh go, aanka dawladnimo iyo dawlad la, aanta,

Siyaasi Rooda Cabdi Muuse

Muuse Biixi oo gaashaanka u daruuray Go’aankii Maxamed Kaahin.Madaxweynihii h**e Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi aya...
06/08/2025

Muuse Biixi oo gaashaanka u daruuray Go’aankii Maxamed Kaahin.

Madaxweynihii h**e Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qaadacay Go’aanka dib loogu dhigay Shir weynihii xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye.

Sida uu baahiyey Telefiishanka madaxa banaan ee HCTV Ex Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in aan Go’aan kaasi aan waxba lagala socod siin maadama oo uu yahay Odaygii Xisbiga.

Arrinta qaadacada Madaxweyne h**e Biixi uu kaga hor yimi Go’aanka uu mudo Laba sanno ah dib ugu dhigay shirkaasi ayaa sababi kara Muran kale iyo Khilaaf siyaaaadeed oo hadheeya guddaha Kulmiye.

Garbyada uu u kala fadhiyo xisbiga Kulmiye ayaa iyaguna qaarkood ay maanta Da’dafeeyeen dib dhaca shirkaasi.

𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙆𝙪𝙡𝙢𝙞𝙮𝙚 𝙈𝙪𝙙𝙙𝙤 𝙆𝙤𝙧𝙙𝙝𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙇𝙤𝙤 𝙎𝙖𝙢𝙢𝙚𝙚𝙮𝙖𝙮 𝙒𝙖𝙖 𝙃𝙖𝙬𝙤 𝘾𝙖𝙖𝙛𝙞𝙢𝙖𝙖𝙙--------------------------------------------------------...
06/08/2025

𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙆𝙪𝙡𝙢𝙞𝙮𝙚 𝙈𝙪𝙙𝙙𝙤 𝙆𝙤𝙧𝙙𝙝𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙇𝙤𝙤 𝙎𝙖𝙢𝙢𝙚𝙚𝙮𝙖𝙮 𝙒𝙖𝙖 𝙃𝙖𝙬𝙤 𝘾𝙖𝙖𝙛𝙞𝙢𝙖𝙖𝙙
-------------------------------------------------------------------"Xisbiga Kulmiye Waa Xisbiga Ugu Wayn Asaxaabta Siyaasadeed Ee Dalka Ka Jirta, Waaxa La Odhan Kara Waa Xisbiga Dhalay Ee Ay Ka Sammaysmeen Labada Xisbi Ee KAAH Iyo WADDANI-ba,

Hoggaanka Xidbiga KAAH Iyo Hoggaanka Xisbiga WADDANI-ba Waa Madaxdii Kulmiye Ee Shalay, Kulmiye Maaha Xisbi Laga Shaki-karo Awoodihiisa Siyaasadeed Ee Uu Dalka Ku Leeyahay.

Xisbiga Kulmiye Waa Xisbiga Qudha Ee Laba Jeer Waddankan Soo Hoggaamiyay, Immikana Maaha Xisbi Dhayal-dhayal Looga Dayrin-karo Awoodihiisa Siyaasiga Ah Waxa Hoggaaminayaa Siyaasi-wayn Oo Ka Mid Haldoorkii SNM Raggii Ugu Mudnaa Mujaahid Mohamed Kaahin Ahmed Iyo Siyaasiga Ruugcaddaaga Ah Ee Cabdicasiis Maxamed Sammaale,

Xisbiga Kulmiye Waa Run Waxa Uu Doonnaayay Innuu Shirwaynihiisa Bisha October Ee Sannadkan Uu Qabsado Si Dimuquraadiya Lkn Marka Laga Tago Isriix-riixa Xisbiga Dhexdiisa Ee Dhinaca Hanka Iyo Himmilooyinka Xisbiga,

Waxa Soo Baxday Arrin Layaabkeeda Leh Oo Faragalin Dibadda Ah, Taas Oo Keentay In Xisbiga Kulmiye Uu Taariikhda Markii Koowaad Laba Xafiis Yeesho, Xafiis Xarunta Xisbiga Kutaal Oo Hoggaanka Xisbigu Hawlaha Xisbiga Ka Wado Iyo Xafiis Ku Yaalla Guriga Madaxwaynihii H**e Ee JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Marka Laga Tago Xafiiska Rasmiga Ah Ee Xisbiga Kulmiye, Xafiiska Kale Ee Ka Furan Guriga Ina Biixi Waxa La Odhan-karaa Waaka Sababay In Xisbigu Uu Jaho-siyaasi Ah Yeelan-waayo, Sababtoo Ah Waxa Maalinkasta Laga Fuliyaa Caqabado Raggaadinnaaya Geddi-socodka Siyaasiga Ah Ee Xisbiga Kulmiye Ku Soo Caano-maalay,

Ina Biixi Madaxwaynihii H**e Halkuu Ka Noqon-lahaa Oday Qaran Oo Xisbiga Iyo Dalkaba Oday U Ah, Waxa Uu Bilaabay Innuu Xisbigii Dibadda Hoggaan Kale Oo Gacan Ku Rimis Uu Ugu Sammeeyo, Isagoo Iska Indha-tiraaya Raggii Xisbigan Aas-aaskiisa Lahaa Isagana Labada Jeer Dhisay.

Waxa La-yidhi Haddii Aannu Hoggaamiyuhu Abbaal Lahayn Waa Neef Xoolo Ah Oo Gabno Ah, Neefkaasina Dhashiisana Ma Koriyo Cid Kalena Faaiido Uma Laha, Siyaasigu Waa Innuu Abbaal Leeyahay Oo Uu Qiraa Raggii Abbaalka Soo Gashaday Wakhtiyaddii Uu Hanka Madaxtinimo Lahaa,

Hoggaanka Kulmiye Ee Rasmiga Ahi Mujaahid Maxamed Kaahin Iyo Siyaasi Cabdicasiis Sammaale Iyo Dhammaan Kaadiriska Xisbiga Kulmiye Markay La-yaabeen Faragalintan Qaawan Ee Dibadda Xisbiga Kaga Socota In Badan-na Ay U Soo Dulqaadannaayeen, Waxay Go'aan Culus Oo Ay U Dhan Yihiin Ku Qaateen In Shirwaynaha Xisbiga Dib Loo Dhigo Illaa Sannadka 2027-ka,

Tallaabadaas Oo Lagu Micnneeyay In Xisbiga Midnimadiisa Muddadaas Laga Shaqayn-doono Si Ay Xisbiga Ugu Soo Gasho Hawo Caafimaad-qabtaa, Maaha Tallaabadan Dib U Dhigista Shirwaynaha Xisbigu Tii Koowaad Ee Sammeeyo Xisbigu Lkn Waa Dhaqan Siyaasiya Oo Xisbiga Kulmiye Leeyahay Marka Uu Doonnaayo Innuu Daaqadaha Naacawda Furto"

𝘼𝙡𝙡𝙖𝙖-𝙢𝙖𝙝𝙖𝙙𝙡𝙚𝙝

𝘍𝘢𝘭𝘢𝘯𝘲𝘦𝘦𝘺𝘦 Cabdiraxmaan Axmed ✍️

04/08/2025

𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥 𝐰𝐚𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐪𝐮𝐫𝐛𝐚𝐣𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐞𝐞𝐧𝐧𝐚 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨

Intii lagu guda jiray 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐔𝐬𝐛𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐛𝐚𝐣𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚, shirkadda Dahabshiil ayaa si gaar ah loo xusay doorkeeda istaraatiijiga ah ee ay ku leedahay isku xidhka dhaqaale ee u dhexeeya qurbajoogta iyo dalka.

Dahabshiil, oo ka mid ah shirkadaha hormuudka u ah adeegyada maaliyadeed ee gobolka, ayaa si joogto ah u fududeysa dirista xawaaladaha iyo maalgashiga ka yimaada qurbaha, taas oo door muhiim ah ka qaadata xasilloonida iyo kobaca dhaqaalaha dalka gudihiisa.

Adeegyada casriga ah ee shirkaddu ay bixiso – sida Dahabshiil App, DahabPlus, eDahab iyo Bangiga Dahabshil – ayaa noqday xudunta isku xidhka dhaqaalaha ee u dhexeeya dadweynaha Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida iyo ehelkooda ku sugan dalka gudihiisa.

Asalaamu Calaykum Walaalayaal wakhti ay diin tahayba wanaagsan!.Magacaygu waa Xaliimo Jaamac Xasan, waxaan deganahay mag...
04/08/2025

Asalaamu Calaykum Walaalayaal wakhti ay diin tahayba wanaagsan!.

Magacaygu waa Xaliimo Jaamac Xasan, waxaan deganahay magaalada burco, aduunyadu waa imtixaan, waan garanayaa in qof walba uu la tacaalayo noloshiisa iyo waayaha aduunka, balse maanta waxaan si dhab ah idiinla wadaagayaa xaaladayda caafimaad anoo ah hooyo da’yar oo 5 cauura haysta oo muddooyinkii u dambaysay xanuun la jiifta.

Ugu horrayn haddii aan idiinka warramo sida lay helay iyo xanuunkaygu waxa uu ka bilaambay ayaa ah jabniin dhawr jeera oo lugta midig iga soo gaadhay, ilaaa dhawr jeer baa anoo gurigayga masaxanaya ku siibtay marmarka oo aan jabay, marar kele oo aan dhacay oo uu sii kala dhacayna way jirtay, markaa jabniinkaa badani wuxuu keenay in seeduhu debcaan, oo aan adinkiiba qaadi kari waayo, dhakhtarro wadanka ah oo aan tegay waxay yidhaahdeen wadanka waxba lagagama qaban karo waxaad u baahantahay qaliin debedda ah oo dhanka seedaha ah iyo weliba kabniinyo fiican.
Halkaa markay marayso qarash baan uruursaday igu qaatay muddo dhawr bilood ku dhow, ugu dambayn waxaan aaday hindiya, iyaguna qaliin bay igu sameeyeen, markii qaliinka laygu sameeyeyna muddo kele ayaanu sii joognay, aakhirkii waan ka imi anoo la moodo inaan soo kabanayo.
Markii aan wadanka imi oo aan muddo joogay, ayaan lugtii ama addinkii layga qalay culays badan ka dareemay, oo itaalkiisii iyo awoodiiba way yaraadeen xataa heer aan gaadhay inaan sooba qaadi kari waayo lugta, aakhirkii adinkii wuu dhaqaaq daayey, kii kele ee isna ii badka qabayna wuu raacay heer aan gaadhay in ilaa wixii labada miskood ka hooseeyaaba ay dhaqaaq gabaan oo aan baaralays noqdo, waase AllE amarkiisa iyo qaddarta ee EEBBE.

Waxaan iminka sariir fadhiyey in ka badan 2 sano, ma socon karo, ma istaagi karo, kaadidu way iga qubanaysaa, oo xafaayad baa ii xidhan. Danahaygii, shaqadaydii, waajibkaygii hooyonimo iyo dhammaan wax kasta oo hammi ah oo aan lahaa wuu xidhmay. Wax badan ayaan sabray, waayo waxaan aaminsanahay in samirku uu yahay furaha kheyrka. Laakiin maanta, waxaan dareemayaa in aanan awoodi karayn inaan kaligay sii qaado culayska i haysta sababtoo ah waxaan ahaa hooyo dhalin yara ah mustaqbal leh carruurtayduna waa yaryar. Indhahooda ayaan ka dareemayaa xaaladda adag ee ay qudhoodu wajahayaan iyo su’aalaha badan ee aanan jawaabta u haynin. Waxaan dareemayaa murugo markaan arko inaanan awoodin inaan u noqdo hooyadood sidii ay i mudnaayeen.

Dhaqaatiir badan oo gudaha ah waan tegay, baadhitaanno badan ayaa laygu sameeyey, laakiin ilaa hadda wax xal ah lama helin, waxayse igula taliyeen inaan aado dhakhtar debedda ah.

Waxaan ahay hooyadaa dhibaataysan ee xaaladaa adag ku jirta ee 5 caruura haysata, dhaca wasaarada wax barashada oo aan ka tirsanaa, maadaama aan macalimad ahaa, adduun iyo dhaqaale aan dhakhtar debedda ah ku tagaana ma jiro, mana haysto daryeel buuxa, mana ogi qof maanta xaaladayda caafimaad kafaala qaadan karayaa, in badan waan aamusnaa waanse aamusi kari waayey.

WEYNAHA i abuuray iyo dawlddayda sharafta leh ee uu Cabdiraxmaan Cirro madaxweynaha ka yahay ayuun baan haysta, weliba Cabdiraxmaan cirro waa adeerkay marka la eego dhanka qabiilka, cid ii geysa iyo meel aan u maraba waan waayey hadii uu xataa i caawin lahaa, anoo og inu i caawin lahaa madaxweynahaygu.

Qofku marka uu caafimaadka qabo waala jecel yahay waana la wataa, lkn maalinta ay dantu kuu run sheegto waa laga tegayaa.

Waxaan ka codsanayaa walalahayga muslimiinta ah iyo cidkasta oo i caawin karaysaa inay soo caawiso, walal ifkaa wax laysugu yahee isoo caawiya waa intoo aan shimbir ka helaa caawintiinee, iina soo duceeya in AllE caafimaad sareecana isiiyo aniga iyo inta ila midka ahba.

Numberadayduna waakuwan hoos ku qoran
Zaad: 00252634016780 xaalimo jaamca xasa
Edahab: 00252659326529 xaliimo jaamac xasan
Qore Xalimo Degan xalimo jamac

Address

Gaariye Street
Hargeisa
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sayruuq News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sayruuq News:

Share

Our Story

Mareeg ku suntan qaada-dhigga siyaasadda Mandaqada geeska Afrika, arrimaha bulshada iyo dhamaan ilwareedyada khuseeya somaliland, Somalia, Jabuuti, DDSI, NFD iyo meelaha kale ee Soomaalidu degto. .