Iska sugo

Iska sugo Local News

11/03/2026

Kumaandooska Danab oo la Dabaal Dagaayo shacabka Deeganka xawadley oo manta gacanta Kumaandooska Danab soo gashay

Halkaan isha ku haay

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa maanta si Buuxda gudaha ugu galay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kad...
11/03/2026

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa maanta si Buuxda gudaha ugu galay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib howlgal qorsheysan oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida deegaanka.

Howlgalkaan ayaa dhacay iyadoo si gaar ah loo ilaalinayo badqabka shacabka ku nool deegaanka, ciidamada ayaana sameeyay baaritaanno iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee Xawaadley.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo amniga si shacabka ay ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni.

Faahfaahin dheeraad ah kala soco wararkayaga dambe.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Korneel Abdicasiis Xuseen Maxamed ( Military ) ayaa Kormeer iyo dhiirrigel...
02/03/2026

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Korneel Abdicasiis Xuseen Maxamed ( Military ) ayaa Kormeer iyo dhiirrigelin ku tagay Taliska Ciidamada Danab ee Balidogle, halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha, saraakiil-xigeennada iyo askarta ku sugan xerada.

Intii uu socday booqashada, Taliyaha ayaa abaalmarinno guddoonsiiyey askarta, saraakiisha iyo saraakiil-xigeennada Ururka 161-aad ee Guutada 16’aad Komaandoska Danab, kuwaas oo dhawaanahaan ka waday gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe howlgal qorsheysan oo isugu jiray cirka iyo dhulka.

Cutubyadan ayaa bil ka hor si guul leh uga saaray kooxda Khawaarijta deegaanka Jabad Godane, iyagoo muujiyey geesinimo, adkeysi iyo wada-shaqeyn heer sare ah.

Taliyaha ayaa ku ammaanay ciidanka dadaalkooda, naf-hurnimadooda iyo sida ay mar walba uga go’an tahay difaaca dalka, dadka iyo diinta, isagoo ku boorriyey in ay sii xoojiyaan howlaha amniga lagu xaqiijinayo.

Ururka 161-aad Guutada 16’aad  Komaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanada Kala ah  Leego i...
17/02/2026

Ururka 161-aad Guutada 16’aad Komaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanada Kala ah Leego iyo saaxweyn ee Gobolka Baay, kuwaas oo lagu xoojinayo amniga iyo nabadgelyada guud

Howlgalladan ayaa ujeeddadoodu ahayd in laga hortago weerarro ay maleeshiyaadka qorsheyn karaan, gaar ahaan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, si loo sugo badbaadiyo shacabka iyo goobaha cibaadada.

Intii ay socdeen howlgallada, ciidamada ayaa sameeyay baaritaanno amni, hubinta gaadiidka ayagoo si dhow ula shaqeynayay bulshada deegaanka. Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo xasilloonida iyo amniga gobolka.

Ciidamada Danab ayaa mar kale muujiyay doorkooda muhiimka ah ee difaaca dalka iyo ilaalinta shacabka, iyagoo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan howlgallada amni ee ka dhanka ah cadowga nabadda diidan.

31/01/2026

Geesiyaasha Qaranka kumaandooska Danab

30/01/2026

Todobaadka Tagay iyo Howlgalada Guulaystey oo ay Fuliyeen Kumandooska Danab Fadhiyadooda Kala Duban

Howlgalkan oo ay fuliyeen Ciidanka Kumaandooska Danab XDS, gaar ahaan Ururka 161’aad, ayaa lagu xaqiijiyey guulo amni ka...
28/01/2026

Howlgalkan oo ay fuliyeen Ciidanka Kumaandooska Danab XDS, gaar ahaan Ururka 161’aad, ayaa lagu xaqiijiyey guulo amni kadib markii ciidamada ay meydadka baqtiga Khawaariijta (Eeyaha Naarta) ku arkeen dhowr goobood oo ka tirsan howdka degaanka Gabad Godane, gobolka Shabeellaha Dhexe.

Meydadka la helay ayaa yaallay goobo ay dagaallo culus ka dhaceen, kuwaas oo ay Khawaariijtu awoodi waayeen in ay ka qaataan xilliyadii lagu jiray iska hor-imaadyada, taasoo muujinaysa khasaarihii baaxadda lahaa ee lagu gaarsiiyey.

27/01/2026

Fariin Ka timid Geesiyaasha Ururka 161’aad Danab oo ku socoto Khawaariijta

27/01/2026

Ciidanka Danab Ururka 161’aad Kaalinta Muuqada oo ay ka geysteen Deegaanka Jabad Godane.

27/01/2026

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad, ayaa guul weyn ka gaaray howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Khawaariijta, kadib markii ay si buuxda u burburiyeen godadkii iyo xarumihii ay Khawaariijtu ku sameysteen dhulka hawdka ah.

In Diiriye

Address

Wanlaweyn

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Iska sugo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Iska sugo:

Shortcuts

Share