Ururka 161-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab

Ururka 161-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Local News

17/12/2025

Ciidanka kumaandooska Danab ururka 161'aad iyo Cutubka Gawaarida Gaashaman ee MU oo Fariisimihii Khawaarijta ka Xoreeyay Basro, Baqdaad & Janbaluul

Ciidanka Kumaandooska Danab ururka 161-aad oo garab ka helaya cutubka Gawaarida Gaashaman ee MU, Oo Howlgallo Qorsheysan...
17/12/2025

Ciidanka Kumaandooska Danab ururka 161-aad oo garab ka helaya cutubka Gawaarida Gaashaman ee MU, Oo Howlgallo Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose

Basro, Baqdaad, Janbaluul – 17/12/2025

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ururka 161-aad, oo garab ka helaya cutubka Gawaarida Gaashaman ee MU, ayaa howlgallo qorsheysan oo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanada Basro, Baqdaad, Janbaluul iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa si rasmi ah uga bilowday deegaanka Basro, halkaas oo ciidanka Danab ay ku ogaadeen godod iyo meelo gabaad u ahaa Khawaarijta. Godadkaasi ayaa waxaa ka cararay maleeshiyaadkii halkaas ku jiray, markii ay ku war heleen dhaq-dhaqaaqa iyo awoodda ciidamada Qaranka. Ciidanka Danab ayaa soo bandhigay godkaasi, taas oo caddeyn u ah in Khawaarijtu aysan u adkeysan karin cadaadiska iyo awoodda ciidamada Danab.

Ciidanka Danab ayaa sidoo kale gudaha u galay deegaanka Baqdaad, oo ka mid ahaa fariisimihii istiraatiijiga ahaa ee Khawaarijta Maleeshiyaadkii halkaas ku sugnaa ayaa isaga cararay deegaanka, waxaana gabi ahaanba loo xaqiijiyay amniga iyo nabadgelyada shacabka.

Geesiyaasha Danab ee Ururka 161-aad, oo uu garab xoogan siinayo Cutubka Gawaarida Gaashaman ee MU, ayaa sii watay howlgalka, iyagoo si guul leh u gaaray deegaanka Janbaluul, halkaas oo ay ka wadaan hawlgallo lagu raadraacayo kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah.

Ujeedka ugu weyn ee howlgalka ayaa ahaa:

In la burburiyo goobaha gabaadka u ahaa Khawaarijta

In lasoo afjaro dhaq-dhaqaaqii maleeshiyadu ku lahaayeen gobolka

In la xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaanka

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa mar kale muujiyay geesinimo, xirfad sare iyo sida ay uga go’an tahay difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo ciribtirka argagixisada dalka dhibaateysay.

— DHAMMAAD —

16/12/2025

Ururka 164’aad Guutada 16’aad kumaandooska Danab ayaa Howgalo Culus ka wada Deegaano Hoos Taga Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Axmad Nuur Daahiye

15/12/2025

Shacabka Ku Dhaqan Deegaanada Jiinka Wabiga Juba Oo Ay Saraakiisha Danab Kula Hadleen.

15/12/2025

Howlgal Cirka iyo Dhulka oo Ka Dhacay Degmada Jamaame

Maxamed Dhayib

📍 Jubbada Hoose | Taariikh: 12-ka Diseembar, 2025Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS),  iyo ku...
15/12/2025

📍 Jubbada Hoose | Taariikh: 12-ka Diseembar, 2025

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), iyo kuwa jubaland oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa si guul leh u fuliyay hawlgal isugu jiray dhulka iyo duqeymo dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Khawaarijta Al-Shabaab. Howlgalka ayaa ka dhacay deegaannada Baladu Raxma, Maana Moofo, Magaanbo, Fagaan, iyo Kabsuuma oo dhamaantod hoostaga Degmada Jamaame, Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaana hawgalka dhexdiisa la fuliyay ilaa 8 duqeyn dhanka cirka ah iyo dagaal toos ah , taasoo keentay in khasaaro weyn lagu gaarsiiyo kooxda argagixisada. Waxaana la burburiyay
• 3 mooto
• 5 doonyood,
kuwaas oo maleeshiyaadku u adeegsanayen dagaalka iyo weerarro ka dhan ah shacabka iyo Ciidamada Qaranka.

Inta lagu jiro howlgalka, ciidamadu waxa ay dileen 21 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, islamarkaana burburiyeen hub iyo qalab militari oo argagixisadu lahayd, taasoo si weyn u daciiftay awooddii maleeshiyaadka ee deegaanka.

Hawlgalkan qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Danab, kuwa Jubbaland, iyo garab caalami ah ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee loogu jiro in la ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee dalka ka howlgala, lagana hortago dhibaatooyinka ay u gaysan karaan shacabka rayidka ah iyo amniga dalka. 

Ciidanka kumadoosja Soomaaliyeed ee danab waxay mar kale ku adkaynayaan go’aankooda ah inay sii wadaan howlgallada lagula dagaalamayo khawaarijta

Dhamaad

14/12/2025

Todobaadkii Tagay Howlgalada Guuleystay Oo ay Ciidanka Danab Fadhiyadooda Kala Duwan ay Fuliyeen.

*Ururka 164-aad Guutada 16’aad Kumaandooska Danab* ayaa maanta si guul leh u fuliyay *howlgallo culus oo qorshaysan* oo ...
13/12/2025

*Ururka 164-aad Guutada 16’aad Kumaandooska Danab* ayaa maanta si guul leh u fuliyay *howlgallo culus oo qorshaysan* oo ka dhacay deegaannada *Daaru Salaam iyo Xagarey*, kuwaas oo hoos yimaada *gobolka Shabeellaha Dhexe*.

Howlgalladan oo lagu beegsaday kooxaha Khawaarijta ah ayaa lagu gaarsiiyay *jab culus oo ah kii ugu darnaa muddooyinkii u dambeeyay*. Xogaha sirdoonka ee la helay waxay xaqiijinayaan in *cadawgu uu ku waayay tiro badan oo meyd ah iyo dhaawacyo culus*, iyadoo ay si isdaba joog ah u kordhayaan khasaaraha Khawaarijta.

Ciidamada Danab Gaar Ahaan ururka 164-aad waxay muujiyeen *geesinimo, xirfad iyo istaraatijiyad sare*, taasoo keentay in si buuxda loo jabiyo iska caabbintii cadawga. *Guushaan waxay astaan u tahay adkaysiga iyo hannaanka joogtada ah ee lagu sifeynayo dalka*.

*Taliska Danab* wuxuu mar kale ku celinayaa go’aankiisa ah in uusan marnaba u dulqaadan doonin wax kasta oo carqaladeeya xasilloonida dalka. Howlgallada nadiifinta Khawaarijta ayaa sii socon doona ilaa laga xaqiijiyo amniga buuxa ee shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgallo Culus ka Wada Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha DhexeCiidanka Kumaandoosk...
13/12/2025

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgallo Culus ka Wada Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Danab, gaar ahaan Ururka 164’aad, ayaa howlgallo culus oo qorsheysan ka wada deegaannada Daaru Salaam iyo Xagarey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya halkaas.

Howlgalladan oo ah kuwa isku dhafan (cir iyo dhul) ayaa si xiriir ah u socda, iyadoo Ciidanka Danab ay muujinayaan feejignaan, adkeysi iyo karti sare. Ujeeddada howlgalladu waa in la burburiyo gabaadyada Khawaarijta, lagana ciribtiro awood kasta oo ay ku leeyihiin deegaannadaasi.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa si xeel dheer u baadi-goobaya goobaha ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan, iyadoo howlgalladu ay si gaar ah uga socdaan Daaru Salaam iyo Xagarey, kuwaas oo ku yaalla aagag istiraatiiji ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa adkeeyay in howlgalladani ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku ciribtirayaan Khawaarijta, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga guud ee shacabka ku nool deegaannadaasi.

Ugu dambeyn, Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab wuxuu bogaadinayaa geesiyaasha fulinaya howlgallada, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan Ciidanka Qaranka, isla markaana ay la wadaagaan xog kasta oo wax ku ool u noqon karta sugidda amniga.

Guul Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Guul Kumaandooska Danab

10/12/2025

Ururka 161’aad Iyo Kuwa Gawaarida Gaashaaman Ee Danab ayaa Howlgal Ka Fuliyay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Maxamed Diiriye

09/12/2025

Ciidanka kumaandooska Danab oo Howlgal Ka Fuliyey Deegaanka Towfiq ee Gobolka Shabeelaha Hoose kuna Soo Qabtay Maleeshiyaad Khawaarij ah”

Mahammed Diiriye

WAR-SAXAAFADEEDCiidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka fuliyey deegaanka Towf...
09/12/2025

WAR-SAXAAFADEED
Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka fuliyey deegaanka Towfiiq ee hoos taga degmada Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan waxaa lagu soo qabtay labo dhagar-qabe oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta argagixisada, kuwaas oo ku howlanaa baad iyo dhibaateynta shacabka deegaanka.

Mid ka mid ah dhagar-qabayaashan, oo lagu magacaabo Sakariye, ayaa baaritaan kadib lagu ogaaday inuu yahay wiil uu dhalay Macallin Cabdirahmaan, oo ka mid ah horjoogayaasha Khawaarijta ee ay Ciidamada Qaranku ku raad joogaan.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay mooto ay argagixisadu u adeegsan jireen gaadiid ahaan, hub iyo agab kale oo muujinaya maleegidda falal argagixiso oo ka dhan ah dadka rayidka ah.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo canaasirta Khawaarijta, laguna xaqiijinayo nabadda iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Address

Wanlaweyn

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka 161-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ururka 161-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab:

Share