06/06/2026
🎉 OGAYSIIS MUHIIM AH 🎉
Waxaa si sharaf iyo maamuus leh loogu wargelinayaa dhammaan shacabka degmada Wanlaweyn, mas'uuliyiinta dowladda, odayaasha dhaqanka, culimaa'udiinka, bahda caafimaadka, haweenka, dhallinyarada iyo marti-sharafta kale in ay kasoo qayb galaan:
🏥 Xafladda Xarig-jarista iyo Furitaanka Isbitaalka Degmada Wanlaweyn
Munaasabaddan oo astaan u ah horumar iyo adeeg caafimaad oo bulshada loogu talagalay, waxaa lagu soo bandhigi doonaa muhiimadda uu isbitaalkani u leeyahay bulshada iyo adeegyada uu bixin doono.
📅 Taariikh: 7/6/2026
🕘 Saacadda: 4:00PM Galabnimo
📍 Goobta: Isbitaalka Degmada Wanlaweyn
Ka soo qaybgalkaaga wuxuu dhiirrigelin u yahay horumarka adeegyada caafimaadka iyo wadajirka bulshada.
Ku soo dhowaada gacmo furan!