RADIO Wanlaweyn FM

RADIO Wanlaweyn FM "The official page of Radio Wanlaweyn. RW is one of the local radio stations in Somalia.""

19/10/2025

π–¬π–Ίπ—Šπ–Ίπ–Ίπ—‹ π–²π–Ίπ—€π–Ίπ–Ίπ—‹π—ˆ π–’π—ˆπ—‡π—Œπ—π—‹π—Žπ–Όπ—π—‚π—ˆπ—‡ π–’π—ˆπ—†π—‰π–Ίπ—‡π—’ 𝗐𝖺𝗑𝖺𝗒 π—„π—Žπ—Ž π–½π—π—‚π—Œπ–Ίπ—’π—Œπ–Ίπ–Ί π—€π—Žπ—‹π—’π—ˆ π—π–Ίπ—’π—ˆ π—Œπ–Ίπ—‹π–Ύ 𝗅𝖾𝗁, π—ˆπ—ˆ π—…π–Ίπ—€π—Žπ—Žπ—€π—Ž π–½π—π–Ίπ—†π–Ύπ—’π—‡π–Ίπ—’π—ˆ π—π–Ίπ—Šπ—π—‚π—€π—‚π—‚ 𝖻𝖺𝗅𝗅𝖺𝗇𝗍𝖺.
π–ͺπ–Ίπ—…π—Œπ—ˆπ—ˆπ—‡π—‚, 𝗑𝗂𝗋𝖿𝖺𝖽, π—‚π—’π—ˆ π—‡π–Ίπ—π—‚π—‚π—ƒπ—ˆ 𝖺𝖺𝖽 π—„π—Ž π–Ώπ–Ίπ—‹π–Ίπ—‘π–½π—ˆ.
π–΄π—€π—Ž π—‚π—†π—ˆπ— π–¬π–Ίπ—Šπ–Ίπ–Ίπ—‹ π–²π–Ίπ—€π–Ίπ–Ίπ—‹π—ˆ π–’π—ˆπ—‡π—Œπ—π—‹π—Žπ–Όπ—π—‚π—ˆπ—‡ 𝗁𝖺𝖽𝖽𝖺 𝗐𝖺𝖺 π—π–Ίπ—Šπ—π—‚π—€π—‚π—‚ π—€π—Žπ—‹π—‚π—€π–Ίπ–Ίπ—€π–Ί 𝗋𝗂𝗒𝖺𝖽𝖺 π—…π–Ίπ—€π—Ž π–½π—π—‚π—Œπ—‚ 𝗅𝖺𝗁𝖺𝖺.
𝖫𝖺 π—Œπ—ˆπ—ˆ 𝗑𝗂𝗋𝗂𝗂𝗋 π–¬π–Ίπ—Šπ–Ίπ–Ίπ—‹ π–²π–Ίπ—€π–Ίπ–Ίπ—‹π—ˆ π–’π—ˆπ—‡π—Œπ—π—‹π—Žπ–Όπ—π—‚π—ˆπ—‡ π–’π—ˆπ—†π—‰π–Ίπ—‡π—’.Tel: 615827348/ 615275129

18/10/2025

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee degmada Wanlaweyn ayaa soo dhaweeyay shir shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo ay sheegeen inuu ujeedkiisu ahaa dib u heshiisiin u dhexeysa beelaha Shanta Caleemo iyo guud ahaan dadka deegaanka.

17/10/2025

Odayaasha dhaqanka beesha Janbaluul 7-Gamaas ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa xalay shir ay yeesheen kaga hadlay kulan qorshihiisu ka socdo magaalada, kaas oo ay sheegeen in aan si rasmi ah looga talo gelin madaxda dhaqanka, nabadoonnada, iyo waxgaradka beesha.

16/10/2025

Professor Nuur Maxamuud Karaani oo ka hadlay Afka Maayga, Afka Maxatiri, iyo Qoraalka Af-Soomaaliga suugaanta afka maayga iyo.......

Maamulka Gobolka Banaadir  oo maanta si rasmi ah dib ugu furay saddex waddo oo muhiim ah oo u xirnaa sababo amni dartood...
15/10/2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta si rasmi ah dib ugu furay saddex waddo oo muhiim ah oo u xirnaa sababo amni dartood. Mashruucan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee dowladda hoose ee lagu fududeynayo isu-socodka bulshada iyo gaadiidka caasimadda.

Waddooyinkan maanta dib loo furay ayaa kala ah; Waddada ka baxda Barta Hubinta Garoonka Aadan Cadde ee KM4, ee tagta xaafadda Tiitiinley ee degmada Wadajir, Waddada ka baxda isla jagboyntigaas ee marta buundada Waaberi, Iyo Waddada Beexaani, oo xiriirisa Isgoyska Sanca iyo Istaadiyaha Injineer Yariisow.

Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Somaliya oo sheegatay in  ay hormar ka sameysay soo saarista Baasaboorka Soomaaliga ...
11/10/2025

Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Somaliya oo sheegatay in ay hormar ka sameysay soo saarista Baasaboorka Soomaaliga jiilka sedexaad.

Ψ₯Ω†Ψ§ Ω„Ω„Ω‡ وΨ₯Ω†Ψ§ Ψ₯Ω„ΩŠΩ‡ Ψ±Ψ§Ψ¬ΨΉΩˆΩ†Allaha u naxariisto Warsame Cabdullaahi Maame, hoygiisana Allaha ka yeelo Jannatul Firdows.Ehelk...
11/10/2025

Ψ₯Ω†Ψ§ Ω„Ω„Ω‡ وΨ₯Ω†Ψ§ Ψ₯Ω„ΩŠΩ‡ Ψ±Ψ§Ψ¬ΨΉΩˆΩ†
Allaha u naxariisto Warsame Cabdullaahi Maame, hoygiisana Allaha ka yeelo Jannatul Firdows.
Ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay, samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.
Waa xaal adduun Ilaahay khaatimadeenna ha toosiyo.
Maalin walba waxaa naga taga qof aan aad u jeclayn, Ilaahay ha inaga dhigo kuwo samir iyo iimaan leh.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Gaashaanle Sare Isxaaq Cali Isxaaq Meedey, ayaa maanta...
09/10/2025

Taliyaha Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Gaashaanle Sare Isxaaq Cali Isxaaq Meedey, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee saraakiisha booliska gaarka ah ee KG.

Shirka oo ka dhacay xarunta taliska ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta hawlaha amni ee toddobaadkii la soo dhaafay, qorsheynta howlgallada soo socda, iyo xoojinta wada-shaqeynta ciidamada si loo sugo amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Saraakiisha kala duwan ee qeybaha ciidanka ayaa soo jeediyay warbixinno ku saabsan xaaladaha amni ee meelaha ay ka hawlgalaan, iyagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda isku xirnaanta iyo feejignaanta joogtada ah ee ciidamada.

Taliyaha ciidanka, Gaashaanle Sare Isxaaq Cali Isxaaq Meedey, ayaa ku booriyay saraakiisha iyo ciidamada guud ahaan in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda, islamarkaana ay diiradda saaraan ilaalinta shacabka iyo amniga guud.

Taliska Booliska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed wuxuu bulshada ugu baaqayaa in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga, islamarkaana ay si degdeg ah u soo sheegaan xogaha amni ee muhiimka ah, si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga guud.

08/10/2025

Guddoomiye Suldaan Cabdullaahi oo ka hadlay dhagax-dhigga Iskuulo cusub oo laga hirgalinaayo dagmada Afgooye.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Gaashaanle Xuseen Baargeele, iyo Taliyaha Ho...
07/10/2025

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Gaashaanle Xuseen Baargeele, iyo Taliyaha Howlgelinta, Ayduruus Isxaaq Maxamed, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagey xerada ciidamada ee Burjaad.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah kormeer joogto ah oo lagu qiimeynayo heeganka iyo xaaladda shaqo ee ciidamada, si loo hubiyo diyaar garowgooda iyo adeegyada lagu taageerayo howlaha amniga. Intii ay ku guda jireen kormeerka, saraakiishu waxay yeesheen kulamo wadatashi ah halkaas oo lagu falanqeeyey arrimo la xiriira nolosha, shaqada iyo horumarinta tayada ciidamada.

06/10/2025

Dr. Zakariye Cabdi Axmed oo ka mid ah howl-wadeennada Isbitaalka Wanlaweyn ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay daryeelka hooyada inta lagu jiro uurka.

04/10/2025

Muuqaalada lagahelaayo goobta wax kadheceen

Address

Down Market Street
Wanlaweyn

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when RADIO Wanlaweyn FM posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to RADIO Wanlaweyn FM:

Share

ku xayeysiiso radio wanlaweyn ganacsigaada

Radio wanlaweyn