27/08/2026
๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ: ๐๐ถ๐ด๐ป๐ถ๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐ด๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ ๐๐๐ป๐๐ผ ๐๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ ๐ฆ๐ผ๐ฐ๐ฑ๐ฎ
Muqdisho: Hayโadda Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa ka digtay in xaaladda baniโaadantinimo ee Soomaaliya ay kasii dari karto, xilli malaayiin qof ay wajahaan cunto yari baโan, halka maalgelinta gargaarka baniโaadantinimaduna ay hoos u dhacday.
NRC waxay sheegtay in 75 boqolkiiba adeegyada ilaalinta dadka nugul ay xirmeen muddadii 12-kii bilood ee lasoo dhaafay, taas oo sii adkaynaysa helitaanka adeegyada muhiimka ah ee bulshada.
Hayโaddu waxay sidoo kale tilmaantay in khatarta ugu weyn ee cunto yarida ay isbeddelayso. Xilli abaartu ahayd caqabadda ugu weyn intii lagu jiray roobkii Guโga ee Abriil ilaa Juun 2026, waxaa hadda laga cabsi qabaa in daadad xooggan ay noqdaan khatarta ugu weyn xilliga Deyrta ee Oktoobar ilaa Diseembar 2026.
NRC ayaa xustay in saadaasha cimiladu muujinayso in roobabka Deyrta ee sanadkan ay keeni karaan fatahaado baahsan, kuwaas oo xaaladda baniโaadantinimo ee dalka sii murjin kara.
Dhanka kale, xogta hayโadaha baniโaadantinimada ayaa muujinaysa in qiyaastii 6 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ay wajahaan heerar sare oo cunto-yari baโan ah, iyadoo in ka badan 700,000 oo qof ay barakaceen tan iyo bilowgii sanadkan.
NRC waxay ugu baaqday beesha caalamka in la kordhiyo dhaqaalaha loogu talagalay gargaarka, lana xoojiyo diyaar-garowga fatahaadaha ka hor inta aysan bilaaban roobabka Deyrta.