Adam Osman

Adam Osman Magaceyga waa Maskiin Aadan, waxaan ahay Oday Somaliyeed, Jecelna Aqrinta.

Reer Liverpool is maqan majiraa!!!! Haddeey idiin dhamaatay, Sida Chelsea ayaad noqoneysaan!!!! Jabkiina billowday!
26/01/2024

Reer Liverpool is maqan majiraa!!!! Haddeey idiin dhamaatay, Sida Chelsea ayaad noqoneysaan!!!! Jabkiina billowday!

War Dag Dag Oo Naxdin Leh : Jurgen Klopp oo si rasmi ah u xaqiiyay inuu isaga tagi doono Liverpool marka uu soo dhamaado xili ciyaareedkan.

Ar see ahaan Hee. Taageerayaasha Liverpool wadno xanuun ayey warkaan ka qaadeen.

Aniga waa aamini weysanahay wali.

Idris Alteeso

"Buugga Shucuurta" ee ay qortay Lauren Martin waa buug is-caawin ah oo sahaminaya kakanaanta shucuurta oo sharaxaya hagi...
24/01/2024

"Buugga Shucuurta" ee ay qortay Lauren Martin waa buug is-caawin ah oo sahaminaya kakanaanta shucuurta oo sharaxaya hagitaan ku saabsan sida loo dhex muquurto shucuurtaada.

Halkan waxaan kusoo koobaynaa 7 cashar oo laga baran karo buugga:

1.Buugu waxa uu xooga saarayaa muhiimada ay leedahay qirashada iyo aqbalida shucuurtaada, xataa kuwa taban. Markaad u ogolaato naftaada inaad dareento oo muujiso shucuurtaada, waxaad heli kartaa faham qoto dheer oo ku saabsan naftaada iyo baahiyahaaga.

2. Fahamka sababaha asaasiga ah ee shucuurtaada: Waa lagama maarmaan in aad si qoto dheer u qoddo oo aad fahamto sababaha asaasiga ah ee niyaddaada. Buuggu waxa uu dhiirigeliyaa is-milicsiga iyo heli taanka si loo ogaado qaababka, kiciyeyaasha shucuurta, iyo waayo-aragnimadii h**e ee laga yaabo inay saameyn ku yeeshaan dareenkaaga.

3.Martin waxay xoogga saaraysaa muhiimadda ay leedahay in aad u naxariisato naftaada. Halkii aad ka xukumi lahayd ama aad dhaleecayn lahayd dareenkaaga, baro inaad naftaada ula dhaqanto si naxariis iyo faham leh. Tani waxay gacan ka geysaneysaa dhisidda adkeysiga iyo samaqabka shucuureed.

4. Kobcinta wacyigelinta: Kobcinta wacyiga naftaada ayaa muhiim u ah maareynta niyaddaada si hufan. Buuggu waxa uu dhiirri-geliniyaa dhaqamada ka-fiirsashada, sida ka-fiirsashada dareen joogtayn leh, si loo kordhiyo is-wacyigelinta oo aad u hesho aragti muuqaalkaaga shucuureed leh.

5. Qaado mas'uuliyadda niyaddaada: Iyadoo arrimaha dibadda ay saameyn ku yeelan karaan shucuurteena, buuggu wuxuu xoogga saarayaa muhiimadda ay leedahay masuuliyadda qaadista, si aynu uga jawaabno falcelinta shucuurteena. Markaan aqoonsanno inaan xakameyno falcelinteena, waxaan awood u siin karnaa nafteena inaan sameyno isbedello wanaagsan.

6.Buuggu waxa uu iftiiminayaa muhiimadda ay leedahay in taageero laga raadiyo dadka kale marka lala macaamilayo shucuur kale. Haddi ay noqoto daawaynta nafteena, la hadalka dadka aad jeceshahay, ama inaad yolol caawimaad hesho, taas oo ku siin karta aragtiyo iyo hagitaan qiimo leh.

7. Hal haleelka safarka noloshaada: Habka fahamka iyo maaraynta niyaddayadu maaha mid degdeg ah. Waa safar is daba joog ah oo is-helid iyo korriin leh. Buuggu waxa uu ku dhiirigelinayaa akhristayaasha in ay qaataan safarkan, iyaga oo qiraya in uu safarkaas shucuureed noqdo mid miro dhal ah, safarkaasi ugu dambeyntii wuxuu keenaa isbeddel shakhsi ahaaneed.

Buug: The Book of Moods - Lauren Martin.

Lighaye qorrax dhaceeda!!!! Xitaa geela Badda ayuu fadhiistaa!!! Dhulkeena ii ma'aha!!!
19/01/2024

Lighaye qorrax dhaceeda!!!! Xitaa geela Badda ayuu fadhiistaa!!! Dhulkeena ii ma'aha!!!

18/01/2024

لبيك اللهم لبيك!!!
ayuu leeyahay Marocco ayuuna u socdaa!😂😂

18/01/2024

Ilaahoow u naxariiso!!!

Buugga Guure waa buug sheeko malo-awaal ah balse waaqic ku dhisan laga qoray. Ma aha sheeko keliya aad waqtiga isku dhaa...
06/01/2024

Buugga Guure waa buug sheeko malo-awaal ah balse waaqic ku dhisan laga qoray. Ma aha sheeko keliya aad waqtiga isku dhaafiso ee waa sheeko xambaarsan qadiyad weyn. Waddaninimo iyo Soomaalinimo ayuu buuggu intiisa badan xoogga saarayaa. Waxa uu iftiiminayaa waxa soomaalida ka dhexeeya. Wuxuu diiradda saarayaa cadawga guunka ah ee Itoobiya.
Guure waa wiil yar oo ku dhashay soomali-galbeed kadib dagaalkii 64kii. Reerkooda ayaa waxay kamid noqdeen dadkii dib-u-dejinta lagu sameeyay ee dalka Soomaaliya la soo dejiyay. Nolol adag oo aan xasillooni lahayn. Nolol aan barwaaqo badan iyo nabadgelyo toonna lahayn ayuu ku soo koray. Waa wiil ay waayuhu qaabeeyeen noloshiisa iyo afkaartiisuba. Nolosha iyo dhacdooyinka deegaankiisa ayaa ku kellifay inu su’aalo badan iska weydiiyo waxyaabo badan oo la kulmayay ama uu maqlayba. Waxay ka dhigeen nin bisil oo nolosha wax badan kala socda. Nolosha adagi qofka waxay ka dhigtaa lafow-dhagax, afkaartiisa iyo maankiisana way kobcisaa. Waxa u kala caddaaday cadawga dhabta ah iyo walaalka ay marmar foodda is daraan farqiga u dhexeeya.
Soomaaliya iyo xeryihii ‘qaxootiga’ loo yaqaannay, inkastoo qof soomaali ahi aanu qaxooti ku noqon karin dalkiisa, ayuu Guure ku dhex korayaa ilaa uu ka tago magaalada Muqdisho. Nolosha caasimaddu waxay ku noqonaysaa mid ka yaabisa magaalo ahaan iyo dhaqan ahaanba. Waa magaalo dadkeedu ‘ilbax’ yihiin. Labbiska dadku, gaar ahaan habluhu mid uu h**e u arkay maaha. Xidhiidhka labada jinsi, xishoodka, iyo haasaawuhuba kuwii uu yaqaannay maaha. Muqdisho xilligaas, waa sida Guure u arkee, dadkeedu wacyi badan ma leh, sidii deegaankii uu ka yimina dhalinyaradu u ma soo jeedaan oo dhacdooyinka gobolka wax badan ka lama socdaan. Dhalinyaradu iskuul, ciyaar, shaleemo, iyo shukaansi ayay ku mashquulsan yihiin halka deegaankii uu ka yimi ay ka fekerayeen sida xabashida la isaga celin lahaa, sheekadooduna ahayd dagaallada dhex mara halgamayaasha soomaalida iyo askarta xabashida.
Guure waa dhalinyaro, dhalinyaradana waxa u fudud la qabsiga deegaan walba oo ay markaas tagaane, waxa uu la qabsaday ama yara fahmay magaaladii. Inkastoo qaabka hablahan reer magaalka loola haasaawo ay ku adkayd oo maahmaahyo iyo gabayada aanay xiisayn jirin, haddana waxa uu isku deyay bal inuu shukaansiga Muqdsiho uu fahmo. Cajaladda aan h**e u dhaafiyee, dagaalkii sokeeye ayaa ugu qarxay isagoo jooga caasimadda, kadibna waxa uu kamid noqonayaa dadkii qaxayay ee cadaw ay ka qaxayaan iyo wax ay geysteen toonna aan garanayn balse naftooda uun la cararayay. Guure tani waxay ku sii ridaysaa niyadjab oo wuxuu mar walba ku hammi weynaa in soomali israacdo oo cadawgeeda ay u midow. Laakiin marna ma uusan filaynin iyadu iscunto. Baxsadku waxa uu la gelayaa Kiiniya iyo Nayroobi halkaas oo uu nolol adag ka bilaabayo. Shaqooyin adag iyo jixinjix la’aanta qurbahani waxa uu ku kallifayaa inuu makhaayad ay gabadhi ugu taliso inuu ka urursado jicsin uu ku tago Kaakuma oo uu ku maqlay in laga dhoofo.
Kaakuma isaga iyo nin ay saaxiib ku ahaayeen Nayroobi ayaa imanaya. Halkaas waxa uga bilaabmaya nolol cusub oo aanu filayn. Magaaladan uu dhoofka u yimi ee gabaahiirta ah ayuu waxa uu ka dhex helayaa xaaskii nolosha la qaybsan lahayd…….

Guure ma rabo inaan halkan ku soo kobo balse sida aan qormada ku bilaabay, waxa uu xanbaarsan yahay qaddiyad ummadeed iyo mabda’ siyaasadeed oo wadaniyad iyo soomaalinimo ku dhisan. Waxa uu sawirayaa oo si murugo leh kuu xusuusinayaa qaabkii dadku u bahaloobeen. Sida qof aan ku garanaynin ay ugu fududaatay inoo nafta ku dhaafiyo iyo inuu xoolahaagaba qaato. Waxa uu sawirayaa noloshii dulliga iyo cidhiidhiga ahayd ee Kiiniya ee aynu innagu isbadnay markii aynu dalkeennii burburinnay. Waxa uu tilmaamayaa sida waalid iyo wiilkii, hooyo iyo gabadheedii ay u kala qexeen. Waxa si murugo leh u dul istaagayaa sida saaxiibbadu u kala tageen oo ninba ay meel duruufuhu ka tureen. Saaxiibbo soo wada koray, kubbad soo wada ciyaaray, iskuul soo wada dhigtay, wax soo wada cunay, dhib iyo dheefba soo wadaagay sida ay hal mar ugu kala duuleen laba qaaradood oo kala fog. Kala fogaanshahaasi waxa uu keenay in saaxiibbadii nolosha u huri jiray ay isillaawaan oo qof weliba uu meel naf lacaarigu ka tuuro…

February, 8, 2020

Address

Juba

Telephone

+211929802802

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Adam Osman posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Adam Osman:

Share

Category