Adam Osman

Adam Osman Magaceyga waa Maskiin Aadan, waxaan ahay Oday Somaliyeed, Jecelna Aqrinta.

Reer Liverpool is maqan majiraa!!!! Haddeey idiin dhamaatay, Sida Chelsea ayaad noqoneysaan!!!! Jabkiina billowday!
26/01/2024

Reer Liverpool is maqan majiraa!!!! Haddeey idiin dhamaatay, Sida Chelsea ayaad noqoneysaan!!!! Jabkiina billowday!

War Dag Dag Oo Naxdin Leh : Jurgen Klopp oo si rasmi ah u xaqiiyay inuu isaga tagi doono Liverpool marka uu soo dhamaado xili ciyaareedkan.

Ar see ahaan Hee. Taageerayaasha Liverpool wadno xanuun ayey warkaan ka qaadeen.

Aniga waa aamini weysanahay wali.

Idris Alteeso

"Buugga Shucuurta" ee ay qortay Lauren Martin waa buug is-caawin ah oo sahaminaya kakanaanta shucuurta oo sharaxaya hagi...
24/01/2024

"Buugga Shucuurta" ee ay qortay Lauren Martin waa buug is-caawin ah oo sahaminaya kakanaanta shucuurta oo sharaxaya hagitaan ku saabsan sida loo dhex muquurto shucuurtaada.

Halkan waxaan kusoo koobaynaa 7 cashar oo laga baran karo buugga:

1.Buugu waxa uu xooga saarayaa muhiimada ay leedahay qirashada iyo aqbalida shucuurtaada, xataa kuwa taban. Markaad u ogolaato naftaada inaad dareento oo muujiso shucuurtaada, waxaad heli kartaa faham qoto dheer oo ku saabsan naftaada iyo baahiyahaaga.

2. Fahamka sababaha asaasiga ah ee shucuurtaada: Waa lagama maarmaan in aad si qoto dheer u qoddo oo aad fahamto sababaha asaasiga ah ee niyaddaada. Buuggu waxa uu dhiirigeliyaa is-milicsiga iyo heli taanka si loo ogaado qaababka, kiciyeyaasha shucuurta, iyo waayo-aragnimadii h**e ee laga yaabo inay saameyn ku yeeshaan dareenkaaga.

3.Martin waxay xoogga saaraysaa muhiimadda ay leedahay in aad u naxariisato naftaada. Halkii aad ka xukumi lahayd ama aad dhaleecayn lahayd dareenkaaga, baro inaad naftaada ula dhaqanto si naxariis iyo faham leh. Tani waxay gacan ka geysaneysaa dhisidda adkeysiga iyo samaqabka shucuureed.

4. Kobcinta wacyigelinta: Kobcinta wacyiga naftaada ayaa muhiim u ah maareynta niyaddaada si hufan. Buuggu waxa uu dhiirri-geliniyaa dhaqamada ka-fiirsashada, sida ka-fiirsashada dareen joogtayn leh, si loo kordhiyo is-wacyigelinta oo aad u hesho aragti muuqaalkaaga shucuureed leh.

5. Qaado mas'uuliyadda niyaddaada: Iyadoo arrimaha dibadda ay saameyn ku yeelan karaan shucuurteena, buuggu wuxuu xoogga saarayaa muhiimadda ay leedahay masuuliyadda qaadista, si aynu uga jawaabno falcelinta shucuurteena. Markaan aqoonsanno inaan xakameyno falcelinteena, waxaan awood u siin karnaa nafteena inaan sameyno isbedello wanaagsan.

6.Buuggu waxa uu iftiiminayaa muhiimadda ay leedahay in taageero laga raadiyo dadka kale marka lala macaamilayo shucuur kale. Haddi ay noqoto daawaynta nafteena, la hadalka dadka aad jeceshahay, ama inaad yolol caawimaad hesho, taas oo ku siin karta aragtiyo iyo hagitaan qiimo leh.

7. Hal haleelka safarka noloshaada: Habka fahamka iyo maaraynta niyaddayadu maaha mid degdeg ah. Waa safar is daba joog ah oo is-helid iyo korriin leh. Buuggu waxa uu ku dhiirigelinayaa akhristayaasha in ay qaataan safarkan, iyaga oo qiraya in uu safarkaas shucuureed noqdo mid miro dhal ah, safarkaasi ugu dambeyntii wuxuu keenaa isbeddel shakhsi ahaaneed.

Buug: The Book of Moods - Lauren Martin.

Lighaye qorrax dhaceeda!!!! Xitaa geela Badda ayuu fadhiistaa!!! Dhulkeena ii ma'aha!!!
19/01/2024

Lighaye qorrax dhaceeda!!!! Xitaa geela Badda ayuu fadhiistaa!!! Dhulkeena ii ma'aha!!!

18/01/2024

لبيك اللهم لبيك!!!
ayuu leeyahay Marocco ayuuna u socdaa!😂😂

18/01/2024

Ilaahoow u naxariiso!!!

Buugga Guure waa buug sheeko malo-awaal ah balse waaqic ku dhisan laga qoray. Ma aha sheeko keliya aad waqtiga isku dhaa...
06/01/2024

Buugga Guure waa buug sheeko malo-awaal ah balse waaqic ku dhisan laga qoray. Ma aha sheeko keliya aad waqtiga isku dhaafiso ee waa sheeko xambaarsan qadiyad weyn. Waddaninimo iyo Soomaalinimo ayuu buuggu intiisa badan xoogga saarayaa. Waxa uu iftiiminayaa waxa soomaalida ka dhexeeya. Wuxuu diiradda saarayaa cadawga guunka ah ee Itoobiya.
Guure waa wiil yar oo ku dhashay soomali-galbeed kadib dagaalkii 64kii. Reerkooda ayaa waxay kamid noqdeen dadkii dib-u-dejinta lagu sameeyay ee dalka Soomaaliya la soo dejiyay. Nolol adag oo aan xasillooni lahayn. Nolol aan barwaaqo badan iyo nabadgelyo toonna lahayn ayuu ku soo koray. Waa wiil ay waayuhu qaabeeyeen noloshiisa iyo afkaartiisuba. Nolosha iyo dhacdooyinka deegaankiisa ayaa ku kellifay inu su’aalo badan iska weydiiyo waxyaabo badan oo la kulmayay ama uu maqlayba. Waxay ka dhigeen nin bisil oo nolosha wax badan kala socda. Nolosha adagi qofka waxay ka dhigtaa lafow-dhagax, afkaartiisa iyo maankiisana way kobcisaa. Waxa u kala caddaaday cadawga dhabta ah iyo walaalka ay marmar foodda is daraan farqiga u dhexeeya.
Soomaaliya iyo xeryihii ‘qaxootiga’ loo yaqaannay, inkastoo qof soomaali ahi aanu qaxooti ku noqon karin dalkiisa, ayuu Guure ku dhex korayaa ilaa uu ka tago magaalada Muqdisho. Nolosha caasimaddu waxay ku noqonaysaa mid ka yaabisa magaalo ahaan iyo dhaqan ahaanba. Waa magaalo dadkeedu ‘ilbax’ yihiin. Labbiska dadku, gaar ahaan habluhu mid uu h**e u arkay maaha. Xidhiidhka labada jinsi, xishoodka, iyo haasaawuhuba kuwii uu yaqaannay maaha. Muqdisho xilligaas, waa sida Guure u arkee, dadkeedu wacyi badan ma leh, sidii deegaankii uu ka yimina dhalinyaradu u ma soo jeedaan oo dhacdooyinka gobolka wax badan ka lama socdaan. Dhalinyaradu iskuul, ciyaar, shaleemo, iyo shukaansi ayay ku mashquulsan yihiin halka deegaankii uu ka yimi ay ka fekerayeen sida xabashida la isaga celin lahaa, sheekadooduna ahayd dagaallada dhex mara halgamayaasha soomaalida iyo askarta xabashida.
Guure waa dhalinyaro, dhalinyaradana waxa u fudud la qabsiga deegaan walba oo ay markaas tagaane, waxa uu la qabsaday ama yara fahmay magaaladii. Inkastoo qaabka hablahan reer magaalka loola haasaawo ay ku adkayd oo maahmaahyo iyo gabayada aanay xiisayn jirin, haddana waxa uu isku deyay bal inuu shukaansiga Muqdsiho uu fahmo. Cajaladda aan h**e u dhaafiyee, dagaalkii sokeeye ayaa ugu qarxay isagoo jooga caasimadda, kadibna waxa uu kamid noqonayaa dadkii qaxayay ee cadaw ay ka qaxayaan iyo wax ay geysteen toonna aan garanayn balse naftooda uun la cararayay. Guure tani waxay ku sii ridaysaa niyadjab oo wuxuu mar walba ku hammi weynaa in soomali israacdo oo cadawgeeda ay u midow. Laakiin marna ma uusan filaynin iyadu iscunto. Baxsadku waxa uu la gelayaa Kiiniya iyo Nayroobi halkaas oo uu nolol adag ka bilaabayo. Shaqooyin adag iyo jixinjix la’aanta qurbahani waxa uu ku kallifayaa inuu makhaayad ay gabadhi ugu taliso inuu ka urursado jicsin uu ku tago Kaakuma oo uu ku maqlay in laga dhoofo.
Kaakuma isaga iyo nin ay saaxiib ku ahaayeen Nayroobi ayaa imanaya. Halkaas waxa uga bilaabmaya nolol cusub oo aanu filayn. Magaaladan uu dhoofka u yimi ee gabaahiirta ah ayuu waxa uu ka dhex helayaa xaaskii nolosha la qaybsan lahayd…….

Guure ma rabo inaan halkan ku soo kobo balse sida aan qormada ku bilaabay, waxa uu xanbaarsan yahay qaddiyad ummadeed iyo mabda’ siyaasadeed oo wadaniyad iyo soomaalinimo ku dhisan. Waxa uu sawirayaa oo si murugo leh kuu xusuusinayaa qaabkii dadku u bahaloobeen. Sida qof aan ku garanaynin ay ugu fududaatay inoo nafta ku dhaafiyo iyo inuu xoolahaagaba qaato. Waxa uu sawirayaa noloshii dulliga iyo cidhiidhiga ahayd ee Kiiniya ee aynu innagu isbadnay markii aynu dalkeennii burburinnay. Waxa uu tilmaamayaa sida waalid iyo wiilkii, hooyo iyo gabadheedii ay u kala qexeen. Waxa si murugo leh u dul istaagayaa sida saaxiibbadu u kala tageen oo ninba ay meel duruufuhu ka tureen. Saaxiibbo soo wada koray, kubbad soo wada ciyaaray, iskuul soo wada dhigtay, wax soo wada cunay, dhib iyo dheefba soo wadaagay sida ay hal mar ugu kala duuleen laba qaaradood oo kala fog. Kala fogaanshahaasi waxa uu keenay in saaxiibbadii nolosha u huri jiray ay isillaawaan oo qof weliba uu meel naf lacaarigu ka tuuro…

February, 8, 2020

Hadii aan caawa ahaan lahaa Xasan Sheekh.---- 1-Berri anigaa guddoomin lahaa shirka Golaha Wasiirada. 2-Waxaan luuqad ad...
03/01/2024

Hadii aan caawa ahaan lahaa Xasan Sheekh.
----

1-Berri anigaa guddoomin lahaa shirka Golaha Wasiirada.

2-Waxaan luuqad adag ku diidi lahaa heshiiskii Abiye iyo Biixi.

3-Waxaan sheegi lahaa in aan qadiyadda Soomaali Galbeed dib u furayo oo aan la aaddayo maxk**addo Caalami ah, maadaama dhulkaas iyo dadkaas yihiin Soomaali xoog lagu heysto, walina aan laga heshiinin.

4-Waxaan safiirkeyga kala soo bixi lahaa Addis Ababa, halka safiirka Itoobiya aan dalka uga saari lahaa 48 saac.

5-Waxaan berri galab aaddi lahaa Masar, anigoo kala hadlaya xaalka Nile iyo suurta-galnimada ah iney i siiyan ciidan badala kuwa Itoobiya ee jooga Somalia.

6-Waxaan wasaaradda arrimaha dibada amri lahaa gudbinta gal-dacwaddeed deg deg ah oo ka dhan ah Itoobiya kaas oo loo dirayo IGAD, Midowga Afrika iyo QM.

7-Waxaan AS weydiisan lahaa wadahadal Qaran-badbaadin iyo xabad joojin ah, si itaalka loo mideeyo hadii mustaqbalka lagama maarmi waayo gacan ka hadal.

8-Waxaan Ismaaciil Cumar Geelle kala hadli lahaa inuu xiro xadka uu la wadaago Soomaaliya.

9- Waxaan labada Aqal ku amri lahaa iney soo saaraan diidmo ku saabsan heshiiskaas oo mustaqbalka wax goyn karta si la mid ah diidmadii Baarlamaankii 8aad ee heshiiskii badda ee lala galay Kenya taas oo caawisay Somalia markii ay socotay dacwadii badda.

Soomaaliya hadii aaney 48da saac ee soo socota u dhaqmin una hadlin sida Qaran lab ah, Itoobiya waa dabaal degi doonta, Xasan Sheekh iyo maamulkiisuna taariikh xun ayey qaadan doonan.

Abdullahi Osman Farah

02/01/2024

Wuu ka aqli badiyey 😂

12/12/2023

Su'aal muhiim ah!!!

Tallooyin muhiim ah, balse ayna jecleyn ardayda jaamacaduhu inay maqlaan!1. Waxa jiri dooona wax badan oo soo noqnoqdaGu...
02/12/2023

Tallooyin muhiim ah, balse ayna jecleyn ardayda jaamacaduhu inay maqlaan!

1. Waxa jiri dooona wax badan oo soo noqnoqda

Guyaasha aad wado geediga waxbarashada jaamacadda , laan-aqooneedyo(subjects) iyo mowduucyo, ayaa sidooda isku soo celceliya! Waxa qumman in aad barato laan-aqooneeda oo aad maankaaga dejiso semester-ka kowaadba. Marka kale ee ay kugu soo noqoto, keliya ha kuu noqoto xasuusin iyo dib-u-eegis.
Arrinta ugu xun waa in mowduucii oo 3 jeer kugu soo noqnoqday, aad u baratid sidii inuu yahay markii kugu horreeysay! Waa inaad iska ilaalisaa waligaa in wax intaas oo goor aad soo aragtey, haddana kaa qaato ammin iyo tamar; maaha inaad u dhaqanto , sidii qof wax waliba bilow u yahay.

2. Jaamacadu maaha dhammaadkii, waa bilowgii waxbarashadaada.

Marka aad dhammayso Jaamacadda haddana ha joojinin waxbarashada. Maad qalin-jabbin ee waa aad qalin beddalatey! Waxbarashadu ma dhammaato. Dadku waxa ay u maleeyaan haddii jaamacad la dhammeeyo, in halkaa lagu gunaannaday buug iyo qalin. Meel wax lagu baranayo in loo diidayba ayaa aad moodaysaa! Taasi waxa ay ku keentaa in aqoontoodii halkaa ku istaagto; wixii h**e ay u weeleeyeena ay ilaawaan.
Ardayda qaar marka ay jaamacadda dhammeeyaan ee shaqo yar helaan, taas bay ku dul dhintaan. Ammintooda oo dhan bey geliyaan. Kol haddii ay shaqo hayaan. Kol haddii ay jaamacad ka soo baxeen, waxa ay u maleeyaan in ayna wax kale u baahneyn.
Haddii aad rabto aqoon nacfi leh iyo nolol ka sii horumarsan halka aad joogto, waxbarashada ha joojin. Sii wad akhriskaaga , sii kordhi waxbarashadaada .

3. Iskaa u baro lacagta.

Cidna kuguma bari doonto jaamacadda aqoon ku sahabsan lacagta! Haddii aad rabtid inaad noqotid mid lacag leh oo guuleyste ah ; haddii aad dooneysid in ay lacagtu kuu shaqeyso adiga, waxa kugu waajib ah inaad iskaa wax uga barato lacagta. Haddii aad wax ka baran weydo miyaa; noloshaada oo dhan, waxa aad la-lagdami doontaa oo la-daalac dhici doontaa lacagta.
Marka aad waaya-aragnimo u leedahay lacagta; ma noqon doonto dhibtaadaada.
Wax badan ka ogow lacagta. Akhri buugaagta ka hadleysa lacagta.

4. Xirfadda ayaa fiican darajada

Shirkadaha qaar waa laga yaabaa in marar iyo dhif door bidaan darajada ardayga; inay jalleecaan darajada uu kuga soo baxay imtixaanka jaamacadda, waa mid iska dhici karta, balse dadka ay sida dhabta ugu baahan yihiin , waa dadka xirfadda leh.
Waa aad dhammaysay jaamacadii. Shahaado jamacadeed ayaa aad heshay. Hagaag. Hadda maxaa aad qaban kartaa? Maxay tahay xirfadda aad taqaan? Weydiimahaasi waa kuwa ugu adag ee ayna ka warcelin karin ardayda ka baxday jaamacaduhu. Anfariir iyo af-kala-qaad ayay ku noqotaa.
Haddaba, waxa kula gudbood in aad xirfadda baratid. Inta aad ku dhex jirtid waxdhigashada, waa inaad aqoontaada kobcisaa, waa in aannad ka reebin wixii aad baraneysay sida ay u shaqayneyso. Haddii aad baraneysid caafimaadka, waa inaad tagtaa meelaha lagaga shaqeeyo mihnadda caafimaadka. Waa in aad toos uga qayb qaadataa oo aad gacanta ula tagtaa, balse marka aad dhammayso Jaamacadda, waxa aad kugu hor gudbin weydiintan: maxaa aad qaban kartaa? Taasna waa carqallada aad is-huran tihiin, waayo wax mihnadda maba taqaannid; keliya buug iyo qalin uun baa aad iska sidatey!

5. Shahaadada jaamacadu kuuma damaannad qaadayso shaqo sare!

Arday kasta oo jaamacad ka baxaa, waxa uu sida waranka ugu taagan, sida uu shaqo u heli lahaa. Haddaba, qof waliba waxa uu iska jecel yahay shaqo sare oo xafiis qurux badan iyo meel wada dhalaaleysa, balse xisaabtaba kuma aad darsan in shahaadada jaamacadu kuu damaannad qaadayn shaqo sare( a degree does not guarantee you a better job).
Shaqada heerka sare ahi, waxa ay u baahan tahay waaya-aragnimo gaamurtey, adiguna curdin yar oo hadda qalin beddashay(graduated) ayaa aad tahay! Shaqo h**e maad qaban, warbixin kasta oo lagaa weydiiyana k**a warcelin kartid.
Si aad u noqotid qof u qalma shaqo sare, waa in aad qiimo u yeeshaa naftaada ; waa in aad noqotaa dheeman la raadinayo, oo qof waliba oo shaqaale deydeyayaa uu u baahdo in aad la shaqeysid. Mararka qaar xitaa la moodayo in shaqada sare laftigeedu, ay kuu yeedhanayso oo kaaley ku leedahay, iyada oo kuu gacan-haadineysa! Qodobbadan ayaa kaa caawinayaa arrintaa:

A. Raadi waaya-aragnimo

Ku shaqee aqoonta aad baraneysid , si aad u kasbatid waaya-aragnimo . Qabo shaqooyin aan lacag lahayn(volunteer) ku biir mashruucyo aan wax lacag ah la isasiineyn. Bilow ganacsi. Intaas oo isbarkan, waxa aad ka dheefeysaa habka iyo hanaanka ay shaqadu u socoto. Waa sida keliya ee lagugu aqoonsanayo; sida dayaxu uga dhex muuqdo xidigaha, ayaa aad uga dhex muuqan doontaa dadka intiisa kale.

B. Dhis xidhiidhada.

Dhis xidhiidhada aad la leedahay dadka aqoonta leh. Marka aad la kulanto ha goyn xidhiidhka. Yeelo dad-la-dhaqan. La sheekeyso. Ka ururso khibrad. Si lacag la'aan ah kula shaqee, haddii ay kuu suuragasho.

C. Hel lataliyayaal

Isku wareeji dad waaya-aragnimo qoto dheer leh oo aragtiyo wax-ku-ool ah kugu caawinaya, si aad u gaadho yoolkaaga.

W/Q: Maxamed Haybe Axmed

Dhulku wuxuu qoraxda isku kala rogaa 23 saacadood, 56 daqiiqo iyo 4.09053 ilbiriqsi, oo maalin iyo habeen leh, xawaare  ...
22/03/2023

Dhulku wuxuu qoraxda isku kala rogaa 23 saacadood, 56 daqiiqo iyo 4.09053 ilbiriqsi, oo maalin iyo habeen leh, xawaare dhan qayaastii 1,600 oo kiiloomitir saacadiiba, sidoo kale dhulku wuxuu qoraxda ku wareegaa sanadkii 365 maalmood, 5 saacadood, 59 daqiiqo iyo 16 ilbiriqsi, xawaare dhan 107,826 oo kiiloomitir saacadiiba, Qoraxduna ayada iyo solar systemka oo dhan waxay ku wareegaan galaxy-ga milkway xawaare dhan 828,000 km/hr oo kiiloomitor saacadiiba, waxayna ku qaadanaysaa 230 million oo sano in hal wareeg ay dhamaysato.

Sidoo kale Galaxy-sigeena iyo 200,000,000,000 (laba boqol oo bilyan oo qoraxood, oo halkii qorax teena la egtahay ama ka weyntahay) ayaa iyagana ku wareegaya badhtamaha galaxy-ga ee loo yaqaan sagitarius iyagoo ku soconaya xawaare dhan 27,000,000 oo kiiloomitir saacadiiba.

xigasho: a lot of googling.

Address


Telephone

+211929802802

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Adam Osman posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Adam Osman:

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share