Juure Media ku so biira Pagekan oo Ka Mida Naqo Saxiibad Ku Xiran

Hormuud Telecom Hooyada Isgaarsiinta Soomaaliya,Ku Dooro Adeega Hufan Amaano Iyo Nabad Galayo,Ku Ibaso Kuna Keydso
18/08/2024

Hormuud Telecom Hooyada Isgaarsiinta Soomaaliya,
Ku Dooro Adeega Hufan Amaano Iyo Nabad Galayo,

Ku Ibaso Kuna Keydso

MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASSAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO LAGU SOO DHAWEEYEY DALKA TURKIGAAnkara, 03 Luulyo, 20...
03/07/2022

MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASSAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO LAGU SOO DHAWEEYEY DALKA TURKIGA

Ankara, 03 Luulyo, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey oo soo gaaray dalka Turkiga ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada dalka Turkiga Mudane Mahmut Özer, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullahi Caydiid iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkan ku sugan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadalladooda xoogga ku saari doona adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda inta uu ku guda jiro booqashada waxa uu la kulmi doonaa Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed sida Jaaliyadda
Iyo ganacsatada si uu uga xog-wareysto xaaladdooda guud iyo horumarrada ay sameeyeen.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu booqan doonaa Dugsiga Tababbarada Kumaandoosta ee Isparta l, halkaas oo ay tababbar ku qaataan qaar ka mid ah Ciidamada Xoogga ee dalkeenna.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAALINTA XORIYADDA AWGEED UBAX DHIGAY TAALADA DALJIRKA DAAHSOONMuqdisho, Luulyo 1, 2022; Mada...
01/07/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAALINTA XORIYADDA AWGEED UBAX DHIGAY TAALADA DALJIRKA DAAHSOON

Muqdisho, Luulyo 1, 2022; Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen Madaxda goleyaasha dowladda, ayaa ubax-dhigga kaddib waxa uu ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed maalinta midnimada iyo xornimada, isagoo ugu baaqay in ay ilaashadaan qarannimadooda, xoojiyaanna midnmadooda bulsho.

“Waxaan mar kale hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Waxaa xaqiiq ah, in si aan horey ugu dhaqaaqno ay muhiim tahay in aan gacmaha is qabsano oo qabano shaqo qaran oo adag, taas oo horseedi doonta in aan dalkeenna horumarinno, dunidana wax la qeybsanno".

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee daafaha caalamka sida ay u xuseen maalmaha xoriyadda iyo midnimada dalkeenna, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan dowlad dhiska dalka iyo gurmadka dadkeenna la tacaalaya xaaladaha binu-aadantinimo ee ka dhashay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in fadliga maalmahan barakaysan awgeed uu Alle kaga dulqaado wax kasta oo dhib ku ah, sannadkan kiisa kalena ay ku gaaraan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS ayaa codka kalsoonida siiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu...
25/06/2022

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS ayaa codka kalsoonida siiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu madaxweynaha Jamhuuriyaddu magacaabay 15-kii bishan Juun.

Dhammaan 220 xildhibaan oo soo xaadiray kulanka maanta ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu ahaa Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha cusub, ayaa HAA ugu codeeyay ansixinta Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY Muqdisho, Juun 24, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa...
24/06/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Muqdisho, Juun 24, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku joogeen dalka aan walaalaha nahay ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalkaas waxa uu kulamo la qaatay Madaxweyne Maxamed Bin Saayid oo ay ka wada hadleen kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta dal ku galka, isu socodka badeecadaha, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta bangiyada iyo xoojinta maalgashiga dalkeenna.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xog wareysi ah la qaatay jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo ka dhageystay warbixinno ku aaddan caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan, waxa uu u sheegay in ay dowladdu dadaal ku bixineyso wax ka qabashada cabashooyinkooda.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE DEGGAN DALKA ISU-TAGGA IMAARAADKA CARABTAMuqdisho,...
23/06/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE DEGGAN DALKA ISU-TAGGA IMAARAADKA CARABTA

Muqdisho, Juun 23, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isaga oo la wadaagay dadaalka ay Dowladda Soomaaliya galineyso xoojinta xiriirka Imaaraadka, taas oo ka dulqaadaysa caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga xog warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha, horumarinta bangiyada, maalgashiga dalka, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah.

“Kulanka aan la qaatay Madaxweynaha waxyaabaha ugu horreeyey ee aan kala hadlay waxa ay ahaayeen fududeynta sharciyada, dal ku galka iyo guud ahaan isu-socdka muwaadiniinta, isla markiiba Madaxweynaha Imaaraadka waxa uu amray in Safaaraddooda magaalada Muqdisho ay dadka Soomaaliyeed si toos ah uga soo qaataan fiisaha. Sidoo kale, dhammaan caqabadaha kale ee jira waxaan isku raacnay in la xalliyo oo guddiyo farsamo ay ka shaqeeyaan fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, bangiyada, maalgashiga iyo sharciyada” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga war-bixiyeen xaaladda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyaga oo sheegay xiriirka labada dal ee xumaaday sanadihii la soo dhaafay in uu saameyn weyn oo dhaqaale ku yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed, waxa ayna uga mahadceliyeen Madaxweynaha mudnaanta uu siinayo hagaajinta xiriirka muhiimka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xubnaha jaalliyadda kula dardaarmay xoojinta midnimadooda iyo in ay is-caawiyaan, isla markaana ay si wanaagsan kula noolaadaan shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ...
23/06/2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xuriyada.

Kulanka oo diirada lagu saaray xaalada Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xuriyadda iyo sidii ay ugu qabsoomi lahaayeen si nabad ah, kulanka waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha Amniga qeybahooda kala duwan.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KULAN LA QAATAY DHIGGIISA DALKA ISU-TAGGA IMAARAADKA CARABTAMuqdisho, Juun 22, 2022:...
22/06/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KULAN LA QAATAY DHIGGIISA DALKA ISU-TAGGA IMAARAADKA CARABTA

Muqdisho, Juun 22, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta Mudane Sheekh Maxamed Binu Saayid.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka.

Madaxweyne Maxamed Bin Saayid ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen, waxa uuna soo bandhigay doorka ay dowladdiisu ka qaadanayso gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna iyo dib u soo celinta taageeradooda ku aaddan ammaanka iyo adeegyada bulshada ee dowladda Imaaraatku ay ka fulin jirtay dalkeenna.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraatka, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha Magacaanban Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulamo kala duwan la qaatay xildhibaanadda Barlamaanka Jamhuu...
22/06/2022

Ra’iisul Wasaaraha Magacaanban Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulamo kala duwan la qaatay xildhibaanadda Barlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa umuujiyay tageero iyo in ay siinayaan codka kalsoonida marka uu horyimaado Golaha shacabka, waxayna u ballan qaadeen wada- shaqayn wanaagsan si uu ugu guuleysto qorshayaasha hormarineed ee hortabinta u leh Dadka iyo dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta bo...
21/06/2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta booqday Safaarada JFS ee dalkeenna ay ku leedahay dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa Safaarada waxaa ku soo dhoweeyey Safiirka dalkenna u jooga Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ku-xigeenka Safiirka iyo howl-wadeennada Safaarada, waxaana uu bogaadiyey shaqada adag ee Shacabka Soomaaliyeed ku nool Kenya ay hayaan waxaana uu ku dhiira-geliyey in aan marnaba laga caajisin u adeegida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Danjire Tarsan oo ka mahadceliyey booqashada Guddoomiya ayaa sheegay in dhiira-gelin farxad ay u tahay imaanshaha Guddoomiye Aadan Madoobe.

ที่อยู่

Ban Som Poi

เว็บไซต์

แจ้งเตือน

รับทราบข่าวสารและโปรโมชั่นของ Juure Mediaผ่านทางอีเมล์ของคุณ เราจะเก็บข้อมูลของคุณเป็นความลับ คุณสามารถกดยกเลิกการติดตามได้ตลอดเวลา

แชร์