20/12/2022
Adani ninka dunida la yaaban tahay qaabka uu ku taajiray adani oo ah nin reer hindiya ah ayaa la arkay sanadkaan 2022 isagoo dhex fadhiya 3 nin ee dunida ugu taajirsan. isagoo sanadkii 2021 xitaa aan ku jirin 20 qof ee dunida ugu taajirsan
Adani ayaa majalada Forbes waxay ku dartay 3 qof ee dunidan ugu lacagta badan isagoo dhaqaalo ahaan haysta 130 billion,adani waa 60 jir ku dhadhay india sanadii 1962 waligiis ma tagin school wax barasho jaamacadse warkeeda.wuxuu ku dhashay tuulo ku taal gobolka gujarat ee dalka india waxaa dhalay qoys faqiira oo dharka ku iibin jiray suuqa
Isagoo 14 jir ah ayuu isaga soo tagay reerkiisa wuxuuna bilaabay ganacsi ilaa uu noqday ninka ugu tajirsan qaarada Asia sido kalana wuxuu ka mid noqday 3 qof ee dunidan ugu taajirsan