Fayah Cable Tv

Fayah Cable Tv Warar Sugan , Dhacdooyinka Caalamka Iyo Arimaha Bulshada.

04/02/2025

MAGACAABID HOGGAANNO İYO QAYBO KA MID AH CIIDANKA DARAAWIISHTA SSC-KHAATUMO.

Laascaanood, 04.02.2025:- Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali,
-Markuu arkay, Qodobada 6aad iyo 14aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo.

-Ku qancay aqoonta iyo khibraddooda.

-Tixgeliyay baahida loo qabo dhammaystirka iyo dib-u-habaynta Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo isla markaana sameeyey la tashiyo, waxa uu Xeer hoggaamiye 30/2025 ku magacaabay saraakiishan magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:-

1. S/Guuto Yuusuf Cabdillaahi Jaamac (Quuje) Hoggaanka Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

2. G/Sare Asad Cali duullanne
Taliyaha qaybta 25aad Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

3. G/Sare Farxaan Maxamuud Jaamac
Taliyaha Qaybta 6aad Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

4. G/Sare Cabdisalaan Yuusuf Muuse (Siigaale) Taliyaha Qaybta 12aad ee Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha ayaa Saraakiishan Ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Maamulka SSC-Khaatumo
Email: [email protected]

Erdogan ayaa u diray Dimishiq, mid ka mid ah diyaaradaha madaxtooyadda Turkiga , si ay usoo qaado madaxweynaha Suuriya ,...
04/02/2025

Erdogan ayaa u diray Dimishiq, mid ka mid ah diyaaradaha madaxtooyadda Turkiga , si ay usoo qaado madaxweynaha Suuriya , Axmed Al Sharac iyo wafdigiisa oo booqashadii labaad ee dibadda ku tagaya Turkiga, kaddib socdaalkii Sacuudiga.

Ankara, ayaa sidoo kale isku diyaarinaysa martigelinta Sharac , iyadoo waddooyinka lagu arkayo sawirrada madaxweynaha Suuriya.

01/02/2025

GOLAHA BAARLAMAANKA MAAMULKA SSC-KHAATUMO AYAA AKHRINTII 1-AAD KU SAMEEYAY HINDISE SHARCIYEEDKA NIDAAMKA GARSOORKA MAAMULKA SSC-KHAATUMO.

Laascaanood, 1 February 2025: Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Jaamac Yaasiin Warsame oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Muxyadiin Maxamed Jaamac iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Jaamac Aadan Cismaan ayaa shir-guddoomiyay Kal-fadhiga 2aad, Fadhigiisa 23-aad ee Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo.

Ajendaha fadhiga maanta oo ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Nidaamka Garsoorka Maamulka SSC-Khaatumo.

Ugu horayn, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurk Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Nidaamka Garsoorka Maamulka SSC-Khaatumo, waxa uuna si guud usoo bandhigay ujeedada xeerka sida;
• In la helo Hay'ad garsoor oo ka madaxbanaan laamaha kale ee Dawladda (Xeer-dejinta iyo Fulinta)
• Dhawrista madax bannaanida iyo xuquuqda garsoorka Maamulka SSC-Khaatumo.

Ugu dambeyn, waxaa fadhigii maanta soo xidhay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo, waxa uuna u mahad celiyay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka iyo Xildhibaannada Golaha ee soo xaadiray fadhigii maanta, waxa uuna balan qaaday sida ugu dhaqsiyaha badan in Hindise Sharciyeedkan loogu gudbin doonno guddiga Cadaaladda Golaha Baarlamaanka si ay uga gutaan waajibaadkooda shaqo sida uu dhigayo Xeer-hoosaadka Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo.

Wafdi ka socda Xafiiska Isku Xidhaha Xisaabiyaha Guud ee DF Soomaliya ayaa  soo gaadhey Caasimada SSC-Khaatumo ee Laasca...
01/02/2025

Wafdi ka socda Xafiiska Isku Xidhaha Xisaabiyaha Guud ee DF Soomaliya ayaa soo gaadhey Caasimada SSC-Khaatumo ee Laascaanood.

Wafdigan oo uu Hogaaminayey Cabdiraxmaan Macallin Cadd ow ayaa kulan la qaatey Taliyaha Guud ee Ciidanka Police SSC-Khaatumo oo ay weheliyaan Taliye ku xigeenka Ciidanka Police ka , Hogaanka Xafiiska Ciiidanka, Taliyaha Ciidanka Birmadka , Hogaanka Tababarada iyo Qorsheeynta, Gudoomiayaha Gobolka Sool iyo Xisaabiyaha Ciidanka Police ka SSC-Khaatumo Waxaana looga hadley sidii loo xoojin lahaa nidaamka Maaliyadeed ee Ciidanka Police ka SSC-Khaatumo.

Dhinaca kale , Wafdigan ayaa kormeerey Xafiiska Hogaanka Ciidanka ee Taliska guud ee Police-ka oo meel dhexe maraya Diiwaan gelinta Ciidanka Police-ka guud ahaan Gobollada kaladuwan ee SSC-Khaatumo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada SSC-Khaatumo oo qeyb ka ahaa Kulankan ayaa sharaxaad ka bixiyey Hanaanka Maaliyada ee dhinaca Ciidanka Police ka .

31/01/2025
30/01/2025

Dagaalka ka socda dhul-daaqsimeedka Ceegaag ayaa salka ku haya kadib markii xaley iyo Saaka ay weerar gardaro ah kusoo qaadeen Kooxaha Hubaysan oo ka yimid deegaanka Habar-heshay Xoollo-dhaqatada ku sugan Dhul-daaqsimeedka Ceegaag oo kasoo kala hayaamay deegaano kala duwan.

Kooxaha weerarka soo qaadey oo isku dayay inay dhacaan Xollaha daaqayay halkaasi, waxaana Soo gaadhey khasaare dhimasho iyo dhaawac ugu dambayna goobtaasi waa iskaga carareen.

Dagaalka ayaa mardhawayd dib u bilowdey.

30/01/2025

: Dagaal u dhexeeya Ciidamada Milatariga SSC-Khaatumo iyo kuwa Maamulka Somaliland ayaa ku dhex maray, nawaaxiga Qorilugud, gaar ahaan Goblamagan iyo Shangeed, subaxnimadii Saaka.

Dagaalka ayaa ka dhashay iska hor imaad kedis ah kaas oo ku bilowday is rasaasayn, is rasaasayn ka dib dagaalka ayaa sii xoogaystay. Ka dib weerar ay qaadeen malleeshiyaadka Somaliland.

Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa iska difaacay duullaanka, waxaana jira khasaare baahsan oo loo gaystay, Ciidanka Somaliland oo weerarka soo qaaday.

28/01/2025

"Halkan martid kuma tihidin, dhulkiinii weeye, talo aynu leenahay ayaan dhinacyada ka fadhisan doonaa" Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

28/01/2025

Buhoodle xarunta gobolka cayn

DEG DEG: Wasaaradda Amniga ee SSC-Khaatumo, ayaa amarro dul dhigtay ajaanibta sharci-darrada ah, kuwaas oo ay ka mid yih...
28/01/2025

DEG DEG: Wasaaradda Amniga ee SSC-Khaatumo, ayaa amarro dul dhigtay ajaanibta sharci-darrada ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1. Joojinta Gelitaanka Sharci-darrada ah: Lama ogola in cid sharci-darro ku soo gasho deegaannada SSC-Khaatumo.

2. Xakamaynta Ajaanibta Sharci-darrada ah: Cid kasta oo fududaysa ama ku lug leh waa lala tiigsanayaa sharciga.

3. Xayiraad Shirkadaha Isgaarsiinta: Waa in la joojiyo taleefoonnada iyo accounts-ka loo sameeyo ajaanibta sharci-darrada ah.

4. Joojinta Xawilaadaha Taleefoonka: Waa mamnuuc xawilaadaha lacagaha ee loo diro ajaanibta sharci-darrada ah.

5. Xaddidaadda Guryo & Meherado: Lama kireyn karo guryo iyo meherado, lagamana diiwaangelin karo.

6. Joojinta Ganacsiyada aan Shatiga Lahayn: Ajaanibta sharci-darrada ah lagama ogolaanayo in ay ganacsi sameeyaan.

Address

Avdan Sokak 12/5 Ayvali Mahallesi Kecioren/Ankara
Ankara
06010

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fayah Cable Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Fayah Cable Tv:

Share

Category