Dalfac Media

Dalfac Media Xog dhab ah iyo dhacdooyin muhiim ah gudaha iyo dibadda.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ahna La-taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Marco Rubio, oo Gaadhay Israa’iil xilli Xiisad...
14/09/2025

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ahna La-taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Marco Rubio, oo Gaadhay Israa’iil xilli Xiisad Cusub Ka Taagan Tahay Weerarkii Israa’iil ku qaaday Dooxa

Tel Aviv – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa maanta gaaray Israa’iil, halkaas oo uu kulan kula yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Safarka ayaa dhacay iyadoo xiisadaha Bariga Dhexe ay cirka isku sii shareerayaan, kaddib weerarkii aan horay loo arag ee Israa’iil toddobaadkii h**e ku qaaday Qatar.

Booqashada Rubio ayaa ku soo beegmaysa kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, si kulul u dhaleeceeyay weerarka Israa’iil ku qaaday magaalada Dooxa, gaar ahaan isku daygii fashilmay ee lagu beegsaday hoggaamiyeyaasha ururka Xamaas ee halkaas ku sugnaa.

Dalalka Carabta ayaa markii ugu horreysay lagu warramay inay diyaar u yihiin, isla markaana ay tixgelinayaan soo jeedin ...
14/09/2025

Dalalka Carabta ayaa markii ugu horreysay lagu warramay inay diyaar u yihiin, isla markaana ay tixgelinayaan soo jeedin ay dib u cusboonaysiisay Masar, taasoo ku saabsan in la dhiso ciidan wadajir ah oo Carbeed. Ciidankan ayaa ka koobnaan doona dhulka, cirka, badda iyo kumaandoos gaar ah, iyadoo dhaqaalaha iyo qalabeyntoodaba ay ka qeyb qaadan doonaan dhammaan dalalka ku jira Jaamacadda Carabta, si ay ula jaanqaadaan xaaladda dagaallada iyo xiisadaha ka taagan dunida, ayna yeeshaan awood difaac iyo weerar degdeg ah, sida uu qoray wargeyska The National ee fadhigiisu yahay Imaaraadka.

Masar ayaa h**ey, sanadkii 2015, shir madaxeed Carbeed oo lagu qabtay Sharm El Sheikh, soo bandhigtay qorshaha ciidan isbahaysi Carbeed. Inkastoo markaas la isla qaatay mabda’a, haddana lama dhaqangelin sababo la xiriiray khilaaf ku saabsan cidda hoggaamineysa iyo halka laga dhisayo taliska dhexe.

Hase yeeshee, kadib weerarkii lagu qaaday Qatar, qorshahan ayaa dib loo soo celiyay, iyadoo Masar ay soo jeedisay in saldhigga dhexe laga hirgeliyo dhulkeeda, hoggaaminta koowaadna ay yeelato. Intaas kadib, waxaa la qorsheeyay in taliyaha guud uu noqdo mid wareegto ah oo ka imanaya 22-ka dal ee xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta. Waxaa la filayaa in arrintan si faahfaahsan looga doodo inta lagu jiro shir ka socda magaalada Dooxa.

Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa ka hadlay isbeddellada badan ee xilka Maayarka ee dhinaca Puntland. Isagoo arr...
14/09/2025

Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa ka hadlay isbeddellada badan ee xilka Maayarka ee dhinaca Puntland. Isagoo arrinta sharxaya, wuxuu yiri:

“Puntland waxay maanta u dooratay Gaalkacyo duqii shanaad intii aan xilka joogay. Anigu diyaar baan u ahay inaan la shaqeeyo duqa cusub, sida aan ula shaqeeyey kuwii ka horreeyey.”

Reer muqdishu hormarkooda ayaa lagasoo hor jeedaa hadii labedelo muungaab.
14/09/2025

Reer muqdishu hormarkooda ayaa lagasoo hor jeedaa hadii labedelo muungaab.

Laakiin hal arrin ayaa jirta: Guddoomiyaha waa diiday in canshuurta Shacabka la cuno oo guryo laga dhisto.
14/09/2025

Laakiin hal arrin ayaa jirta:
Guddoomiyaha waa diiday in canshuurta Shacabka la cuno oo guryo laga dhisto.

Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa’iil ayaa ku warramay in kadib weerarkii lagu qaaday Qatar, Turkiga uu noqon karo ...
14/09/2025

Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa’iil ayaa ku warramay in kadib weerarkii lagu qaaday Qatar, Turkiga uu noqon karo bartilmaameedka xiga ee ay Israa’iil weerari karto. Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay tilmaantay in haddii arrintaasi dhacdo, Israa’iil ay wajihi doonto xaalad masiibo ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Xaru...
13/09/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka, xarun casri ah oo loogu talagalay xoojinta awoodda difaaca iyo sugidda amniga qaranka.

Madaxweynaha, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa xaruntan ku tilmaamay astaanta horumarinta iyo dhismaha hay’adaha difaaca ee dalka, isagoo hoosta ka xariiqay in tignoolajiyada lagu qalabeeyey ay door weyn ka qaadan doonto hawlgallada ciidamada iyo qorsheynta istiraatiijiyadeed ee qaranka.

Mudane Xasan Sheekh ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka dadaalkooda joogtada ah ee lagu horumarinayo awoodda difaaca. Wuxuu xusay in guul kasta oo la gaaro ay astaan u tahay adkeysiga shacabka Soomaaliyeed iyo geesinimada ciidamadooda.

Intaas kadib, Madaxweynaha ayaa kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Difaaca, halkaas oo uu ku dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan guulaha ciidamada qalabka sida iyo xoogagga shacbiga ah ay ka soo hooyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan gobollada Galguduud iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidanku jab xooggan ku gaarsiiyeen argagixisada.

Dawladda  Burkina Faso ayaa ku dhawaaqday in dhammaan dadka Afrikaanka ah loo ogolaan doono inay dalkeeda soo galaan iya...
13/09/2025

Dawladda Burkina Faso ayaa ku dhawaaqday in dhammaan dadka Afrikaanka ah loo ogolaan doono inay dalkeeda soo galaan iyagoo aan fiise horay u dalban.

Tallaabadan cusub ayaa ka dhigaysa Burkina Faso dalkii saddexaad ee Afrika ee qaada nidaamka fiise-la’aanta guud ee qaaradda, ka dib markii h**e tallaabooyinkan ay qaadeen Kenya iyo Ghana.

Go’aankan waxa loo arkaa mid fududaynaya isku socodka, ganacsiga iyo isu soo dhowaanshaha shacabka Afrikaanka ah guud ahaan qaaradda.

Itoobiyaanka ayaa u dabaaldegaya Biyo-xidheenka GERD, oo ah kii ugu weynaa qaaradda Afrika, kaas oo si rasmi ah berri lo...
08/09/2025

Itoobiyaanka ayaa u dabaaldegaya Biyo-xidheenka GERD, oo ah kii ugu weynaa qaaradda Afrika, kaas oo si rasmi ah berri loo furayo.

Toogasho yaab leh oo ka dhacday Baydhabo.Magaalada Baydhabo ayaa shalay laga soo weriyay dhacdo argagax leh oo ka dhex d...
08/09/2025

Toogasho yaab leh oo ka dhacday Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa shalay laga soo weriyay dhacdo argagax leh oo ka dhex dhacday ciidanka, taas oo dhalisay hadal hayn badan.

Askari ka tirsan ciidamada ayaa dilay askari kale, halkaasna uu ku geeriyooday. Askari dilka geystay ayaa si degdeg ah loogu xiray saldhigga magaalada si loo marsiiyo baaris iyo habraaca sharciga.

Hase yeeshee, inta uu ku xirnaa saldhigga ayaa waxaa u tegay askari kale oo qaraabo dhow la ahaa askarigii h**e loo dilay, kaas oo isna halkaas ku toogtay askarigii h**ey u xiranaa.

Dhacdadan ayaa ku dhammaatay in askarigii labaad ee dilka geystay loo geeyo tiirka toogashada, halkaasna lagu fuliyay xukun degdeg ah.

Gudoomiya cusub ee degmada Kaaraan.
08/09/2025

Gudoomiya cusub ee degmada Kaaraan.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO OO XARIGGA KA JARAY WADADA SOOBEGuddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ...
08/09/2025

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO OO XARIGGA KA JARAY WADADA SOOBE

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Wadada Soobe, oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay.

Waddadan oo isku xirta Hoggaanka Dambi-baarista Booliska Soomaaliyeed (CID) iyo Isgoyska 14-ka Oktoobar (Soobe), ayaa ka mid ah waddooyinka istaraatiijiga ah ee caasimadda, isla markaana ah marin muhiim u ah isu-socodka bulshada.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ka go’an tahay in muwaadiniinta lagu celiyo adeegyada ay xaqa u leeyihiin, iyadoo loo marayo maamul daahfuran oo cashuurta shacabka lagu beddelayo adeeg muuqda.

“Wadadan maanta aan xarigga ka jarayno waxa lagu saleeyay qorshe casri ah oo hubinaya in marinnada bullaacadaha ay si toos ah ugu shubmaan badda, isla markaana loo diyaariyay marinno loogu talagalay xarkaha korontada iyo tubooyinka biyaha. Arrintan waxa ay caddeyn u tahay sida aan u hormarinnay tayada iyo waaritaanka adeegga bulshada,” ayuu yiri Dr. Muungaab.

Duqa Muqdisho ayaa intaas ku daray in Dowladda Hoose ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariic la mid ah kan maanta la dhammaystiray, si shacabka ku dhaqan caasimaddu u helaan adeegyo casri ah oo kaabaya horumarka dalka.

Address

Abdulahı Paşa
Elazıg
23270

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dalfac Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dalfac Media:

Share