15/02/2026
Warbixin Ku Saabsan Eedeymo Musuqmaasuq oo La Xiriira Mashruuca FSRP ee Wasaaradda Beeraha Jubaland
Warbixinno soo baxaya ayaa tilmaamaya eedeymo la xiriira ku-takri-fal awoodeed iyo lunsi hanti dadweyne oo ka dhacay mashruuca FSRP ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Jubaland. Eedeymahan ayaa si gaar ah ugu jeeda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Mohamed Mursal Hirsi, oo lagu eedeeyay in si farsamo iyo hab aan waafaqsaneyn nidaamka maaliyadeed uu uga saaray qasnadda mashruuca lacag dhan $397,000 (USD).
Sida wararku sheegayaan, toddobaadkii ugu horreeyay ee bisha Febraayo, Agaasimaha ayaa guryo ka iibsaday magaalooyinka Nairobi iyo Nakuru ee dalka Kenya, taasoo loo arko mid shaki gelinaysa ilaha dhaqaale ee lagu bixiyay.
Mashruuca FSRP waa mashruuc ballaaran oo uu maalgeliyo Bangiga Adduunka, looguna talagalay taageeridda beeraleyda iyo xoola-dhaqatada Soomaaliyeed si kor loogu qaado wax-soo-saarka dalka. Mashruucan oo qiimihiisu ka badan yahay $200 milyan guud ahaan Soomaaliya, ayaa Jubaland loogu qoondeeyay in ka badan $16 milyan. Hase yeeshee, laba sano kadib, waxaa la sheegaya in aanay jirin wax mashaariic muuqda oo si toos ah uga faa’iideysteen bulshada iyo beeraleyda reer Jubaland.
Kadib markii xilka laga qaaday Madaxa Mashruuca FSRP ee Jubaland, Mudane Ahmed Ducale, bartamihii sanadkii h**e, waxaa si ku-meel-gaar ah u maamulayay mashruuca Agaasimaha Guud, isagoo la sheegay in uu diiday in la buuxiyo jagadaas si rasmi ah, arrintaas oo dhalisay tuhun la xiriira maamul-wanaagga iyo hufnaanta mashruuca.
Sidoo kale, dabayaaqadii sanadkii 2024, waxaa soo baxay eedeymo kale oo la xiriira Wasiirka Beeraha Jubaland, Mudane Geele Saliid, oo lagu tuhunsan yahay in uu ka saaray qasnadda mashruuca lacag dhan $750,000 (USD), taasoo loogu talagalay in beeraleyda Jubaland loogu soo iibiyo abuurka dalagga.
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaamaysaa in musuqmaasuqa la sheegay uu ku lug leeyahay masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda, oo ay ku jiraan madax ka tirsan qeybaha qorsheynta iyo maamulka, iyadoo la muujinayo xiriirro dhow oo u dhexeeya qaar ka mid ah masuuliyiinta sare.
Waxaa la filayaa in 15-ka Febraayo ay masuuliyiintan u safraan magaalada Nairobi si ay uga qeybgalaan shir la xiriira mashruuca FSRP, kaasoo la sheegay in lagu soo hadal qaadi doono wareegyo maalgelin oo cusub oo si saddexdii biloodba mar ah loo sii deynayo.
Dhanka kale, Wasiirka Beeraha Jubaland ayaa xilka hayay muddo ka badan 12 sano, hase yeeshee waxaa jirta dhaliil ah in aan la arag horumar la taaban karo oo ka muuqda wasaaradda, iyadoo la tilmaamayo in xitaa aanay jirin xarun rasmi ah oo wasaaraddu ku shaqeyso.
Ugu dambeyn, waxaan maalmaha soo socda sii wadi doonaa daabacaadda warbixinno dheeraad ah oo ku saabsan eedeymahan musuqmaasuq iyo hanti-boobka la xiriira Wasaaradda Beeraha Jubaland.