Hogosha Tv

Hogosha Tv Hogosha Tv waa shabakad madax bannaan oo soo tabisa warar xaqiiqo ah iyo barnaamijyo wax dhisaya.

Ciidamada Amniga ee magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa xalay toogasho ku dilay nin Ajnabi ah oo ka tirsanaa kooxda Daac...
25/01/2025

Ciidamada Amniga ee magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa xalay toogasho ku dilay nin Ajnabi ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish kaas oo sida la sheegay qorshaynayay in uu hawlgallo qorshaysan ka fuliya gudaha magaalada.

Ciidanka Amniga ayaa bilaabay in ay raadgoobaan dhagarqabe la socday midka la toogtay saaka ayaana gacanta lagusoo dhigay.

Sidoo kale hawlgal gaar ah oo lagu beegsaday guriga dhagarqabihii la toogtay ayaa lagusoo bandhigay qalab qarxa oo guriga lagasoo saaray.

Dagaalka lagula jiro kooxda Daacish ayay ballanqaadeen in ay ciidamada kala duwan ee Puntland kusoo afjarayaan dhowaan waxaana haatan gabogabo maraya hawlgalkaas oo ilaa haatan si guul ah ku socda.

26/11/2024

Buuhoodle 👁👁

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BULSHADA RAYIDKA AH KA DHAGEYSTAY TALOOYINKOODA KU AADDAN HIIGSIYADA QARAN.Madaxweynaha Jamhu...
28/11/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BULSHADA RAYIDKA AH KA DHAGEYSTAY TALOOYINKOODA KU AADDAN HIIGSIYADA QARAN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ballaarinaya latashiyada ku aaddan xaqiijinta hiigsiyada dalkeenna ayaa kulamo kula qaatay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey dhallinyarada iyo aqoonyahanka uu la kulmay arrimaha uu muudnaanta siinayo, kuwaas oo ay ugu horreyso xoojinta fursadaha shaqada, kobcinta dakhliga, yareeynta saboolnimada, ciribtirka Khawaaijta, dhammeystirka dastuurka iyo xaqiijinta hiigsiga Soomaali heshiis ah, isagoo ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay uga go'an tahay difaaca dalka iyo xoojinta dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u dul istaagay fursadaha ugu jira dhallinyarada Soomaaliyeed ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waxa uuna ka rajeeyey in ay si mug leh uga dhex muuqan doonaan Dalladan, maadaama dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin hal-abuur, firfircooni iyo adkaysi.

Dhankooda, Haldoorka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay aragtida ay ka qabaan arrimaha qaran ee uu la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay dalkeenna in la dhammeystiro dastuurka, xoreynta deegaannada, qaadista cunaqabateynta hubka, deyn cafinta iyo dib u dhiska ciidamada.

DEGDEG: Ciidankan oo kasoo goostay Millateriga Somaliland ayaa Jabhad Cusub kaga dhawaaqay deegaanka goof ee ka tirsan g...
12/08/2023

DEGDEG: Ciidankan oo kasoo goostay Millateriga Somaliland ayaa Jabhad Cusub kaga dhawaaqay deegaanka goof ee ka tirsan gobolka Sanaag.
Waxaanay sheegeen in ay la mataanyihiin jabhadda xaq u dirirka ah ee ka dagaallamaysa buurta Gacan-Libaax.

DEGDEG:Idris Alteeso oo ah shakhsi samaayn xooggan ku dhex leh baraha bulshada ee Soomaalida oo shalay soo gaadhay magaa...
08/08/2023

DEGDEG:
Idris Alteeso oo ah shakhsi samaayn xooggan ku dhex leh baraha bulshada ee Soomaalida oo shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa ayay xalay Ciidanka Booliska ee Somaliland xidheen.

Dhawaqa xorriyadda dib loogu dalbayo Alteeso ayaa gaadhay meelkasta oo Soomaali joogto Maanta ayuuse dib u helay xorriyaddiisa ka dib maalin xabsi iyo xaalad adag ah.

Fiiro Gaar Ah:
Warar hoose ayaa sheegaya in uu kusoo baxay dammiin isaga oo lagu amray in uu 24 saac gudahood kaga baxo Hargeysa, hogosha media oo xidhiidh toos ah la samaysay Taliska Booliska uma suurtogelin xaqiijinta warkan.

Hogosha Tv

Shan Carruur ah oo aan qaangaadhin isla markaana ku socday Malcaamad(Dugsi Quraan) ayaa Aano-qabiil Loogu Dilay deegaan ...
08/08/2023

Shan Carruur ah oo aan qaangaadhin isla markaana ku socday Malcaamad(Dugsi Quraan) ayaa Aano-qabiil Loogu Dilay deegaan Hoos-yimaadda Qabalaha Qorof ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Waxaana Lagu Aasay Degmada Dhabbad ee Gobolka Galgaduud.

Hogosha Tv

02/08/2023

DEGDEG:
Ciidammo ka tirsan Somaliland oo ku sugnaa Gooja-cadde ayaa maanta isusoo dhiibay Xoogagga Jabhadda ee Beesha Garxejis ee ku sugan buurta gacan-libaax.

Ciidankan ayaa qayb ka noqondoona halganka curtay ee lagula dagaallamayo Kornaylka Dhiiggu u hillaaco ee Muuse Biixi.

DEGDEG:Guddoomiyii xidhiidhka cayaaraha fudud marwo Khadiija Aadan Dirir ayaa shaqo joojin lagu sameeyay.
02/08/2023

DEGDEG:
Guddoomiyii xidhiidhka cayaaraha fudud marwo Khadiija Aadan Dirir ayaa shaqo joojin lagu sameeyay.

29/07/2023

Xildhibaan Faa'isa Jeyte oo markale hadallo xanaf leh u jeedisay Guddoomiye Aadan Madoobe.

DEGDEGMadaxwaynaha Dalka Ruusha Vladimir Putin ayaa dhowaan ballanqaaday in uu dalal ku yaalla qaaradda Afrika oo ay ka ...
29/07/2023

DEGDEG
Madaxwaynaha Dalka Ruusha Vladimir Putin ayaa dhowaan ballanqaaday in uu dalal ku yaalla qaaradda Afrika oo ay ka mid tahay Soomaaliya ugu deeqayo deeq Qamandi ah si ay uga baaqsadaan midkii ay horay ugu dhoofin jirtay Ukrain ee qaaliga ahaa.

“Dowladda Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa go’aankii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Putin ee ahaa in 25-50,000 tan oo hadhuudh ah lagu gaarsiinayo lacag la’aan 7 waddan oo ay Soomaaliya ku jirto. “Waa go’aan bini’aadantinimo oo togan oo caawin doona kumanaan Soomaali ah oo ay soo food saartay cunto yari” ayuu yiri wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya.

Dhanka kale aqalka kremlin-ka ee looga arrimiyo dal waynaha Ruushka ayaa sheegay in Madaxwayne Putin qorshaynayo in uu bisha October booqdo dalka China.
Halka wararka qaarna raacinayaan in uu sidoo kale booqandoono Dalka Turkiga haseyeeshee wali lama shaacin in Putin uu booqashadan dambe qorshaha hirgalinta ku darsandoono iyo in kale.

Hogosha Tv

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxammuud oo dalka dib ugusoo laabtay ayaa xalay...
29/07/2023

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxammuud oo dalka dib ugusoo laabtay ayaa xalay kulan la yeeshay qaar ka mid ah saraakiisha ciidammada xoogga dalka kuwaasi oo uu ka waraystay halka uu marayo baadhista kiiska qarixii ka dhacay kulliyadda Jaalle Siyaad kaasi oo ay ku dhinteen Askar tiro badani kuna dhaawacmeen tiro kale oo badan.

Madaxwaynaha ayaa saraakiisha ku amray in si degdeg ah loosoo afjaro baadhista kiiskaas isla markaana shacabka loogusoo bandhigo xaqiiqada rasmiga ah iyo cidda fududaysay qaraxaasi.

Hogosha Tv

DEGDEGWafti ay hoggaaminayaan labada isim ee kala ah Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Mukhtaar Buraale oo ka mid ah ...
29/07/2023

DEGDEG
Wafti ay hoggaaminayaan labada isim ee kala ah Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Mukhtaar Buraale oo ka mid ah isimmada dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa saaka lagusoo dhoweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland.

Sidoo kale Caaqil Falaalug oo ahaa afhayeenkii h**e ee guddidii 33ka ayaa isna qayb ka ahaa safarkan waxaana la filayaa in ay dhowaan gaadhaan magaalada Laascaanood si ay halkiisii ugasii wadaan halganka xoraynta ee SSC-KHAATUMO.

Hogosha Tv

Address

Mogadisho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hogosha Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share