18/02/2026
Senator Maryan Farah Kahiye oo ka tirsan golaha aqalka sare ee JFS ahna xaaska youtuber ka lagu magacaabo Abdijaliil Osmaan ayaa barteeda Facebook kuso
daabacday maqaal dheer oo ay kaga hadleeyso arin saacadihi ugu danbeyay aad looga hadal hayay baraha bulshada taa oo u dhaxeeysa Abdijaliil Osman iyo gabar
lagu magacaabo Yaasmiin Abdi.
Waxeyna qoraal keeda u dhigtay sida tan
“FARIIN DADWEYNE
Waxaa murugo leh in bulshada dhexdeeda lagu faafiyo warar aan sal iyo raad toona lahayn iyadoo aan la hubin xaqiiqda.
Abdijaliil Osman waa dhalinyaro leh himilo, aragti iyo dadaal muuqda. Wuxuu si joogto ah ugu taagan yahay horumarinta dhalinyarada iyo in uu noqdo qof bulshada wax ku kordhiya. Anigu waxaan marag ka ahay sida uu u shaqeeyo si daal la’aan ah. Labada saacadood ee aad daawataan, isagu wuxuu ku bixiya 24 ilaa 72 saacadood tafatir iyo diyaarinta barnaamijka (Editing( si aad u heshaan aqoon iyo nuxur tayo leh oo aad ka faa’iidaysataan.
Wuxuu si ula kac ah uga leexday wareysiyada siyaasadda si uu diiradda u saaro tiknoolajiyada iyo arrimaha diinta, taasoo uu u arkay inay bulshada ka waxtar badan tahay. Taasi waa masuuliyad iyo naf-hurnimo, ma aha wax lagu dhaliilo.
Qof dadaal badan sameynaya, dhalinyaro hagaya, bulshadana wax u taraya, ma mudna in lagu weeraro warar been abuur ah. Haddii aad wax ka sheegaysaan qof, hubiya marka h**e xaqiiqda. Xorriyadda hadalku micnaheedu ma aha in la dhaawaco sumcadda qof.
Aan noqono bulsho garasho leh oo is ixtiraamta, kana fog xanta iyo been-abuurka.
Abdijalil uxuu mudan yahay taageero iyo qaddarin, ma aha xukun degdeg ah.
Ka hor inta aadan hadlin ogow runta.
Keep shining husband. I will always have your back.”