01/10/2023
_🤱𝐂𝐮𝐧𝐭𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐢𝐥𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐍𝐚𝐚𝐬-𝐍𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚🤱_
Cᴜɴᴛᴏᴏᴏʏɪɴᴋᴀ ᴋᴏʀᴅʜɪʏᴀ ᴄᴀᴀɴᴀʜᴀ ɴᴀᴀsᴋᴀ Hᴏᴏʏᴀᴅᴀ.
Hooyo walba oo naas-nuujinayso waxay is waydiinaysaa nooca cuntada ay ubaahanyahay inay qaadato si ilmaheedu u helo xaddiga caanaha uu ubahanyahay iyo nafaqo ku filan.
Naas-nuujintu waa habka ugu wanaagsan Ee ilmuhu kuhelo nafaqada aasaasiga.
𝐂𝐮𝐧𝐭𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐮 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨𝐝𝐚 𝐧𝐮𝐮𝐣𝐢𝐬𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡:
1. Khudaar cagaaran Ee caleemaha leh : khudaarbtaan waxay qani ku tahay fiitaaminada : vitamin A, vitamin C, folate, vitamin K, iyo macdanta : magnesium, calcium, iron iyo potassium waxayna daruuri u yihiin hooyada nuujinayso si ilmaheedu u helo xaddiga caanaha iyo nafaqada u ubaahanyahay .
2. Sareenka iyo cuntada baalka leh : waxa kubadan macdanta iron tasoo qaybka ah unugyada dhiigga muhiimna u ah hooyada si looga hortaga dhiig yari oo keeni karto soosaarista caaanaha oo yaraado.
3. Toonta :waxa kujiro qaybaha kaladuwan ee nafaqada sida fiitamiinada Vitamin C , Vitamin B6 , Thiamine (B1) iyo macdanta : Calcium, Magnesium , Phosphorus , iyo Iron waxayna kamidtahay khudaarta ugu waxtarka badan sida la ogaaday
4. Babaayga cagaaran : khudaartaan waxay ka qayb qaadataa soo saarista dheecaanka layiraah oxytocin oo keento in murquhu isku soo ururaan si loohelo awood caanaha lagu soosaari karo.
5. Karootada : waxay kamidtahay khudaarta qaniga ku ah vitamin A oo muhiim u ah hooyada xiliga naas-nuujinta vitamin A wuxu daruuri u yahay korniimada ilmaha.
6. Biyaha : caanaha xaddiga ugubadan waxay ka koobanyihiin biyo hooyada nuujinayso waa inay cabtaa maalintiiba ugu yaran labo litir (2 liters) oo biyaa.
7. Duxda layiraah omega-3 oo laga helo kalluunka iyo ukunta waxayna aasaasi u tahay korniimada maskax ahaaneed ee ilmaha.
S𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 sidoo kale xaga hoose ka wac 𝐚𝐬𝐱𝐚𝐚𝐛𝐚𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚, si ay uga faaideystaan.
Dr faris Al attas