10/01/2026
Xayawaanka sawirka idinka muuqda waa Gardashabeel oo luuqada cilmiga looga yaqaan Leptailurus serval, kaas oo ku nool dhulalka bannaan ee koonfurta iyo Bariga Afrika, dhulka biyaha leh iyo buuraha gaara ilaa 3800 mitir.
Waxaa astaan u ah lugaha dhaadheer oo ah kuwa kor u qaadaya muuqisa jirka marka loo eego bisadaha duurjoogta kale,sidokale waa mid madax yar iyo dhego waaweyn oo wareegsan leh kuwaas oo u shaqeeya sidii radar si uu u maqlo dhaqdhaqaaqa ugaadha yar yar ee cawska dhexdiisa ama dhulka hoostiisa ku jirta.
Dheerarkiisu wuxuu gaara ilaa 54-62 cm garabka, miisaankiisuna 9-18 kg, kaas oo leh midab huruud-dahab ah, dhibco iyo xariijo madow, iyo dabo gaaban.
β
Gardashabeelku wuxuu cunaa hilibka, sida jiirka, shimbiraha, xamaaratada, kalluunka iyo xitaa cayayaanka.
Waxa lagu tilmaama in ugaadhsigiisa 48% uu ku guulaysto taasoo ka sareysa bisadaha kale ee duurjoogta ah.
Waxa uu awood u leeyahay inuu boodo ilaa 3 mitir kor ama 4 mitir horay si uu u qabto ugaadha, sidokale waa mid maqalkiisu aad u sareeyo waxaana la sheega inu wax ka maqlo masaafo dhan 2 km.
Wuxuu sidkale ku noolyahay inta badanka dhulka biyaha leh isagoo halkaas ka hela biyo uu cabo iyo hillib sida kalluunka oo kale balse hadda waxa uu ku jiraa xayawaanada khatarta ugu jira dabar ggo'a taas oo ay keentay isbadalka aadanaha iyo degaamaynta dhulka.
Dabeecad ahaan gardashabeelku waa mid leh dabeecad wuxuuna jecel yahay ku lahaanshaha dhul u gaar ah.
Wali ma aragtay?