17/07/2025
Falkii Wariye Horyaal24 TV: Xadgudub Saxaafadeed iyo Jahli Damiir-beel ah
Wariyaha ka tirsan Horyaal TV ayaa si foolxun u bilaabay wareysi uu la yeeshay wiil ku sugan gudaha Somaliland, oo si cad u muujinayay inuu ku dhowyahay inuu naftiisa gubo – taasoo ah qaylo-dhaan nafsiyeed aad u culus oo u baahan in si bini’aadanimo iyo xirfad leh loo wajaho.
Hadalka uu ku furay wareysiga ayaa ahaa:
“Maxaad ku dooratay inaad is gubto, iyadoo ay jiraan siyaabo kale oo aad isku dili kartid sida sun cabis, is deldesho ama xabbad isku dhufasho?”
Hadalkan wuxuu aad uga fog yahay hab-maamuuskii suugaaneed iyo anshaxii saxaafadeed ee la gudboon warbaahinta mas’uulka ah. Waxaa uu u dhignaa in wariyuhu u arko is-gubiddu mid “muran leh”, balse dil nafeedka kale uu yahay wax “fudud” oo mudan in la tixgeliyo – taas oo ah fariin halis ah oo dhiirigelin karta ficillo nafeed oo kale.
Saxaafadda mas’uulka ah waxa la gudboon in ay dadka nugul, gaar ahaan kuwa la daalaa dhacaya cadaadis nafsiyeed, la hadasho si niyad-dhis leh, naxariis leh, oo leh faham bini’aadannimo. Waxaana laga filayaa in warfidiyeenka ay noqdaan cod difaaca dadka nugul – ee aysan noqon kuwo dhaawaca sii fogeeya.
Falkan wuxuu sidoo kale muujinayaa jahli sugan oo ku saabsan xaaladaha nafsiyeed (mental health) iyo sida saxda ah ee loola tacaalo. Isku day kasta oo qofku isku dayo inuu naftiisa waxyeelleeyo waa calaamad cad oo muujinaysa in qofkaasi ku sugan yahay xaalad xanuun nafsiyeed oo u baahan garab istaag, la-talin, iyo daryeel – ma aha su’aalo suuq-geen ah oo wax gubaya xoojinaya.
Waxaan ugu baaqeynaa Horyaal TV:
• In ay si degdeg ah raalli-gelin uga bixiyaan hadalkaasi.
• In ay si dhameystiran u baaraan dhacdada, una qaadaan tallaabooyin ay ku saxayaan qaladka.
• In ay wariyahooda ku dadaalaan tababarid iyo wacyigelin ku saabsan anshaxa saxaafadda iyo daryeelka nafsiyeed ee dadka la waraysto.
Saxaafadda wanaagsan waa mid garab u noqota dadka, balse saxaafaddu markay dhaawacdo, waxay noqon kartaa aalad dil ah. Waxaa lagama maarmaan ah in suxufiyiintu bartaan in erey walba uu leeyahay miisaan – gaar ahaan marka lala hadlayo qof noloshiisa la halgamaya.
FUAD. 👈